Hogaanka iyo xildhibaanada xisbiga Kulmiye Qaar Ka Mid Ah oo Dagaal Xoogan Kula Jira xukuumadda Madaxweyne Silanyo ee Kulmiye
Hargeysa (Somaliland.Org) Bishan iyo maalmahan ugu danbeeyey ayaa waxa si weyn isu soo tarayay mucaaradad iyo dagaal culus oo qaar ka mid ah hogaanka xisbiga Kulmiye iyo xildhibaanada xisbiga Kulmiye ay kula jiraan xukuumadda Madaxweyne Silanyo ee xisbiga Kulmiye.
Iyada oo mucaaradadasi socotay in mudo ahba, hase yeeshee waxa ay si cad usoo shaac baxday bishii June ee ina soo dhaaftay. Waxa dhacday Md Cabdiraxman Talyanle oo ah guddoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye ayaa hal asbuuc ka hor fajac iyo amakaag ku riday dhamaan shacabka reer Somaliland iyo dadka siyaasadda indha indheeya, kadib markii uu ka codeeyey xil ka qaadistii guddomiyaha maxkamada sare, ee uu la saftay mucaaridka xukuumadda.
Dhinaca kale, xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Axmed Ducaale , Xildhibaan Ibraahim Kacaan iyo Xildhibaan Ibrahim Rayte, kuwaasoo dhamaantood ah xildhibaanada xisbiga Kulmiye ee golaha wakiiladda ayaa yaguna sidoo kale la saftay mucaaridka xukuumadda Kulmiye, mooshinkii xilka lagaga qaadayay guddomiyaha maxkamada sare, taasoo fajac ku noqotay dadka badankiisa.
Ma aha keliya hal mooshin oo xukuumaddu keentay arrimaha hogaanka iyo xildhibanada Kulmiye qaar ka mid ah ay xukumada ku mucaaradeen, hase yeesee, waxa beryahan danbe soo shaac baxayay ifafaalo dagaal iyo mucaaradad culus oo xisbiga Kulmiye in badan oo ka mid ah kala hor imanayan xukuumadda Kulmiye amaba ay kala hor yimaaden.
Tusaale ahaan, waxa jira olole xoogan oo beelaysan, marna siyaasadaysan oo maalmahan ka socda caasimada Somaliand ee Hargeysa, kaasoo loogu diyaar garobayo ansixinta wasiiradii cusba ee Madaxweyne Silanyo magacaabay dhowaan. Sidoo kale waxa jira shirar beeledyo siyaadeysan oo lagu canbaaraynayo xukuumadaa Somaliland.
Dhamaan ololahas iyo mawjadahaa mucaarad ee kala duwan waxa hormood ka ah, sida warar xog ogaal ah sheegayan iyo sida laga dheehan karo fagaarayasha siyaasada xildhibanada iyo hogaanka Kulmiye kuwa ugu cad, sida Sicid Cilmi Roble iyo Cabdiraxman Talyanle.
Dhanka kale, waxa dad badan is waydiinayan sida Md Cabdiraxman Talyanle oo ah gudomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye, isla markaana ah xildhiban wakiilada, uu hadana dagaal iyo mucaaradad culus ugala hor iman karo xukumada. Sidoo kale waxa dad badan is waydiinayan sida Sicib Cilmi Rooble oo ah xildhiban Kulmiye, isla markaana ah, guddomiyaha guddi hoosadka arrimaha gudaha ee golaha wakiiladda, uu dagaalka culus ugu qaaday xukuumadi ka dhalatay xisbigiisa Kulmiye.
Iyada oo dhinaca kale dadku is waydiinayan oo aan la garanayn talaabadda ay ka qaadi doonto xukuumadda Siilanyo hogaanka iyo xildhibaanada Kulmiye ee mucaaradka adag ku noqday xukuumadisa. Sidoo kale waxa la is waydiinaya taladaba iyo jawaabta uu ka bixin doono arrinkaas hogaanka sare ee xisbiga Kulmiye.
Gebegabadii, sida muuqata ayaa wakhtigan xaadirka ah Somaliland kama jiro mucaarad tayo leh, iyada oo labada xisbi mucaarad ee UCID iyo UDUB ay gudahooda isku mashqulsan yihin oo kala daadsan yihin. Sida muuqata mucaaradka qudha ee xukuumada dagaalka kula jira yahay xisbiga Kulmiye xildhibanadisi iyo hogaankisi qaar ka mid ah.
Somaliland.Org
No comments:
Post a Comment