15 July, 2011

Dadwaynaha Xaafada Shacabka Oo Isku Abaabulaya Inay Iska Difaacaan XAMARJI

Dadwaynaha Xaafada Shacabka Oo Isku Abaabulaya Inay Iska Difaacaan XAMARJI

Dadwaynaha Xaafada Shacabka Oo Isku Abaabulaya Inay Iska Difaacaan Ciidamo Uu Wato Badhasaabka Hargeysa Iyo Maayar Ku Xigeenka Oo Damacsan Inay Cagaf Galiyaan Guryo Ay Degan Yihiin Muj Iyo Agoontii SNMOo Damacsan Inay Cagaf Galiyaan Guryo Ay Degan Yihiin Mujaahidiin Iyo Agoontii SNM

 

"20 Sano Ayaanu Madaxweyne Siilaanyo Jaar Ahayn Oo Aanu Rayaale-Na Uga Hiilinay, Kamaanu Filayn In Xukuumadiisu Cagaf Na Galiso" Hooyo Ruqiya Cali Xuseen

Hargeysa,(Qaran news)- Dadweynaha Xaafada shacabka magaalada Hargeysa, gaar ahaan qaybta u dhaw xafiiska Gudoomiyaha gobolka Maroodi jeex ayaa la sheegay inay abaabul iyo diyaar garow ugu jiraan siddii ay uga hortagi lahaayeen amar la sheegay inuu Dawlada hoose ee Caasimada Hargeysa uu siiyey Badhasaabka Maroodi Jeex, kuwaas oo uu hogaaminayaan maayar ku xigeenka Caasimadda Hargeysa Maxamed C/laahi Uurcadde, oo damacsan inay xoog kaga raraan gurayahaasi dawlada ee ay dagan yihiin dadkaasi mudada 20-ka sano ah.

 

Boqolaal ka tirsan dhalinyarada xaafada shacabka ayaa xalay laga dareemayey dhaqdhaqaaq is abaabul ah oo ay ku doonayaan inay iskaga difaacaan ololaha lagu rarayo.

Badhasaabka gobolka Maroodi Jeex Axmed Cumar C/laahi (Xamarje) ayaa sheegay in dadka guryaha laga rarayo loo diyaariyey in la dajiyo meel Ayax 4 la yidhaa oo ka mid ah agaagaarka Qudbiga Sheekh Cumar Yuusuf, halkaas oo aanay ka jirin baahiyihii aasaaska nolosha salka u ahaa, sida biyaha, waxbarashadda, caafimaadka IWM.

 

Hooyo magaceeda la yidhaahdo Ruqiya Cali Axmed oo ka mid ah qoysaska ku nool xaafadaasi shacabka, oo cabashadooda wargeyska Haatuf shalay uga warantay, waxa cabashadeeda ka mid ahaa oo ay tidhi "Muddo 20-sanadood gaadhaysa ayaanu Madaxweyne Siilaanyo jaar ahayn oo aanu Rayaale uga hiilinay, laakiin tani waa mid aanaan ka filnayn in xukuumaddiisu Cagaf na galiso oo xoog nagaga saarto guryahaanu deganayn 20-ka sano. Waxaanu wax la qabnaa guryahaa dawladda ee Shacabka ee lagu wada jiro, hadii ay dawladu u baahatana sifaheeda ay u soo marto oo ay nasiiso meel biyo leh oo caruurtayadu iskuuladda ka dhigan karaan".

Dhinaca kale dadweynaha ku dhaqan xaafada ayaa sheegay in Badhasaabku damacsan yahay inuu raro mujaahidiintii SNM ee dalka xoreeyay, kuwaas oo qaar naafo ah iyo agoon ay ka tageen Mujaahidiin waawaynina ay ka mid tahay sida Caruurtii Mujaahid Maloosh, kuwaas oo markii horena laga soo raray guryaha Miiska Saraakiisha.

 

Waxa laga cabsi qabaa haddi arrinta ay dawladu xoog ku muquuniso inay kaga rarto guryaha inay halkaasi ka iman karto xaalad khatara, isla markaana keeni karta isku dhac dhex mara ciidamda iyo dadweynahaasi ka dhalan karto.

Si kastaba ha ahaatee xukuumadda Somaliland ee wakhtigan talada haysa ayaa loga baahan yahay inay arrinta dajiso, isla markaana sidii balanqaadka uu ku sheegay Madaxweyne Silaanyo in maamulkiisu wax u qaban doono mujaahidiintii SNM ee uu muddada dheer gudoomiyaha u soo ahaa, balanqaadkaasi ayay dadweynahan xaafada shacabku ku nool gaar ahaan qaybta la jaarka ah xarunta badhasaabka oo intooda badani ay ka soo jeedaan mujaahidiintii SNM, agoomihii, ayaa masuuliyiinta xukuumadda waxa looga fadhiyaa in aanay arrinta xoog ku dayin, balse si degan wax u dhamayso.


Haatuf

 

No comments: