15 July, 2011

Ciidamada Amaanka Ee Magaalada Hargeysa Oo Jidh'dil Ku Sameeyay Suxufi

Ciidamada Amaanka Ee Magaalada Hargeysa Oo Jidh'dil Ku Sameeyay Suxufi

 

Ciidamada Amaanka Ee Magaalada Hargeysa Oo Xadhig Iyo Jidh-dil Isugu Daray Sawir Qaade Ka Tirsan Telefishanka Horn Cable Tv.

Hargysa,(Qaran news)- Ciidamada ee booliska ee Magaalada Hargeysa ayaa maanta si arxandaro ah u garaacay sawir qaade  Cabdinuurow  Cabdi Aboorey oo ka tirsan Telefishanka Sateliite-ka  ah ee Horn Cable TV oo xaruntiisu tahay  Hargeysa, iyada oo markii dambena loo taxaabay xabsiga oo uu jiray in ku dhaw saacad.

 Sawir qaadahan ayaa wakhtigii dhibaatada loo geystay ku sugnaa xarunta gobolka , halkaas ay ciidamadu xooga kaga rarayeen qoysas danyar oo uu badhasaabka gobolka Maroodijeex amar ku bixiyay in laga  raro guryo ay dawladu lahayd oo ay ku noolaayeen muddo 20 sanno ah, iyada oo goobtaas ay ka dhaceen rabshado sababay dhaawaca gabadh dhalinyaro oo ay xaaladu ba’antahay, waxaana ay askartu bilaabeen ay qoryaha AK 47 dabadooda iyo ulo ku garaaceen sawir qaadaha oo isku dayay in uu qaato sawiro muujinaya waxa ka dhacay halkaas oo ahaa tacadyadiyo fool xun oo  ka dhan xuquuqda aadamaha.

 

 Suxufigan oo aanu wax ka waydiinay sida ay wax u dhaceen ayaa sheegay in markii ay askartii ay weerareen uu gudanay waajibaadkiisa shaqo,isaga oo sawiro naxdin leh ka qaadayay qoyska gabadh dhalinyaro ku dhawaacantay rasaas ay ciidanku ooda kaga qaadeen dadkii iyagu diidanaa in ay u hogaasamaan amarka badhasaabka oo  ahaa in ay isaga haajiraan guryaha dawlada  ee ay ku noolaayeen, kuwaas oo ka goodasanaa dhaawac soo gaadhay gabadhooda oo ay xaaladeeda caafimaad aad u liidato, taasoo lagu daaweynayo cisbitaalka ee Magaalada Hargeysa.

 

 “Waxa  i garaacay askar mar aan wax ka duubay qoys murugaysan oo ay gabadh ay dhaleen ay ku dhacday rasaas ay askartu rideen, dumarku waa ay barooranayeen ana waan sawirayay, mar kaliya ayay niman askari ah qoryaha dabadooda iyo ul ugu tumeen, dhaawac ayaa igaga yaala feeddhaha iyo gacmaha waa kuwaas muuqanaya, waxaana la ii xidhay muddo ku dhaw saacad” ayuu  sawir qaade Cabdinuur Aboorey u sheegay shabakeda wararka ee Ramaasnews.

 

 Ciidamada  amaanka  ayaa had iyo jeer caadaystay in ay ku kacaan falal  aan la xisaabtan lahayn oo ka dhan ah xuquuqul insaanka, waxaana ay wakhtiyada qaar bartilmaameed ka dhigtaan saxaafada madaxbanaan, iyaga oo xadhig iyo jildhil u gaystay suxufiyiin tiro badan.

 

Ramaasnews

 

No comments: