11 July, 2011

Booqashadii Silanyo Ku Tagay Koonfurta Sudan Oo Noqotay Tii Ugu Faa’idada Badnayd

Booqashadii Silanyo Ku Tagay Koonfurta Sudan Oo Noqotay Tii Ugu Faa'idada Badnayd

HAATUF

Waxa Uu Fursad U Helay Inuu Calanka Iyo Rabitaanka Shacbiga Somaliland U Muujiyo Madaxdii Wadamada Afrika Ee Ka Soo Qayb Galay Munaasibadii Loogu Wanqalayey Dalka 54aad Ee Ku Soo Biiray Qaarada

Hargeysa, July 11, 2011 (Haatuf) –Booqashadii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu ku tagay dalka Koonfurta Sudan ayaa waxa lagu tilmaamayaa inay ahayd tii ugu faa'iidada badnayd ee Madaxweyne Somaliland ahi ku tago dal dibadeed marka laga hadlayo qadiyada gooni isku taaga Somaliland.

Mudane Siilaanyo iyo wefti uu hogaaminayo ayaa waxa ay ka qaybgaleen Sabtidii doraad munaasibad loogu Wanqalayey dalka cusub ee Koonfurta Sudan, taas oo lagu qabtay caasimada dalkaasi ee Juba, halkaas oo ay isugu yimaadeen hogamaiyaal badan oo ka mid ah madaxda dawladaha Afrika iyo kuwo kale oo ka socday wadamada kale ee  dunida, iyadoo Madaxweyne Siilaanyo uu fursad u helay inuu madaxdii dalalka Afrika ee ku sugnaa halkaasi uu u muujiyo dareenka rabitaanka iyo wadciga dhabta ah ee ka jira Somaliland ee ay ku doonayaan inay noqdaan dal madaxbanaan oo la aqoonsan yahay.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa safka hore kaga jiray si weyn uga muuqday munaasibadihii ay xukuumadda koonfurta Sudan ugu talo gashay ku dhawaaqa maalintii Calankooda ee ay noqonayeen dawladd madaxbanaan oo la aqoonsan yahay.

Waxaana la odhan karaa in booqashadan Madaxweyne Siilaanyo ay madaxda dawladdo badan faham siisay, gaar ahaan kuwa Afrika xaqa shacbigani ay u leeyihiin Aaya ka tashigooda ay gaadheen 1991-kii, isla markaana ay booqashadani qadiyadii Somaliland ka gudbisay caqabado diblomaasiyadeed oo hor taagnaa marka la eego Dhinaca Afrika.

Dhinaca Baratakoolka Madaxweyne Siilaanyo intii uu joogay halkaasi waxa wuu fursad u helay ka sokow qadiyada Somaliland ee uu u sharaxayo madaxda Afrika, waxa u dheerayd Madaxweyne Siilaanyo heer Baratakool heer sare ah oo hadd iyo jeer lagu maamuusayey muddadii uu ku sugnaa Juba, iyadoo uu la maqaam ahaa madaxda dalalka Afrika kuwa ugu waaweyn iyo xoghayaha Qaramada Midoobay Ban-kii Moon oo ay mararka qaarkood is agfadhiyeen.

Sidoo kale Waxa xusid mudnayd munaasibadii lagu qabtay fagaaraha John Garang oo ahaa hogamaiyihii jabhada SPLA ayaa waxa ka dhex babanayey oo ka dhex muuqday calamadii dunida calanka Somalialnd oo saddex meelood oo kala duwan la sudhay halka dalalka kalena tiir kaliya ay sudhnaayeen.

Magaalada Juba ka hor intii aanu ka soo amba bixin Weftiga Somaliland ayaa waxa laga dareemayey xamaasad iyo dareen madaxdii ka soo qaybgashay ay ku taageerayaan gooni isku taaga Somalialnd, waxaa se taas ka sii weynaa caadifada ay qadiyada Somaliland u muujiyeen xukuumadda iyo dadweynaha dalka cusub Koonfurta Sudan.

Waxyaabaha aad u soo jiitay dareenka dadkii dunida iskaga yimid ee ka soo qaybglay maalintii la saarayey calanka Koonfurta Sudan waxa ka mid ahaa garamo iyo funaanado ay ku xardhan yihiin calanka Somalialnd iyo halku dhigyo ugu baaqaya in la aqoonsado gooni isku taageeda oo loo qaybiyey dadweynaha koonfurta Sudan iyo wufuudii ka soo qayb gashay munaasibadaa, iyadoo halkaa lagu qaybiyey in ka badan Kun garan (T Shire) iyo funaanado Jaakado (Jackets). Waxa kale oo xusid mudan in madaxweynaha iyo weftigiisu ay koonfurta Sudan ku tageen diyaarad Jet ah oo loogu talo galay inay qaado rakaab kor u dhaafaya 100 qof, taas oo maalintii khamiistii weftiga geysay caasimada Ethiopia si uu ula kulmo Wasiirka Arimaha dibada ee dalka UK William Hague, iyadoo uu madaxweynuhu jimcihiiba u gudbay magaalada Juba halkaas oo uu shalay ka soo duulay toosna ugu soo noqday caasimada dalkiisa ee Hargeysa.

Madaxweyne Siilaanyo waxa safarkiisa ku wehelinayey 14 suxufi oo ka tirsan warbaahinta Somaliland, kuwaas oo u badnaa hay'adaha madaxa banaan ee gaarka loo leeyahay. Waana markii u horaysay tan iyo markii Madaxweyne Cigaal uu suxufiyiin ka tirsanaa wargeyska Jamhuuriya u kaxaystay booqasho uu ku tagay magaalada addis ababa 1995-kii ee ay suxufiyiin ka tirsn warbaahinta maaxa banaan ay dibada u raacaan madaxweyne reer Somaliland ah.

Bulshada caalamka ayaa had iyo jeer shardiga aqoosiga Somaliland waxa ay ku xidhaan inay midawga Afrika ogolaadaan Somalialnd.

Dhinaca kale madaxweyne Siilanayo oo ka hadlay faa'idooyinka uga soo baxay socdaalkii uu kaga qayb galay xaflada madaxbanaanida koonfurta Sudan ayaa waxa uu yidhi "Ictiraafka oo ahaa mid aanu muddadaa dheer u halgamaynay, waxay anagana noo ahayd fursad weyn, si laxaad leh oo weyna waanu uga soo qaybgalnay, aadna waan ugu faraxsanay calankayaguna waxa uu ka mid ahaa Calamadii shalay (doraad) ka dhex muuqday fagaarihii loogu dabaal dagayey madaxbanaanida Koonfurta Sudan ayuu ka mid ahaa, farxad weyna way noo ahayd kasoo qaybgalku.

 In Somaliland la aqoonsado aad baanu u rajaynaynaa kalsoonidina waanu ku qabnaa samirkeedana waanu leenahay, marka ugu horaysa waxaanu aaminsanahay dal iyo dad iyagaa horta aqoonsigooda isku haya ilaa xad haddii la eego, waayo siday wax u qabsadeen ee ay dalkooda u koriyeen, siday u maamuleen iyo siday isku muujiyeen ee dunida ugu cadeeyeen inay yihiin dad lugahooda isku taagi kara, oo wax qabsan kara, oo muujin kara oo ismaamuli kara inay yihiin taasna dunida waanu u cadaynay"

No comments: