Maxkamad diiday in Soomaali lagu celiyo Muqdisho
BBC Somali
Ilaa laba boqol oo tallaabada oo kale ah ayaa UK ay wali go'aan ka gaaraysay.
Labada Soomaalida ah Cabdisamad Cadow Suufi iyo Cabdicasiis Ibraahim Cilmi ayaa qareenka u doodayaa uu sheegay in si xun loogu dhaqmayo ama la dilayo hadii Soomaaliya lagu celiyo.
Xaakimyada maxkamadda ayaa xukmiyay in labada qof dib u celintooda ay noqonaysa in lagu xadgudbay axdiga xuquuqda aadanaha sababtoo ah waxay la kulmi karaan in loola dhaqmo si bini'aadaminimada ka baxsan.
Maxkamaddan ayaa tijaabo u ahayd Soomaali badan oo magangalyo doon ah oo ku sugan Europe oo dhan.
Xaakimyada ayaa u arkay in xaaladda Muqdisho aysan ku badbaadi karin Soomaalida inteeda badan.
Dowladda Britain waxay sheegtay in aysan ku faraxsanayn go'aanka maxkamadda.
No comments:
Post a Comment