Fulkaanihii Ka Qarxay Eratariya oo Xanibey Diyaaradihii Iman Jirey Madaaradda Hargeysa iyo Berbera
Written by Qaran news
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa daboolka ka qaaday in Fulkaanihii Todobaadkan ka qarxay dalka Eratariya uu saamayn ku yeeshay duulimaadadda diyaaradihii dalalka Djabuuti iyo Kenya uga iman jirey Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaana waxa uu Wasiirku ku sheegay Wargeysi uu siiyey Idaacadda BBC-da qaybteeda Afka Soomnaaliga.
Diyaaradaha dulimaadyadoodii joojiyey ka dib markii qiiq iyo boodh wada oo ka soo kacay Folkaanahaasi uu hawada ku sameeyey Ciiro lumisay aragtidii ay ku socdeen ama ku duuli lahaayeen Duuliyeyaasha wada ama kaxeeyey diyaaradahah isaga goodhai jirey dalalkaasi aynu soo sheegnay, isla-markaana ay arintaasi noqotay mid cabsi weyn ku abuurtay wadayaasha Diyaaradihii u kala duuli jirey Jabuuti, Kiiniya iyo Somaliland.
Dalalka Djabuuti iyo Kenya ayaa diyaaradahoodu amar ku siiyay inaanay duulimaadyadooda ku tagin madaarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, taasoo kaliftay in diyaaradihii labadaa wadan ka imanayey joogsadaan.
Wasiirka wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa cadeeyay duulimaadyadda istaagay "..Arintaasi war-war badan ayay nagu haysay waayo mandaqadu way isku wada xidhan tahay, anagana saamayn wayn nagumay yeelan, Berbera oo kale oo meel hoose ku jirta 10% ayaa la dareemayaa ciirada ku jirta.." Ayuu yidhi Md. Maxamuud Xaashi Cabdi.
Waxaanu intaa ku daray "..Haa diyaaradihii Djabuuti iyo Nairobi way joogsadeen, sababta oo ah feejignaan ayay ku jiraan wadamadaasi, Djabuuti oo kale diyaarado shalay nooga imanayay ma jiraan, wax anaga nooga dhoofayna ma jiraan, laakiin diyaaradaha Soomaliya nooga imanaya waa caadi, kuwo Somaliland ka kacaya ee wadamada Carabta tagayana duulimaadyadoodii waa caadi…"
Ugu dambayn, tan iyo shalay dhanka Koonfur Galbeed ee Magaaladda Hargeysa waxa laga dareemayay ciiro aad moodo ta ka soo horeysa roobka, balse dadwaynaha Magaaladda Hargeysa umay arkayn inay tahay qiiq ka yimid fulkaanihii ka qarxay dalka Eratariya
No comments:
Post a Comment