26-ka Juun Waa Maalintii Aynu Ka Madax Bannaanaanay Mustacmaradihii Ingiriiska iyo UDUB.
Mustacmaradii shisheeye ee Ingiriiska iyo mustacmaradii sokeeye ee dawladdii UDUB, haba kala hadaf iyo himilo iyo hubqaad duwanaadeene, waxay hadana iskaga mid ahaayeen inay labadooduba ku dhisnaayeen habdhaqanka ah 'qaybi oo xukun', 'maskax gumaysi, iyo maal gumaysi'. Waa mahad Allee, labadoodaba isu maalin ayaa laga madax bannaanaaday, waana maanta oo kale 26ka Juun.
Haddii aynu ku horrayno maanta oo kale 51 sanadood ka hor waxa gobolada woqooyi galbeed ee Soomaaliya (British Somaliland) laga taagay calankii xorriyadda Soomaaliyeed. Waana maalintii ugu horreysay ee dal soomaaliyeed oo xor ah laga dul qotomiyo calan soomaaliyeed oo xor ah. Sida qaaibka ah, waa maalin mug iyo miisaan weyn ku leh guud ahaanba mujtamaca Soomaaliyeed meel kasta oo ay adduunka ka joognaaba, gaar ahaan dadka reer Somaliland. Maalintaasi dadkii jiray ee walina jooga ama nool ayay ku haboon tahay inay ka warammaan sida uu ahaa jawigooda iyo dareenkooduba, iyagaanan u dhaafayaa inay ka faaloodaan maadaama an anigu wakhtigaasi jirinba.
Balse, muhiimada mawduucan ayaa waxay tahay, in sidoo kale maanta oo kale hal sano ka hor, dal weynaha Somaliland ay ka dhacday doorashadii madaxtooyada. Maalintaasi oo shaqsiyan si aad ah iigu dheerayd iina taabaaatay ayaan jeclahay inaan hadal kooban ka jeediyo sida dareenkayga iyo shucuurtaydu ahaayeen.
Maalintaasi (26/06/10) wuxu maankayga iyo miyirkayguba ku maqnaa dhaq-dhaqaaqa iyo dhacdooyinka doorasho ee ka socday dalka Somaliland, gaar ahaan gobolka Awdal. Salaadii subax markii an tukaday, waxan ku ducaystay Ilaahoow isbadal isbadal isbadal khayr leh oo ku yimaada dalka Somaliland. Marnaba niyada iyo nafsadaba ma siin karaynin in shan sanadood oo kale ay na hor taagnaato xukumadii fadhiidka ahayd ee UDUB, waxana igu beernaa sasmo an ka qabay soo noqodkeeda.
Habeekii ka horreeyay maalinta doorashada runtii indho isuma qaban, sidii aniguba an ku jiro doorashada oo kale ayaan u taagnaa, una tig-tignaa. Telefoonada ayaan iska daba dirayay iyo emailada oo an kolba qof weydiinayay sida ay saadaashu tahay. Dadka an dhawr eer la hadlayna waxa ka mid ahaa Mudane Cali Xaamud Jibriil, oo isagu qurba joogta Awdal-UK uga wakiil ahaa xisbiga KULMIYE, doorashadana qayb libaax ka qaatay, ahaanna garabka midig ee Mudane C/Raxmaan Saylici.
Markii saacada dalka Ingiriisku abaaraysay ilaa iyo 11-kii subaxnimo ee isla maalintaas doorashada ayaan is haysan kari waayay oo waxan khadka telefoonka mar kale ku celiyay Mudane Cali Xaamud Jibriil, oo an weydiiyay sida ay wax u dhacayaan. Cali isaga oo aad u deg-degsan oo ad mooddo inuu ordayo, oo la eryanayo ama wax eryanayo ayuu iila hadlay, isagoo i leh,, 'waxa bilaabantay saacadihii wax is daba marinta, oo meeyarkii Awdal ayaa bilaabay inuu wax is daba marayo, isagaan ku daba jirnaaye, igu soo celi mar kale'. Hadalkaas wixii ka danbeeyay telefoonkii Cali wuu xidhmay, dib danbana isuma maqal ilaa dhawr cisho ka dib. Isla Saacado yar kadib telefoonaasi, ayaa waxa laygu war galiyay in Cali la af-duubay, dhalinyaro kalana la xidhay. Waxanan is odhan karaa inaan malaha ahaaba qofii ugu danbeeyay ee la hadla cali oo faro ba'as lagu hayo, inkasta oo dhawr cisho kadib an is maqalnay inuu badqabana an ogaaday..!
Si kastaba ha ahaatee, waxa lasoo gaadhay maalintii ku xigtay doorashada oo ahayd 27ka Juun, durbadiiba waxa saxaafadda laysla dhex maray in xisbiyadu is bar-bar yaacayaan oo an laka roonayn. Telefoonadii iyo emailadii ayaan halkii kasii waday, oo Burco ilaa iyo Boorama dadka intii an ka aqaanay an kolba qof waraystaa. Isla maalintaas waxa ii cadaatay in xisbiga talada hayay uu gacan sare ku helay Awdal balse ku hoobtay gobolada kale ee dalka Somaliland. Waxan sidaa daraadeed la hadlay mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo an ugu hambalyeeyay guusha KULMIYE ka gaadhay dalka Somaliland, iyo inuu isagu noqday Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, anigoo isla markaana uga tacsiyeeyay guul darada KULMIYE kala kulmay Awdal, inkasta oo aanay taasi ahayn guul darro dhab ahayd, oo xaq darro badani gobolkaas ka dhacday.
Bil-xaqiiqatan, maalintaasi 26-ka June, waxan ku ducaystay UDUB oo tegta iyo KULMIYE oo yimaada, waxan sii qoray qorlaalo badan oo an ku xardhay websiteka HiilDa.com, kuwaasi oo an ku farriyay in KULMIYE la saaro, UDUB-na la siibo, anigoo lahaa, 'Sarreeye ma nuqsaamoow an siduu yahay eegnee KULMIYE saar, UDUB-na siib' iyo UDUB tegtaye u tacsiyeeya'..iwm..!. Ducadaydaas iyo saadaashaydaasina waxay noqotay mid layga aqbalay aniga iyo intii ila midka ahaydba. Ku dhawaaqidii natiijada doorashada iyo dhismihii xukumada cusub ayaa iyaguna isu daba xigay, kuwaasi oo iyaga laftarkoodu lahaa xiiso iyo xamaasad gooniya, oo an kusoo dhawaynay, 'waabaa beryay bilicsan iyo maanta waa maalin weyn'.
Si kastaba ha ahaatee UDUB-taan ka ducaysanay inay naga tegto, way naga tegtay, KULMIYahaan u ducaysanay inuu yimaadana wuu noo yimiday, oo waa sanad jir, isbadal siyaasadeed oo qaro weynina wuu ku qayuursaday qarankii Somaliland, qoob-ka-tuur iyo qodxo qarsoonina ma yara. Balse Allaa og saadaasha mustaqbalka fog iyo siday waayuhu noqon doonaane, aynu eegno aayaha, qalbigana farax u sii sheeg..!
Waa Mahad Allee, Madaxeen Bannaan.
Abdiqani Ateyeh (HiilDan)
Coventry-UK
No comments:
Post a Comment