06 February, 2011

TACSI GEERIDA PROF. IBRAHIM MEYGAG SAMATAR

 TACSI GEERIDA PROF.IBRAHIM MEYGAG SAMATAR

Anigoo ku hadlaaya magaca reer Cabdi Carwo iyo kan xaaskayga Amaal Cumar Carte waxaan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta kale, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta uu marxuum PROF.IBRAHIM MEYGAG SAMATAR ka tegay meel kasta oo ay joogaanba . Sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa shacbi weynaha Somaliland iyo Soomali oo dhan, gaar ahaan gobalka Maroodijeex ee uu ka soo jeeday
PROF.IBRAHIM MEYGAG, waxuu ahaa taariikh socota. Waxuu ku soo jiray siyaasadda Soomalida muddo 50 sano ah, isagoo soo maray marxalad kasta oo dalku ku sugnaa mar loo yaqaanay British Somaliland, Somali Republic, Somali Democratic Republic iyo tan uu halganka hubaysan u soo galay ee Somaliland oo uu ku qancay inay tahay masiirka ummadda dardaarana uu inooga dhigay wareysigii ugu dambeeyey ee ayaamo u dhaxeeyeen intaanu xaqu ku soo deign. Marxuum Ibrahim waxuu ahaa aftahan, murti iyo madadaalo leh, aqoonyahan debed iyo gudaba aqoon sare kaga shaqeeyey, Wasiir, Ambasadoor, Professor, Guddoomiye Golaha Dhexe ee SNM, Halgamaa. Dhab ahaan Prof. Ibraahim waa taariikh dhan.Nolashiisaa ka marag ah.

Waxaan si gaar ah ugu xusuustaa qaybtii uu ku lahaa meherka iyo arooskaygii oon album gaar ah ku hayo, isaga iyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo, iyo Ismaaciil Cali Abokor. Iyana maalin kale ayey ahyd. Waa duni iyo cadadeed, farxad iyo murugo ayaa is dhinac socda.  

 Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows ku abaal mariyo, innagana dhammaan inaga siiyo samir iyo Iimaan.


Ahmed Hassan Arwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
Hargeysa,
Eci.advisor@ymail.com


No comments: