21 February, 2011

Feb 20,2011, oo aan xusaynno sannad guuradii 29 aad...Taariikh aan u soo joogay.

Waxaan marka hore salaanta islaamka u dirayaa dhammaan shacabka Somaliland , meel  walbba oo ay joogaanaba, Asalaamu calaykum waraxmatu laahi wabarakaatu.

 Maanta ,Feb 20,2011, oo aan xusaynno sannad guuradii 29 aad, ee ka soo wareegtay maalintii ardayda dugisyada  magaalada Hargeysa,  ay dhagaxa kala hor tageen askartii hubaysnayd ee dhagar qabihii Siyaad Barre,waa maalin mudan in si weyn loo xuso , taariikhdeeda la qoro , loona aqoonsado maalin Qaran. Haddii waqtigu ii saamaxo, waxaan si kooban isku dul taagi doonaa maalintaasi  halka aan ku sugnaa, jawiga  magaalada Hargeysa iyo mashaqadii goobtaa ka dhacday.

Waxaan ka mid ahaa ardaydii dugsiyada sare ee  joogtay  markii maxakamadda la keenay  macallimiintii,dhakhaatiirtii,aqoonayahanadii  dhallinyaradii UFFO,ee xaq darrada lagu xidh xidhay,iyadoo sabab looga dhigay , maxaad uga damqateen dhibta iyo caddaalad darrada  lagu  hayey shacabka.

 Tusaale ahaan , waxaan u soo qaadan karnaa  Cusbitaalka magaalada Hargeysa iyo  xaaladda  murugada leh ee uu ku sugnaa 1982 , ahaydna  runtii arrin laga damqado,laga gil gisho,waxaanay ka mid ahayd sababaha  keenay in dhalinyaradii UFFO , ay u guntadeen  sidii ay wax uga qaban lahaayeen baahida muuqata ee aan indhaha laga qarsan karin,ee bulshadii laga cuna qabateeyey … Dawo aad u doonato dhaafee,nadaafad darrada, tayo xumada , curyaaminta iyo dayac tir la’aanta loo geystay,ayaanay nafiba kuu geyseen,  haddii aad waqtigaa Hargeysa joogi lahayd.

 February 20,1982,  maaha mid qoraal kaliya lagu soo koobi karo, waxaanay ahayd maalin hugunka iyo rasaasta dhawaaqeedu magaalada Hargeysa wada gaadhay,dhimashada iyo dhaawucuna tirada ka batay , talana faraha ka haadey , ciidankii Siyaad Barre jaha wareer ku habsaday, miciinna  u arkeen  in Bandoo  (Curfew), lagu  soo rogo magaalada Hargeysa.

 Somalidaa waxay ku maah maahdaa,” Nimaan warankaagu gelin , weedhaadu ma gasho,” waana  maalintii keligii taliyihii  Afweyne Barre ,Basaasiintiisii iyo Qabbaanadiisiiba, ay yiqiin sadeen in aan amar ku taaglayntoodii, hadda ka dib aanay socon doonin,loona  dul qaadan doonin Xunkii Xunku dhalay, dhagaxii xaq u dirirkuna ,  ka dhumuc roonaaday  rasaastoodii !!!Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelkii ,qaraabadii iyo shacabka Somaliland,ee ardaydii ku   shahiiday  maalintaasi,waxaanan ilahaay uga baryayaa inuu naxariistii janoo Fardwasa ka waraabiyo.

 Waxaan kale oo aan  tacsi gaar ah u dirayaa, ehelkii uu ka geeriyooday, Ilaahay naxariistii janno fardawsa ha ka waraabiyee , marxuum  Barre Xaaji Cilmi Axmed ( Badho),oo aanu aad isu naqaanay ,kana mid ahaa ardaydii dhagax tuurka,  ee ku naf wayday   rasaastii dhiigyo cabkii  Siyaad Barre   sida arxan darrada ah ugu furayeen ardayda .

 Anigoo fursaddan ka faaiideysanaya, waxaan hambalyo u dirayaa   dhammaan dhalinyarada Somaliland,waxaanan  leeyahay mustaqbalka dalkeenu gacantiinna ayuu ku jiraa, u guntada  , u shaqeeya , difaaca , ilaaliya , kuna dadaala inaad gaadh ka haysaan Nabad gelyada,Jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland ,ee lama taabtaanka ah , naf iyo maalnna aynu ku bixinnay.

 February 20 ,2011, oo ku  began sannad guuradii 29 aad ee  maalintii dhagax tuurkii ardayda iskuulada ee magaalada Hargeysa , ay dhagaxa kala hor tageen askartii dhiigyo cabkii Siyaad Barre, waa maalin mudan in si weyn loo xuso ,taariikhdeeda la qoro,  loona aqoonsado maalin Qaran.

 Eng. Mohamed Ali Muse (Farshaxan)

 

No comments: