17 January, 2011

Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo Vs Xukuumaddii Riyaale

Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo Vs Xukuumaddii Riyaale

Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku soo canamaashay jiritaankeeduna
halkaa ku soo gaadhay waa ILLAAHAY mahaddiis weeyee waa xeerka
dimuqraadiyadeed ee aynu dhiganay oo ku dhisan xoriyatal Qawl,
xoriyadda muwaadinka oo ay ka mid yihiin in muwaadinku waxna dooran
karo isna la dooran karo xuquuqda iyo xaqa uu muwaadinku leeyahay oo
loo ixtiraamo. Jamhuuriyadda Somaliland waxay soo martay maraxalado
qadhaadh oo kala duwanaa
iyo masiibooyin badan oo lagaga soo guulaystay isku duubni isu
tanaasul iyo kala dambayn.

Siyaasada dalkeena oo ku dhisan nidaamka axsaabta badan ayaa xaq u
siinaysa in qofka muwaadinka ihii ka mid noqon karo amaba taageeri
karo xisbiga ay marka dan u moodo. Waxaynu kala taageerna sedexda
xisbiyi qaran ee hada taagaan inaga oo qaarkeen xisbi u soo jeediyaan
dhaliil qaarkeenna xisbigaas la dhaliilay isla bar taagaanno taageero
iyo difaac. Hadaba taa waxaa si adag uga reebban in
xoryadda saxaafada iyo xoriyatal qawlka muwaadinkaba lagu qaldo af
lagaaddo, erayo aan laa'iq ku ahayn shakhsi ama xisbi muxaafida ah iyo
mid mucaarad ah toona. Waxaa kale oo ceeb ah in been qaawan oon meella
dabada ku hayn saxaafadda loo adeegsado websityadana lagu soo daabaco
in wax lagu yeelo qof mas'uul ah ama ururba.

Haddaan u dhaadhaco dulucda maqaalkayga waxaan marka hore salaan iyo
mahadnaq balaadhan u dirayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md
Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo u soo sabray in uu doorasho xor iyo
xalaal ah ku tartamo kabacdina ku guulaystay doorashadaas iyo
madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Md Daahir Riyaale
Kaahin oo noqday madaxweyne magaci Somaliland wax u taray taariikhdana
noqday madaxweyne Afrikaan ah oo markii doorasho lagaga
guulaystay si geesinimo ku jirto oo sharaf iyo dimuqraadiyad leh gole
fagaare ah ku wareejiyay xilka
madaxnimo ee qaranka.


Hadaba aniga oo nuxurka qoraalkayga ku noqonaya waxaan in badan
websityada reer Somaliland ka akhristay eedo iyo dhaliilo dhawaanahan
dambe ku waajahan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo aan jeclaystay in
aan inta ka muhiimka ah bal ka soo qaato halkanna aan isu soo barbar
dhigo.
Dhaliilaah Xkuumada Madaxweyne Siilanyo
Waxaa inta badan lagu celceliyaa in amnigii dalku hoos u dhacay tan
iyo ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo talada la wareegtay halkaas oo
inta badan la taabanayo hubkii ay xukuumadda lafteedu qabatay ee lagu
waday dalka aynu jaarka nahay ee Ehiopia.
Waxaa inta badan lagu celceliyaa in madaxweyne Siilaanyo aanu waxba ka
qaban balanqaadkii uu doorashada ku galay.Waxaa lagu celceliyaa in
xukuumadda madaxwayne Siilaanyo aanay shaqo abuur u samayn
dhalinyaradii jaamacadaha ka qalin jabisay.Waxaa kale oo aan arkay
maqaalo sheegaya in saxaafadda la cabudhiyay.
Xukuumaddii
Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin

Hadaba hubkii lagu qabatay dhawr bilood ka hor gobolka Salal ee u
socday ONLF mar aan dhagaystay waraysi laga qaaday taliyihii hore ee
police-ka qaranka Mr Saqadhi Dubad waxaa ka mid ahaa hadaladiisii in
meeshaasi ahayd meel illa xukuumaddii Siyaad Barre la soo mari jiray
balse xukuumaddii cusbayd nasiib u heshay kuna guulaysatay in ay soo
qabato. Haddaan hadaba maanta is barbar dhigo xukuumadda madaxwayne
Siilaanyo iyo xukuumaddi madaxweyne Riyaale dhinaca amaanka gudaha ee
dalka waxaa dib ugu noqonayaa 2002 iyo 2003 Waxaa magaalada Hargeysa
lagu dilay nin ajnabi ahaa. Magaalada Boorame bishii Octobar 3deedii
sanadkii 2003 si gaadma ah oo argagixiso ahayd in lagu dilay Annalena
Tonelli oo ahayd hawenay Talyani ah, waxaaa kale jirtay wax yarba
kadib in dugsigii sare ee magaalada Sheekh ku yaalay ay isla halkaas
dil argagixiso ahaa lagu dilay lamaane ingriis ahaa oo maamuleyaal ka
ahaa dugsiga Sheekh.
Waxaa muddo yar ka bacdi fal kale oo argagixiso ahaa lagu dilay
haweenay ahayd Kiinyaan nin Jarmal ahaana lagu dhaawacay jidka u
dhaxeeya Hargeysa Iyo Berbera . dambiilayaashii falakaas gaystay
xukuumaddii madaxweyne Riyaale waxay markaas dhangadda la dhacaysay
qabashadooda meel qaldan oo aan loo joogin illa aakhirki muwaadiniinta
dagmada Dhoqoshay ay gacanta ku dhigeen qolyihii argagixisada ahaa ee
fal dambiyeedka gaystay halkaasna ay dawladda u gacan galiyeen.
Hadaba Amaanka qaranku ma wuxuu wanaagsanaa ama aad u adkaa
xukuumaddii
Riyaale oo intaa aan soo sheegay aan ka haleelay oo ay u raacdo
waliba sanadkii 2008 in madaxtooyadii hadda waa xafiiskii qarankaba
laga xukumayay, safaaraddii Ethiopia ee Hargeysa iyo xafiiskii UNDP da
hadh cad argagixiso ay qarxisay ? Waa maxay markaa amaanka xukuumaddii
Riyaale ay haysay ee laga waayay imika laga waayay xukuumada
madaxweyne Siilanyo?
Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo waxay si rasmi ah talada dalka u soo
wadday muddo shan bilood iyo maalmo ah hadaba sida darteed macquul ma
tahay in muddadaa yar ee gaaban in ay ku fulin karaan balanqaadyadii
oo dhan iyaga oo khasnado madhan iyo dayn xukuumaddii madaxweyne
Daahir Riyaale kaga tagtay kula wareegay maamulka?Xukuumadda
madaxweyne Siilaanyo shaqo abuur waxaa lagala xisbaatamaya marka ay
soo saaraan miisaaniyaddoodii ugu horaysay oo wali aan soo bixin,
faraqa u dhaxeeya labada xukuumadoodna waxaad ka daalacan doontaa
faraqa u dhexeeya 37 milyan oo ahayd miisaanyadihii xukuumadii
madaxweyne Riyaale iyo waxay noqoto miisaaniyadda cusbi . Waxaana
jirta in xukuumadahu illa miisaaniyadahoodu soo baxaan in
aanay shaqooyin abuuri karin.Ugu dambayn iyo gabagabo wariyeyeyaasha
saxaafadda madax bannaan waxaynu u soo wada joognay oo dhacdayin badan
oon tiro lahayn cabudhin lagu hayn jiray saxaafadda waxaa jiri jirtay
xadhig, tacaddi kamaradaha oo laga jajabiyo ama la iskaba xidho lix
bilood illa sannad hadal la'aan. Waxaa ka mid ahaa Yusuf Gaboobe iyo
laba wariye oo ahaa Haatuf media.Waxaa ka mid ahaan jiray Xasan
Siciid (Jamhuuriya) waxaa ka mid ahaan jiray waeiyeyaashii Idaacaddii
madaxa bannaanayd ee Horyaal Dhuxul , Sayid Liibaan Maaweel iyo qaar
kale oo badan.Waxaa ah wax aad loogu farxo in xukuumadda madaxweyne
Siilaanyo ay durba mudadaa yar ee gaaban ay umadda reer Somaliland
xaqoodii dastooriga ahaa ay u soo celisay kadib markay isla markiiba
daaqadda ka tuureen xukunkii deg deg ahaa ee sara jooga lagu xukumi
jiray muwaadiniinta laguna
badalay kii distoorka qaranka ku qornaa oo ah in warant maxkamadeed
oo kaliya muwaadinka lagu soo xidhi karo. Dhaliishuna muxaafid iyo
mucaaridba waa inoo wada
furantahay waxaa se muhiim ah in aan laga tagin wixii aad
caaridaysana in xaqiiqadeeda la soo bandhigto wixii aad difaacaysana
in xaqiiqadeeda la soo bandhigto si wax la isula toosiyo
dimuqraadiyadeenuna aanay u qaloocan.


Maxamud Caydiid Lafcanbe
Toronto, Canada

No comments: