Iskaashatooyinka Kalluumaysiga Somaliland ee Saylac iyo Berbera oo Mudaharaad iyo shaqo Joojin mar kaliya maanta wada bilaabay Hargeysa,(Qaran news)-Iskaashatooyinka Kalluunka Somaliland ee fadhiisimadoodu yihiin magaalooyinka Saylac iyo Berbera ayaa maanta mar kaliya wada bilaabay Mudaharaado iyo shaqo joojin ay kaga cabanayaan Xukuumadda Somaliland oo ay ku Eedaynayaan inay xeebaha Somaliland u ogolaatay Maraakiibta Xaalufisa badaha, iyadoo ay soo galisay Maraakiib ka badan intii hore. Sidoo kale waxa ay Kaluumaysatadu ku Eedaysay Wasiirka Kalluumaysiga inuu samaystay Shirkad magac u yaal ah oo la yidhaahdo Som-fish, taasoo Kalluumaysatada ku soo rogtay inaanay Badda gali Karin ilaa ay iyaga soo maraan iyadoo Shirkaddaas wasiirku samaystay aan lahayn wax Gaadiid ah iyo Shaqaale toona. Hadaba Guddoomiyaha Iskaashatada Kalluumaysiga Berbera ee Saaxil Fishing Association Jaamac Axmed Cashuur oo aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay goor dhaweyd ayaa yidhi “ waxa aanu samaynay shaqo Joojin wax Kalluumaysato ah oo Badda naga galaysaana ma jirto inta ay Xukuumaddu wax ka qabanayso Wasiirka Kalluumaysiga iyo Wasaaraddiisa oo noo samaystay Shirkadd aan jirin oo Kalluumaysatadii dhexda u fadhiisatay” waxaanu intaa raaciyay “ anagu Iskaashataanu nahay 95 Doonyood iyo 350 shaqaale ah ayaanu leenahay iyo 12 Shirkadood oo Kalluunka Iibgeeya markaa intuu wasiirku soo samaystay magac aan jirin ayuu Kaadhadh u soo dhiibay markaasuu yidhi Kalluunle aan soo marin Xafiiskaasi Badda ma galayo, taasina mid aanu yeelayno maaha” ayuu yidhi Isagoo sii wata hadalkiisana waxa uu yidhi “ sidaas daraadeed Iskaashatada Saaxil Fishing Assoociation iyadoo ka jawaabaysa xad-gudubka ay Xukuumaddu kula kacday Kalluumaysatadii is-xilqaantay ee Muruqooda isticmaalaysay iyadoon wax taageero ah ka helin Xukuumaddooda waxay go’aansatay in gabi ahaanba ay joojisay Hawlihii Kalluumaysi ee ay Badda u gali jireen” waxaanu ku soo gabagabeeyay “ waxaanu Xukuumadda ka sugaynaa inay wax ka qabato arrintan”. Dhinaca kalena waxa ay Kaluumaysatada magaaladda Saylac sameeyeen Mudaharaad balaadhan oo ay ka qayb qaateen dadweynaha Gobolkaasi, iyagoo kaga cabanayay faragalinta Xaalufka ah ee ay Maraakiibtu ku hayaan baddooda iyagoo sheegay inay gali kari waayeen isla markaana qalabkoodii la baabi’iyay. Guddoomiye ku-xigeenka Kalluumaysatada Saylac C/kariim Aw Aadan Kibaar oo aanu isna la xidhiidhnay isagoo ku guda jira Banaan baxaasi ayaa yidhi “ waxaanu maanta isugu soo baxnay anaga iyo dadweynaha reer Saylac Banaan-bax Nabadgelyo ah oo aanu kaga cabanayno in la naga joojiyo Maraakiibta ku soo badanaysa badayada oo nagu wada xaaluf balaadhan oo halis ku ah Kalluumaysigayagii iyo badayadiiba.”ayuu yidhi. Waxaanu intaa raaciyay “ imika waxa ku jira Badda 12 Markab oo kuwa wax xaalufiya ah, waxaanu Xukuumaddii hore ku Eedayn jirnay Fasaxa ay maraakiibtaa siiso, waana tii aanu uga codaynay, waxaanu is lahayn Xukuumadan cusubi wax bay ka qaban doontaa arrinta balse iyadaaba ka sii dartay oo way sii libin laabtay Maraakiibtii, markaa waxaanu ka codsanaynaa Xukuumadda inay naga Joojiso. Mudaharaakayaguna wuu sii socon doona ilaa iyo inta wax laga qabanayo.” wasiirka Kaluumaysiga Somaliland oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno si aanu wax uga weydiino talaabooyinka ay ku dhaqaaqeen Kalluumaysatadii Dalku ayaa Telefoonkiisii naga qaban waayay. Cabashooyinka Kalluumaysatada ayaa isa soo tarayay muddo badan, ilaa hadana may helin Xukuumadd wax ka qabato cabashadooda, waxaanay talaabada ay ku dhaqaaqeen keeni doontaa in Kalluun Dalka laga waayo, taasoo haddii dhakhso wax looga qaban waayo keeni doontaa inuu hakad galo Ganacsigii Kalluunku Waaheen |
No comments:
Post a Comment