Ciidamada Amaanka Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Koox Aragagixiso Ah | |||
Hargeysa-Ciidamad amaanka Somaliland ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen ugu yaraa lix qof oo loo tuhunsan yahay inay qorshaynayeen falal argagixiso inay ka fuliyaan gudaha Somaliland, dalalka dariska iyo Mandaqada Geeska Afrika. Hawlgalkan lagu soo qabtay xubnahaasi la sheegay inay ku hawlanaayeen falalka argagixiso eel ala maaganaa Somaliland ayaa la sheegay inay suurto galisay qabashadoodu Macluumaadyo laga helay xubnihii todobaadkan gudihiisa lagu qabtay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Xubnahan lala xidhiidhinayo inay qorshaynayeen falal argagixiso ayaa la sheegay in ciidanka amaanku shalay ku qabteen deegaano ka mid ah bariga Sanaag. Sida ay noo sheegeen iloxogogaal ah ayaa noo sheegay in xubnahan ay ciidamada amaanku ku qabteen shalay galab deegaanada bariga Sanaag gaar ahaan jiida u dhaxaysa magaalooyinka Ceerigaabo iyo Badhan, kuwaa soo la sheegay inay dhamantood ka soo wada jeedaan dalka Somalia, iyadoo dhinaca kale-na wararku intaa ku darayaan, in xubnaha deegaankaasi lagu qabtay ay u socdeen kooxda buuralayada Gal-Gala ka dagaalanta ee uu hogaamiyo wadaadka Maxamed Siciid Atam, iyadoo wararka qaarna sheegayaan inay ku soo socdeen deegaanada badhtamaha Somaliland. Hawlgaladan ay ciidamada amaanka Somaliland ku baadi goobayaan kuna qab qabanayeen kooxaha falalka argagixiso lala xidhiidhinayo, isla markaana baadi goobka loogu jiro ayaa la sheegay inuu laban laabmay, kadib markii ay ciimadamada amaanku fashiliyeen qorshihii argagixiso ee kooxdii lagu soo qabtay todobaadkii hore magaalada Burco. Dhinaca kale ilo wareedyo aanu ka helnay deegaanada ku yaala xuduudka Somaliland iyo Itoobiya, in ciidamada amaanka Itoobiya ay xuduuda labada dal ku qabteen shalay laba nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin jabhada ONLF ee dawlada Itoobiya la dagaalanta, kuwaas oo la sheegay in ciidamada Itoobiya ay ka war hayeen xubnahaasi ONLF oo la sheegay inay damacsanaayeen in gudaha Itoobiya ay gudbaan, balse ciidamadaasi oo ku sugayay xuduuda ay gacanta ku dhigeen, iyadoo la sheegay inay lug ku galayeen. Haatuf |
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
19 January, 2011
Ciidamada Amaanka Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Koox Aragagixiso Ah
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment