Booliska Oo Ka Hadlay Nin Ay Ku Qabteen Mishiin Lagu Daabaco Lacagaha Foojariga ah
Hargeysa (Somaliland)- Ciidanka Booliska ayaa maanta shaaca ka qaaday inay xabsiga u taxaabeen nin ay ku qabteen magaalada Hargeysa oo haystay mishiinka lagu daabaco lacagta foojariga ah, kaasi oo uu ku eedeeyay inuu doonayay inuu khal khal geliyo nidaamka ganacsi ee dalka.
Taliyaha ciidanka Booliska oo maanta u waramayay saxaafaddu wuxuu soo bandhigay sawirka Mishiinka lagu sameynayay lacagaha been abuurka ah oo iskugu jiray shilinka Somaliland iyo Dollarka Maraykanka.
“Waxaanu kiiskan u haynaa nin iyo Baabuur Grande ah, waxaanu baadhitaan ka dib deg deg u horgeyn doonaa Maxkamada, si tallaabo sharci ah looga qaado. Waxaan ammaan u soo jeedinayaa ciidanka Booliska ee qabtay ninkaasi.,”ayuu yidhi Gen. Cilmi Rooble Furre.
Taliyaha Ciidanka Boolisku wuxuu uga digay ganacsatada oo uu u soo jeediyay inay ka taxadiraan lacagaha dhex socda suuqyada ganacsiga oo ay ku soo wargeliyaan lacagaha been abuurka ah.
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
No comments:
Post a Comment