Xildhibaan Bashiir Tukaale Oo Ka Noqday Mooshinkii Wax Bedelka Xeer Hoosaadka Wakiilada
Hargeysa (Somaliland.Org)- Xildhibaan Bashiir Sh. Xuseen Tukaale, oo ka mid ahaa Mudaneyaashii Golaha Wakiilada Somaliland ee saxeexay Mooshinkii ay koox mudaneyaal ahi ku dalbanayeen in la furo Xeer hoosaadka golaha Wakiilada si loo fududeeyo xil ka qaadista shirgudoonka, ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu la noqday mooshinkaasi. Ka dib markii uu arkay in Xildhibaano ka tirsan Goluhu ay danno siyaasadeed ka leeyihiin.
Xildhibaan Bashiir Tukaale oo la hadlayay qaar ka mid ah Saxaafada dalka ayaa tafaasiil ka bixiyay asbaabaha uu uga noqday Mooshinkaasi waxaanu yidhi "Waxaan idiin sheegayaa inaan Anagu shakhsiyan joojiyay oo ka noqday mooshinkan aan saxeexay, ka dib markii aan arkay in Xildhibaano ay si kale wax u wadaan oo danno siyaasadeed oo kale ka leeyihiin mooshinkan wax ka bedelka xeer hoosaadka golaha oo aan arkayay mid caadi ah oo la mid ah shuruucda kale ee wax laga bedelay.markaa ninkii muraad kale lihi gogol kale ha furto."
Md. Bashiir Tukaale oo la weydiiyay maadamaa oo uu hore u saxeexay mooshinkan waxa ku dhaliyay inuu ka noqdo mooshinkan, waxaanu yidhi "Anigu iska daacad baan ahaa laakiin waxaan ogaaday in Mudaneyaal ay dano gaar ah ka leeyihiin mooshinkan. Waxaan u arakayay in xeer hoosaadka golaha wax laga bedeli karo sida xeerarka kaleba. Sidaas darteed waxaan idiinku celinayaa inaan joojiyay mooshinkan."
Somaliland.Org
Hargeysa

No comments:
Post a Comment