Golaha Wakiillada oo Dib u Istaadhay Murannadii Dadku ku Dhinteen ee Muddada Yar laga Nastay
Muddo-xileedka dhammaaday, xasaasiyadda mooshinka maanta miiska la keenay, mushahar-korodhsiga xilligan, muraadka qarsoon ee ragga muranka aloosaya iyo muraara-dillaaca dadweynaha
Hargeysa - Mudanayaasha Golaha Wakiillada ayaa u muuqda xilligan inay dalka dib uga istaadhaan murannadii siyaasadeed ee sababay inay ku nafwaayaan dhawr qof oo shacab ah, isla markaana halis geliyey qarannimada Somaliland wax yar ka hor doorashadii Madaxtooyada ee qabsoontay shan bilood ka hor.
Golaha Wakiillada oo muddadii shanta sannadood ahayd ee la soo doortay oo ku ekayd 29-kii bishii October ee la soo dhaafay ku dhammaystay muran iyo dagaal siyaasadeed dalka ruxay, ayaa markale geed dheer ku laalay rajadii waxqabad ee shacabka soo doortay ka ulanayeen, kadib markii ay fursaddii muddo-kordhineed ee la siiyey waxqabad iyo horumar ay khaatumada ugu shaqeeyaan dadkooda iyo dalkooda u adeegsadeen danahooda gaar ahaaneed iyo inay waddanka ka aloosaan murannadii xanafta lahaa ee maalmaha kooban uun laga nastay.
Arrimaha werwerka iyo niyad-jabka weyn abuuray ee maalmahan dalka ku soo kordhay waxa ugu culus mooshinno muraadkoodu qarsoon yahay oo koox mudanayaal ah ku meel-marsadeen mushahar-kordhis aan loo miidaan dayin oo maskax-faar ku ridday shacabka Somaliland, maalin kadibna miiska soo dhigay mid kale oo ay ku doonayaan inay maamulka golaha kula wareegaan si ay awoodda Golaha Wakiillada ugu fushadaan muraado aan weli caddayn oo ujeeddadooda mugdi ku jiro.
Mooshinnada xilligan ee aan macnaha ka dambeeya la ogayn oo ay dabada ka riixayaan xildhibaanno badankoodu ku kala abtirsada xisbul-xaakimka talada haya ee KULMIYE iyo xisbiga mucaaradka ah ee UCID, kuwaas oo aan murnaba laga filayn inay maanta keenaan arrimo keeni kara muranno siyaasadeed la mid ah kuwii ay muddo-xileedkoodii shanta sannadood ahaa ku soo dhammaysteen, isla markaana dirqiga dalku kaga badbaaday.
"Muddada waxa lanoogu kordhiyey in aannu dhammaystirno xeerarka qabyada ah ee doorashooyinka goleyaasha qaranka, balse lanooguma kordhin is-qabqasi iyo in aannu dalka ka abuurno muran iyo qalalaase siyaasadeed oo dadweynaha na soo doortay ka naxaan." Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Marreexaan) oo ka mid ah mudanayaasha sida adag uga soo horjeeda mooshinnada mushahar-isu kordhiska iyo maamul-ka-xayuubinta Shirguddoonka Golaha Wakiillada.
La soco cadadka dambe qaybo kale oo ku saabsan mawduucan iyo saamaynta uu ku yeeshay dareenka shcabka iyo weliba rajadii waxqabad ee laga filayey xildhibaannada Aqalka Wakiillada ee muranka culus hadheeyey….
Xigasho: Jamhuuriya
No comments:
Post a Comment