10 December, 2010

Somaliland Oo Ka Hadashay Go'aanka Ay Ka Qaadanayso Diyaarad Agab Ciidan U Siday Puntland

Somaliland Oo Ka Hadashay Go’aanka Ay Ka Qaadanayso Diyaarad Agab Ciidan U Siday Puntland

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Warfaafinta iyo duulista hawada Somaliland ayaa shir jaraa’id oo ay wada jir ugu qabteen wasaarada daakhiliga waxay kaga hadleen diyaarad agab ciidan u siday maamul goboleedka Puntland oo markii shiidaalkii ka yaraaday fadhiisatay Madaarka Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ka hadlay shirkaasi wuxuu yidhi “Subaxnimadii Jimcaha siddeedii iyo dhowr iyo soddon daqiiqo, waxa Madaarka Hargaysa soo caga dhigtay Diyaarad Antinov 24 ah, Diyaaraddaas oo cago dhigashadeeda kadib ay ka soo baxeen arrimo u baahan in il gaara lagu eego ayaanu shirkan u qabanay.

Shaqaalaha, Masuuliyiinta iyo Wasiirka Duulista oo mudan ammaan iyo bogaadin, waajibaadkoodii Qaran ee xaga amniga wada shaqaynta qaran, markii ay intaa arkeen waxay arrinta u soo gudbiyeen hay’addaha amniga. Inta aanan gaadhin wada tashiga iyo wixii ka soo baxay, waxa hortayda yaala maanafeestihii (qoraalkii) ay u dhiibeen masuuliyiinta Madaarka, Maanafeestahaasi waxa uu leeyahay qolada wax soo rartay magaceeda waxaa la yidhaahdaa Ustareeliyaan African Golobal Investment. Qolada ay alaabta u wadaan ee lagu wareejinayana  waxaa la yidhaahdaa Puntland Development Group, waxaana qoladaasi ay degen yihiin Boosaaso Soomaaliya, waxaa alaabtaas soo qaabaysay qolo la yidhaahdo Global Rich Logistics, waxa ay ka soo duushay Diyaaraddu dalka South Africa, waxayna soo martay Uganda, waxaa halkaa ku qoran shaambaddii ay qolada Kastamka Uganda ku dhufteen, alaabta ay waddaa in ay tahay Alaabtaas oo ay ka hubiyeen. Diyaaradda waxaa la sheegay in ay waddo dhar iyo qalabka dayac tirka gaadiidka. Diyaaradda waxaa saarnaa laba nin oo South African ah iyo lix nin oo ah diyaaradda shaqaalaheeda oo u dhashay Ruushka.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi Hay’addihii Amnigu markii ay is waafiqi waayeen qoraalkii iyo waxa laga helay, shir ayay ka galeen, shirkaasna hay’addaha amnigu waxa ay tallo ku soo jeediyeen oo ay isla garteen oo ah xilkooda qaran ee amni, in loo baahan yahay in baadhitaan dheeraad ah lagu sameeyo arrintaas, halkay ka timi, ciddii lahayd, ciddii soo dirtay, cidda ay u socoto iyo cidda sugaysa macluumaad saayid ah laga helo, waayo far qorqoran ayuun haynaa laakiin labadii dhinac  midna dad kama hayno. Qalabkan oo ay shandadihii xidhxidhan yihiin qaarkood oo baadhitaan u baahan in raggii la soo kaxeeyo, meel fiican la dejiyo inta baadhitaanka laga dhamaysanayo, iyada oo loo maray dariiqada sharciga ah ee Caalamiga ah, hadday diyaaradda tahay iyo hadday raga saaran tahayba. Markaa raggii hadda waxay degen yihiin hoteelka Ambaasador oo kamid ah hoteelada ugu qaalisan magaalada ah, wanaag waxaan ahaynna looma gaysan, wixii hadda ka dambeeyana baadhitaankii ayaa soconaya in macluumaad saayid ah laga ogaado, waxaana bilaabmay sidii loola xidhiidhi lahaa ciddii arrimahan ka dambaysay.”

Sidoo kale, Wasiirka warfaafinta Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geel Jire oo ka hadlay shirkaasi wuxuu yidhi Arrintan waatii aanu maalmahanba ka cabanaynay ilaa markii Madaxwaynuhu safarka u baxay illaa maalmahan danbe, anaga oo aan  ka hor-dhacayn baadhista, waxaanu qabnaa arrintani tahay marag wixii aanu ka hadlaynay ee aanu lahayn hub ayaa loo gurayaa Puntland aan caalamku isla ogayn. Dawladda Maraykanku waa tii cambaaraysay, waxa iminkana socda in Hay’addaha caalamka ee amnigu is waydiinayaan cidda waxan wadda oo ay dhawaan soo baxi doonaan wararka la hayo. Uganda meel baa lagu tilmaamayaa wararka soo baxaya, weliba nin la leeyahay waxay walaalo yihiin Madaxwaynaha Uganda oo shirkadaas ka masuul ah, wadan Carbeed ayaa la tilmaamayaa, shirkad waxa la tilmaamayaa South African ah oo lagu yaqaano in ay ka mid yihiin shirkadaha Amniga isku sheega laakiin calooshooda u shaqaystayaasha dadka qaarkoodna u yaqaanaan. Warar kale oo arrintaa la xidhiidha Dhawaan ayaan idiin dhiibi doonaa meelo ay ka soo baxeen qoraal. Somaliland arrimaha noocaas ahi xusuus gaara iyo kacdoon ayay ku soo kiciyaan, waxaanu xasuusanaa markii halganka lagu jiray dawlad Carbeed oo diyaarado dagaal iibisay oo South African soo kaxeeyay oo Hargaysa lagu Bamgareeyay oo dadkan lagu laayay tii bay na xasuusinaysaa maantana. Dawlad Carbeed oo Qarsoon, Shouth African diyaarado wata, hub la gurayo, cadow loo dhiibayo, waxa weeye wax hore noo soo maray, xasuus iyo kacdoon ayay nagu tahay, waa arrin aanaan ka nasanayn oo aanu cambaaraynayno.”

Waxa kale, oo halkaasi ka hadlay Wasiirka duulista hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi waxaanu sheegay in diyaaradaasi ay baadhayaan marka ay baadhista ka dhamaystaan ha’yadaha sharciguna ay go’aan ka qaadan doonto xukuumaddu.

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com

 

No comments: