10 December, 2010

Maxaa Ku Cusbaa Jawigii Soo Dhawaynta Weftigii Madaxweye Siilaanyo?

 Warbixin…. Cumar Maxamed Faarax

Waxay ahayd abaarro 9: 20 daqiiqo ee saaka, markii aniga iyo in ka badan labaatameeyo suxufi oo kale aanu baabuur bas ah oo uu suxufiyiinta uu u diyaariyay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Faysal Cali Sheekh, ka raacnay xarunta wasaaradda warfaafinta horteeda una kicitinay dhinaca madaarka caasimadda Hargaysa oo uu ka soo degayay Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminaya oo muddo labaatameeyo maalmood ah socdaal ku soo maray dalalka Itoobiya iyo Ingiriiska. Suxufiyiintan oo isugu jiray qaybaha kala duwan ee warbaahinta maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee wakiilladoodu ku sugan yihiin magaalada Hargaysa.

Suxufiyiintaasi intii ay jidka ku sii jireen waxay falanqaynayeen, isla markaana isbarbar dhig ku samaynayeen macaamilka iyo xidhiidhka ay saxaafadda ee xukuumaddihii Riyaale iyo Axmed Siilaanyo. Waxa ay u arkayeen intooda badani in xukuumaddan cimriga ay jirtay yaryahay ay dhinaca warsiinta ka duwan tahay dawladdii ka horeysay oo xilliyada Madaxweynuhu uu socdaaladda dalka dibadiisa  ka soo noqonayo aan si rasmi ah ugu soo casuumi jirin warbaahinta, marka laga reebo Telefiishanka Qaranka ee dawladdu maamusho iyo Idaacadda Radio Hargaysa. Waxa ay suxufiyiintaasi ka qisoonayeen dhacdooyin adkaa oo si kala duwan uga soo maray xukuumaddii Rayaale oo albaabka ka celin jirtay warbaahinta madaxa bannaan oo ay cuqdad iyo sas ka qabtay.

Markii aanu gaadhnay xayndaabka Madaarka waxa ciidankii amaanka ee halkaas ku sugnaa ay noo qaabileen si ka duwan dhaqankii iyo facaa’ilkii adkaa ee warbaahintu uga baratay 8-dii sannadood ee maamulkii Rayaale, waxaana gaadhigii aanu saarnayn ooh ore loogu war-geliyay uu si sahlan u galay gudaha Madaarka.

Markii aanu ka degnay baabuurka waxa na hor kacayay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, waxaanu na geeyay qolka nasashada ee Madaarka hortiisa. “Ka fura albaabka oo soo dhaweeya suxufiyiinta, Wasiirrada, masuuliyiinta xukuumadda iyo dadka kale ee halkan ku sugan waxa ka muhiimsan suxufiyiinta oo ah kuwa caalamka iyo dalkaba u gudbinaya soo guryo noqoshada Madaxwaynaha,” ayuu yidhi Faysal Cali Sheekh oo la hadlayay mid ka mida shaqaalaha Madaarka oo isku dayay in uu joojiyo suxufiyiinta.

Waxa markiiba naloo qaybiyay kaadhadh aqoonsi oo madaxtooyadu u samaysay suxufiyiintii lagu soo marti qaaday ka qayb galka soo dhawaynta weftiga Madaxwaynaha. Afhayeenka Madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxa uu u muuqday nin aad ugu jajaban una soo dhawaynayey suxufiyiinta oo ay hore isu qardoofeen markii Madaxwayne Siilaanyo uu ka soo laabtay dalka Jabuuti, xiligaas oo shaashadaha Telefiishannada madaxa banaan laga baahiyay muuqaalka afhayeenka oo haddidaya isla markaana gacanta ula tagay qaar ka mida suxufiyiintii halkaasi ku sugnaa oo uu ku eedaynayay in ay nidaamka soo dhawaynta madaxwaynaha wax u dhimayeen.

Waxa saxaafadda loo sii asteeyay meel ay istaagaan oo ay rakibtaan kamaradaha, iyada oo loo sameeyay cod baahiyeyaal ay rikoodhadooda kaga duuban karaan hadalka Madaxwaynaha. Waxa aan jirin baadhitaannadii adkaa ee suxufiyiintu kala kulmi jireen goobahan oo kale, waxaana arrintaas iska xil saaray wasiirka warfaafinta, Agaasimaha Guud ee wasaaraddaasi iyo Afhayeenka Madaxtooyada.

Abaarro 1 : 20 daqiiqo ee maanta ayay soo cago dhigatay diyaaraddii sitay weftigii madaxwaynaha Somaliland, waxaana loo soo dhaweeyay nidaam baratakool oo ka hufan qaabkii loo soo qaabili jiray Madaxwayne Rayaale, iyada oo ay  Diyaaradda hoosteeda ku qaabilay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha Golaha Guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiye ku xigeennada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.

Waxa masuuliyiintaasi ay u soo gelbiyeen Madaxwaynaha goobtii uu ciidamada Qalabka sida kaga qaadanayay salaan sharafta. Salaantaas kadib waxa madaxwaynahu uu qaddar daqiiqado ah gacan qaadayay Wasiirrada Xukuumadda oo safnaa goob gaar ah, kadibna waxa uu u soo gudbay meel kale oo ay sufuuf nidaamsan u taagnaayeen xildhibaanada golayaasha Baarlamaanka iyo masuuliyiinta Hay’addaha Dawliga ah.

Dhaliisha jirtay waxa ay ahayd Wasiirradii xukuumadda iyo masuuliyiinta Hay’addaha dawliga ah oo aad moodaysay in ay gunta ka soo go’een, intooda badanina ku  soo dhamaaday Madaarka, waxaanay taasi saamayn taban ku yeelatay hab socodkii shaqada qaranka iyo fulinta adeegyada ay xukuumaddu bulshada u hayso, waxaana ay arrintaasi ahayd qodobka kaliya ee ay iska shabahayeen qaabka soo dhawaynta ee xukuumaddan iyo tii ka horaysay.

Qaar ka mida dadwaynaha ku dhaqan caasimadda Hargaysa ayaa tubnaa hareeraha wadooyinka xiligii uu madaxwaynuhu marayay jidka, waxaase layaab lahaa qaar ka mida dadkii soo dhawaynayay Madaxwaynaha oo wakhtigii uu marayay Baar Hargaysa ku saydhiyay Xidhmooyin lacag ah oo ay ugu fantasiyaynayeen soo dhawaynta Madaxwaynaha.

Madaxweynuhu markii uu soo gaadhay qolka nasashada ee madaarka Hargeysa waxa uu ka hadlay socdaalkiisii isagoo  suxufiyiinta fursad u siiyay inay su’aalo ka weydiiyaan Booqashadiisii, hase yeeshee waxa  dhabaqiyay  goobtii Agaasimaha Barnaamijyada ee TV-ga dawlada Xuseen Cabdilaahi Deeqsi, oo Suxufiyiintu   u xil saareen inuu u qeybiyo su’aalaha oo lagu eedeeyay inaanu cadaalad u falin hawshaasi. waxase jiray kuwo ka  hororsaday makarafoonkii oo su’aalo ku tuur tuuray Madaxweynaha.

Weriye Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com

 

No comments: