Khubaro Faransiis ah oo Fadhataysatay Asaarta Qadiimiga ah ee Somaliland
Hargeysa (Somaliland.Org)Koox cusub oo danaysa hawlaha asaarta qadiimiga ah ee Somaliland oo ka socda Jaamacada Paul Valery University III Montpelleir ee Faransiiska, ayaa socdaal aan la shaacinin ku timi Hargeysa 24 Nov ilaa 3 December, 2010. Kooxdan oo uu hogaaminaayo Professor Xavier Gutherz oo khabiir ku ah asaarta qadiimka ah, waxa wehelinayay laba arday oo ka qalin-jebinaya jaamacada Montpelleir kuna takhasuusay Acheology-ga, hal sawir qaade iyo xubin Archeologist ah. Xubnahani waxay shan maalmood ku sugnaayeen goobaha asaarta Laas-Geel, laba maalmoodna waxay baadhayeen Dhagax-guure oo ku yaala waqooyiga Hargeysa. Xubnahani intii aanay bilaabin hawlaha waxay Wasaaradda Ganacsiga, wershadaha iyo Dalxiiska la galeen dood dheer oo ku saabsan qalab ay hore uga qaadeen Laas-Geel iyo Dhagax-guure, wasaaraduna u ogolaatay mar ay safaro ku yimaadeen Somaliland sanadihii 2003, 2004, 2005, 2006 iyo 2007. Dood dheer ka dib waxay aqbaleen inay soo celinayaan qalabkii hore oo dhammaa 16kgm, waxaanay saxeexeen heshiis aan wakhtiga lagu soo celinayo la caymin, balse lagu gaabsaday bilaha ugu horeeya sanadka 2011.
Waxa intaa dheer in ay dalbadeen in loo ogolaaday qalab kale, waxaana loo ogolaaday afar kgm oo kale oo isugu ira, lafo hore, mindiyo hore, dhuxulo iyo qalab dadkii hore wax ku qabsan jireen (tools), kuwaas oo uu u ogolaaday agaasimaha waaxda Asaarta ee wasaaradaasi. Qalabkan iyo qalabkii hore ee ay qaadeen sanadihii 2003- 2007, waxay isku dhan yihiin 20 kgm, oo lagu sheegay qaadistooda in da’dooda la soo baadhayo, waxaana gacanta ku haya, khubarada Jaamacadan iyo arday baranaysa cilmiga asaarta oo la sheegay inay ku qallin-jebinayaan ama buugaagtooda ka qorayaan Laas-Geel. Sanadkii 2009, ayaa Wasaaradii Hidaha iyo Dalxiiska ee dawladii hore kooxdan warbaahinta u mariyeen in la soo celiyo qalabkaas sidii hore loogu ballamay, balse wax jawaab ah lagama soo celin. Kooxdan oo uu wehelinayay nin reer Somaliland ah oo lagu magacaabo Yuusuf Kaariye, waxaa markii hore fiisaha ama dal ku galka soo siiyey Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somaliland, balse markii danbe dib ayaa dalabkooda loo celiyey, waxaana markii danbe ogolaatay oo lagu soo hagaajiyey dal ku galkooda Wasaaradda Ganacsiga,
Wershadda iyo Dalxiiska Waxa aan laga wada hadal sawiro tirro badan oo ay qaadeen sanadihii 2003- 2007, kuwaasi oo heshiisku ahaa in la iib-geeyo dhaqaalaha ka soo baxana dib Wasaarada loogu soo celiyo, hase ahaatee waxba lagama soo celin wada hadalka wakhtigana laguma darin. Kooxdani waxay dalbadeen in la geeyo ilaa Ceerigaabo si ay u booqdaan goobo kale, balse waa loo diiday, waxaa la sheegay in loo cayimay Laas-geel iyo Dhagaxguure. Qalabkan iyo sawiradan ku maqan ka sokow, waxay kooxdani sheegeen inay doonayaan inay daabacaan buug ay sheegeen inuu ka waramayo asaarta Somaliland, iyaga oo aan nuqul ka keenin ayey dalbadeen in ogolaansho loo siiyo daabacaadiisa, buugaasna waxay ku sheeganayaan inay iyagu heleen Laas-Geel iyo goobo kale. Khubarada ka socota Jaamacada Faransiiska ah ee mararka badan cilmi baadhista u timi Somaliland, qalabka iyo sawirada ay qaateen waxay ku sheegaan inay da’dooda soo baadhayaan, ardayda Jaamacada wax ku baratana la tusayo , hase ahaatee waxaana meesha ka madhnayn, in lacag badan Jaamacadu ka samaysay qalabkan oo ay sawiradana ka iibiso Jaamacadaha kale, muuqaal ahaana kaga kirayso Jaamacadaha kale. Waxa kale oo dhowr jeer bandhig lagu sameeyey magaalooyin Faransiiska ku yaala oo lagu daawaday qalabkan. Khubaradani intii ay joogeen waxay deganaayeen huteelka Oreintel Hargeysa ee ku yaala badhtamaha magaalada.
No comments:
Post a Comment