09 December, 2010

Go'aamo Muran Dhaliyay oo ka soo Baxay Shaqaaqadii Kalshaalle

Go’aamo Muran Dhaliyay oo ka soo Baxay Shaqaaqadii Kalshaalle

DecemKalshaale (Somaliland.org)- Ergadii dhexdhexaadinta shaqaaqadii deegaanka Kalshaale, ayaa maanta soo saaray go’aamo aanay labada dhinac ay saluugeen ka dib markii xeer-beegtidu ay go’aamisay in deegaanka Kalshaale ee la isku hayay ay wada degaan labada beelood ee ood-wadaagta ah ee halkaasi ku diriray. Go’aankan ay maanta soo saareen guddidii dhexdhexaadintu waxay ku sheegeen in beesha deegaanka Buuhoodle ay ka qotaan saddex barkadood oo la mid ah saddex barkadood oo beesha kale ee Qori-lugud ay halkaasi hore uga qoteen.

Beesha deegaanka Buuhoodle, ayaa la sheegay in ay ka biyo diideen go’aankan, halka beesha kalana ay iyana wararku sheegayaan in ay saluugsan yihiin go’aankan. Guddidii xeer-beegtida, ayaa markii halkaasi buuq ka dhashay waxay sheegeen in ay dib isku noqonayaan, iyagoo dhinacyada ay u garsoorayeena la balamay 8:00 subaxnimo ee maanta. Waa markii u horaysay ee caqabado ka horyimaadaan guddida dhexdhexaadinta oo wajiyadii hore ee shirka kaga soo gudbay iyagoo dhinacyadu ay ku kalsoon yihiin. Lama garanayo in guddidu ay go’aanka ka noqon doonto iyo in ay wax ka bedel kusamayn doonto. Shaqaaqadii Kalshaale waxa ku dhintay 7 qof, halka tobaneeyo kalena ku dhaawacmeen.

 

No comments: