26 November, 2010

Xisbiga UCID Oo Xukuumada U Soo Jeediyay In Xilka Laga Qaado Wasiirka Daakhilig

Xisbiga UCID Oo Xukuumada U Soo Jeediyay In Xilka Laga Qaado Wasiirka Daakhiliga

Hargeysa (Somaliland.Org)-Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa ku baaqay in xilka laga qaado Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, oo uu sheegay inuu ogolaaday in Wasiirrada Puntland ay soo galaan gudaha Buuhoodle.

Xisbiga UCID waxa kale oo ay soo dhaweeyeen nabadeynta labada beelood ee ku diriray deegaanka kalshaalle. Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Guud ee xisbiga UCID Md. Muuse X. Maxamed Guuleed waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:- "Xisbiga UCID waxay soo dhaweenayaan heerka ay marayso nabadaynta labada Beelood ee walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhexmartay kalshaale, wajiga labaad ee lagu galayo Maygaaglena waxaan rajeynaynaa in uu guul ku dhamaado.

Sidaynu wada ognahay waxa laba cisho horteed hadlay Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha oo si fiican uga digay Puntland inay soo faragaliyaan nabadeynta labada beelood ee lagu heshiisiinayo Maygaagle.

Waxa Ummadda Somaliland la yaab iyo waxaan loo fadhiyin ku noqotay waraysigii BBC-du la yeelatay Wasiirka Daakhiliga Dr. Gaboose ee uu ku sheegay Wasiirada Puntland ee jooga Buhoodle inay iman karaan Somaliland oo ay ka qaybqaadan karaan nabadaynta labadaas Beelood.

Waxa hadaba is waydiin leh goorta iyo goobta ay Somaliland iyo Puntland ay ku heshiiyeen!!

Miyaan ahayn Puntland kuwii inagu haystay dhulkeena iyo dadkeena ee lahaa isku isir ayaanu nahay oo xuduudihii hore layaqaaney ayaanu wax ka bedelaynaa?

Qaabkan uu uga hadlay Wasiirka Arimaha Guduhu arrintan waa wax gebi ahaanba baalmarsan shuruucda dalka u taalla, gooni isu taaga iyo jiritaanka Somaliland. Waxaanay meel ka dhac ku tahay siyaasadii Wasaarada Daakhiliga ee loo igmaday loona dhaariyay; waxaanu ixtiraami waayey Wasiir ku xigeenkiisa oo sidii ku haboonayd uga hadlay arrintan. Waxaana waajib ku ahayd Dr Gaboose in qadiyada Somaliland uu difaaco oo aanu ka hor imanin, doorkii ku haboonaana ka qaato.

Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelku (UCID) wuxuu Xukuumada Somaliland u soo jeedinaynaa in xilka uu hayo Wasiirkaas laga xayuubiyo.

Isla markaasna wuxuu u cadeynayaa cid kasta oo xil u haysa Ummadda Reer Somaliland inay ogsoonaadaan in gooni isku taaga Somaliland uu yahay mid aan gogortan lahayn, cid gaara oo waxyeelaysana aan lagu raaligelin karin.

Kooxaha Somaliland diidka ahna ee isku uruursaday aaga Buuhoodle waxaan u sheegaynaa in Beelaha Somaliland 1991 ay shirkii Burco lagu heshiiyey layiskulana qaatay gooni isu taaga Somaliland, cidii ka hortimaadana waxaan u sheegaynaa in awood Qaran wax lagaga qaban doono, islamarkaasna xuduudaha Somaliland ay yihiin muqadas lama taabtaan ah."

Somaliland.Org
Hargeysa

No comments: