26 November, 2010

Wasiirka Daakhiliga Oo Tafaasiil Ka Bixiyay Kiiska Ninka Jarmalka Ah

Wasiirka Daakhiliga Oo Tafaasiil Ka Bixiyay Kiiska Ninka Jarmalka Ah

"Anigu UCID uma shaqeeyo. Marka uu Faysal Madaxweyne noqdo isaga weydiiya"
Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa maanta ka hadlay kiiska nin jarmal ah oo loo haysto inuu falal dhaqan xumo ah ku sameeyay Haween reer Somaliland ah.

Wasiirka oo galabta shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa wuxuu sheegay in ninkaasi maxkamad sharci ah la marin doono wixii dambi ah ee lagu helana ciqaabteeda uu mudan doono, waxaanu yidhi "Shirkan maanta waxaan u qabtay nin Jarmalka u dhashay oo la qabtay oo lagu eedeeyayn falal dhaqanka iyo diinta suuban ka soo horjeeda oo ku lid ah inuu ku kacay, waxaad moodaa inuu magaalooyinka gudahooda ka sameeyay xasaasiyad arrintan ka dhashay. Waxaan jeclaystay inaan mujtamaca u sheego arrintaasi siday tahay iyo halka ay marayso. Waxaan rabaa inaan xusuusiyo muwaadiniinta sharafta badan inay cod dimuqraadiyad ah oo iyaga ka soo go'ay ay ku doorteen madaxdan maanta dalka ka tallisa.madaxda aad doorateen waxay masuul idinkaga yihiin inay idiin ilaaliyaan diintiina, sharaftiina iyo qiyamkiina la xidhiidha inay kordhiyaan.ninkan wuxuu muddo dheer ku noolaa dalkan Somaliland maalin dhawayd ayay ciidamaddu soo qabteen waxay ku eedeeyeen inuu ku kacay falal aragagax leh falal fool xun oo ku fool xun haybadda iyo diinta bulshadan. Falalkan anshax xumada la xidhiidha oo aanan jeclayn inaan hoos ugu sii dhaadhaco. Ninkani kiiskan run ahaan ayuu u samayn karaa, waa lagu wanjali karaa. Maxkamada horteeda ayaa qofka dambiile ka dhigi karta. Waxa xukuumadan uu dalkeeda ku nool yahay ku waajib ah inuu helo garsoor xor ah."

Wasiirku wuxuu ka dalbaday shacbiga Somaliland inay is dejiyaan oo ay ku kalsoonaadaan sharciga iyo xukuumadii ay doorteen waxaanu ku dooday inay ninkan waajibkiisa marin doonaan haddii lagu helo kiiskan.

Dr. Gaboose oo si gaar ah ula hadlayay wadaadada Somaliland ee sida weyn uga biyo diiday arrintan wuxuu yidhi "Wadaadada sharafta leh waxaan odhan lahaa imaam ayaad u doorateen dalka cid masuul idinkaga ah dawladnimadan ayaad doorateen ee ku kalsoonaada inay wakiil idiin qalma ay ka yihiin diintiina iyo dhaqankiina. Qaar dano lihi yaanay idiin soo raacin in arrin shakhsi khusaysa laga dhigo arrin baahsan.xalay oo u dambaysay waxaanu qabanay khamri aad u badan dagaal baan ku jirnaa dhan walba waxaan kaga jirnaa dagaal kii Nabadgelyada, kii dhaqanka. Sida kaliya ee aan ku guulaysanaynaa waa idinka oo noo hiiliya. Waxaan idiin sheegayaa in ninkii xidhan yahay. Waxaan dadweynaha sharafta leh u sheegaynaa inaan dhegaha la idinkaga shubin waxyaabo sharaftiina sii dhaawacaya."

Wasiirka Daakhiliga oo la weydiiyay su'aal ahayd sida uu u arko xisbiga UCID oo ku baaqay in xilka laga qaado ka dib markii uu ogolaaday in Wefti ka socday Puntland ay ka qeyb gali karaan nabadeynta Kalshaalle, waxaanu yidhi "Haddii ay UCID tidhi xilka ha laga qaado Anigu UCID uma shaqeeyo. Marka uu Faysal Madaxweyne noqdo isaga weydiiya arrintaasi."

Dr. Gaboose oo ka jawaabayay su'aal ahayd inuu khilaafay Wasiir Ku Xigeenkiisii oo sheegay inaanay weftiga Puntland soo geli karin gudaha Somaliland wuxuu yidhi "Tan ah khilaafka hadalka, hadalku si khaldan ayuu idiinku dhacay waxa weeye Wasiir Ku Xigeenka Anagu ma aanu kala hadlin wakhtiga uu hadalka sii daynayay waanu wada joognay habeenkii xogta loo soo sheegayay wararkaasi uu helay waxay ahaayeen kuwo dhiilo muujinayay.haddana isagoo ila jooga ayaa nala soo hadlay oo waxa naloo sheegay inay u yimaadeen dhaqankii wanaagsanaa ee Soomaalida ka dhaxeeyay oo ah meeshii wax ka dhacaan ee la isku dilo in loo wada gurmado. Haddii ay Maraykanka ka soo gurmadeen iyo haddii ay Puntland ka soo gurmadeenba ma aha arrin siyaasadeed. Arrin Somaliland iyo Puntland ahna ma aha maanta ayaan ku celinayaaye'e Somaliland waxay soo dhawaynaysaa nabadgelyada halkaasi iyo meel kastaba cidii wax ka tari karta. Somaliland nabadgelyada ayaa la weyn ficiltan aan qiimo lahayn. Warkaanu ka haynaa aniga iyo wasiir ku xigeenku waxa weeye inay nabad ku yimaadeen."

Somaliland.Org
Hargeysa

No comments: