01 November, 2010

XIISAD KA TAAGAN WIDHWIDH GOBALKA SOOL

Xukuumadda oo Hal Bilyan u rartay Wadahadalo Widh-widh ka dhici lahaa iyo Mudaharaad lagaga soo horjeedo oo Qof ku dhaawacmay
Waaheen.com

Garaadadii ka qayb-geli lahaa oo kala jabay iyo garaad Abshir oo soo gaadhay Widhwidh

Guddidii uu Madaxweyne Siilaanyo u saaray xal u helida Goboladda Bari ee Somaliland ayaa la sheegay inay shalay xukuumaddu Baanka Dhexe ee Hargeysa uga rartay Lacag gaadhaysa Hal Bilyan oo shilling Somaliland ah oo u dhiganta $170,000 oo ah kharashkii ay u isticmaalayeen wada hadalo la sheegay inay ka furmayaan Degmadda Widh-widh.

Sida ay Waaheen u xaqiijiyeen dad u dhuun daloolay qaadista kharashkaasi ayaa sheegay inay Guddidaasi isla shalayba Ambabaxeen markii ay qaateen lacagtaasi, taasoo uu gadhwadeen ka haa sida ay sheegeen Fu'aad Aadan Cade oo ka mid ah tobanka xubnood ee Guddidaasi ku jiraa, kuwaas oo maalmahanba ku hawlanaa Gogol-xaadhka wad ahadlo dhex mari doona iyaga iyo Koox Madax-dhaqameed ah oo ka soo kicitami doona Buuhoodle.

Waxaanay wararka Shirkaasi la xidhiidha ee aanu xalay Saacadihii danbe helaynay sheegeen in Garaad Abshir oo kaliyi soo gaadhay Widh-widh, taasoo uu warku intaa ku daray inay diideen xubnihii kale ee la filayay inay ku weheliyaan ka qayb galka Shirkaasi waxaanu warku intaa ku daray inay soo waajahday shirkaasi xaalad adag oo laga baqa qabo inuu qabsoomi waayo.

Warar kale ayaa iyana sheegay in markii Garaad Abshir soo gaadhay Degmadda Widh-widh ee lagu waday inuu shirku ka dhaco Mudaharaad ka dhacay kaasoo la sheegay in hal qof ku dhaawacmay, isla markaana ay qasantay xaaladii Amni ee magaalddu, una egtahay inay ka aloosantay xiisad culus oo lagaga soo horjeedo in wadahadalada ay wadaan Guddida uu Madaxweyne Siilaanyo magacaabay iyo Madax-dhaqameedka ka soo jeeda dhinaca kale, taasoo ay dadka Deegaanku u arkaan mid aanay Beelaha Harti u dhamayn.

Guddida ka socota Xukuumadda Somaliland ee uu Madaxweyne siilaanyo u magacaabay arrintaas ee shalay lacagta qaatay ayaa la sheegay inay xalay ku dhaxeen magaaladda Burco, iyadoo la filayo inay halkaas sii joogaan inta xal loo helayo xiisada ku kacday Qorshihii ay u socdeen ee ahaa inay gaadhaan Degmadda Widh-widh si ay u bilaabaan shaqadii loo igmaday.

Guddida arrintan loo xil saaray oo ka kooban Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax, Fu'aad Aadan Cade, Wasiirka Ganacsiga C/risaaq Khaliif Axmed, Wasiirka Boosaha C/risaaq Ibraahim Madar, Wasiirka Gaashaan-dhiga Axmed X Cali Cadami, Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr: Maxamed Cabdi Gaboose, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Cismaan Garaad Soofe, Waiirka Duulista Maxamud Xaashi Cabdi iyo Maxamed Kaahin Axmed ayaa la filayaa inay Olole xoog leh ku qaadaan gobolada bari ee Sool,Sanaag bari iyo Buuhoodle si ay taageero ugu helaan xalinta iyo isku soo dhaweynta dadka deegaamadaasi iyo xukuumadda Somaliland

Waxa jira sida la sheegay xubno siyaasiyiin ah oo ka soo horjeeda hawsha gudidani wado iyo magacaabistoodaba, taasoo ay u arkaan inaan loo marin wado sax ah, iyagoo ku doodaya inuu yahay mashruuc aanay waxba ka soo baxayn.

Waaheen

No comments: