Biyo la,aanta Hargaysa, Taagdarida Xukuumada iyo Baahida Danyarta. |
Written by Sanaag.org | |
Oct 31, 2010 at 04:07 PM | |
Hargaysa,-Magaalo madaxda Dalka Jamhuuriyada Somaliland Hargaysa ayaa waxaa lasoo darsay biyo la,aantii ugu darayd, taaso dadku la ildaranyihiin Haraad xoogan, Xukuumada Axmed Siilaanyo oo xiligii ololaha dadwenaha ku beerlaxawsan jirtay waxka qabadka Haraadka, ayaa haatan afku juuqda gabay,haraadka hargaysana ka indho qarsanaysa. Dadyowga Danyarta ah ayaa xiligan si ay u helaan biyo ay cabaan isugu baxay qodashada Dooxa Hargaysa, halka inta awooda inay biyo qotaana ka iibsanayaan booyada biyaha ka keena masaafooyinka fog-fog. Majirto ilaa iyo haatan wax talaabo ah oo xukuumada cusubi ka qaaday biyo la,aanta mudada badan soo noq noqonaysey taasoo maanta maraysa halkii ugu darayd, dadweynaha hargaysa waxay siweyn wax isaga waydiinayaan halka ay ka dhaceen balan qaadyadii quruxda badnaa ee madaxweyne Siilaanyo. Sanaag.org |
No comments:
Post a Comment