10 November, 2010

Maxaad Ka Ogtahay Soyaalka Taariikhed Ee Somaliland Iyo Saddexdii Madaxweyne Ee Hore, Maxay Tahay Saadaasha Wuxuu Qaban Karo Axmed Silaanyo, Qormo Xiiso Badan.

London-) Jamhuuriyadda Somaliland waxay jirtay muddo 20 sanno ah marka laga soo tiriyo wakhtigii ay la soo noqotay xorriyadeeda, waxaa soo maray saddex Madaxweyne oo hore, marka laga reebo Madaxweynaha hadda talada haya Axmed Silaanyo, marba marxalad ayay maraysay dib udhiska iyo kacaa kufka waddanku. Madaxweynihii ugu horeeyay ee Abdiraxmaan Axmed Cali (Abdiraxmaan Tuur) waxaa la odhan karaa muuhelin jaanis uu wax badan ku qabto wuxuuna la kowsaday colaado iyo rabshado, taas oo ay ugu wacnayd burburkii ku dhacay dalka iyo dadka oo wax la'aan badani jirtay, ciidamadii dalka xoreeyay oo aan markay soo galeen qorshe cad loo hayn, isla markaana dibudajin iyo dhaqan celin aan helin, taasina ay keentay inay yagu isku jeestan, iyo sababo kale. Lakiin wuxuu ahaa hoggaamiyihii ku guulaystay guda galka Somaliland markii la xoreynaayay, madaama uu ahaa guddoomiyihii ugu danbeeyay ee SNM, arrintaas ayaa ugu weyn xasuusta alle haw-naxariistee Abdiraxmaan Axmed Cali.

 

Madaxweyne Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal oo ahaa ninka la odhan karo wuxuu dhisay haykalka dawladeed ee hadda dhisan wuxuu waddanka gacanta ku hayay muddo sagaal sanno ah, 1993 ilaa 2002, wakhtigaas oo xaqu ku soo degay, in kasta oo aynaan qormadan maanta ku soo koobi Karin tariikhdii Madaxweyne Maxamed Xaji Ibraahim, haddana waxaynu dulmaraynaa wax yaabaha lagu xasuusto, wuxuu ahaa Madaxweynihii hubka dhigista sameeyay, isagoo la kashanaaya sarakiishi SNM iyo odayaasha rer Somaliland, tasoo u sahashay inuu qarameeyo dhammaan hubkii reruhu haysteen, wuxuu ku gulaystay haba koobnaate inuu lacag waddanku leeyahay sameeyo, sidoo kale wuxuu gaws danbeedka dhigay oo ku adkaa Somaliland inay sidii lagu heshiiyay u jirto oo ahaato qaran Madaxbanaan, cidii ka hortimaadana xeer qabto oo meel looga soo wada jeesto. Dhaliilo way jireen, sida musuq-maasuqa oo baahsanaa, oo gaadhay meel halis ah sida laaluushka iyo kala iibsiga qabilooyinka, sidoo kale arrinta gobolka Sool oo aanu soo dhaweyn ayaa jirtay, gaar ahaan Axmed Cabdi Xaasade oo markaa ahaa guddoomiyahii Goblaha wakiilada Somaliland oo marxuumka ay isku xumadeen ka dib markuu ka qaaday kursigaas una dhiibay Axmed Maxamed Qaybe, waxayna taasi keentay inuu Somaliland ka baxo Gaarad Abdiqani Garaad Jaamac oo ahaa raggii Somaliland wax ka go'aamiyay inay gooni u istaagto, ahaana garaadkii ugu cuslaa Gobolka Sool. Sidoo kale qabyo badan ayaa ku jirtay Dastuurkii Marxuumku sameeyay oo aan wali laga saarin qabyadaas, sida xeerarka badan ee odhanaaya xeerba qayaxaaya, ku waas oo awood dherada siinaaya Madaxweynaha.

 

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin waxaa lagu xasuusta inuu ahaa nin degen oo dhaqaajiyay Dimuquraadiyadda ka jirta Somaliland, in kastoo ay marar dhawra bariiqatay, wuxuu ku guulaystay inuu dalku nabad ahaado muddadii uu xilka hayay, sidoo kale wuxuu ciidamadda gaadhsiiyay gobolka Sool, tasoo ay u sahashay isku dhicii Axmed Cabdi Xaabsade iyo maamulka Putland, sidoo kale waxaan lagu iloobayn siduu xilka uga degay ee nabada ahayd. Wuxuu lahaa dhaliilo badan, oo aynu ka xusi karno, musuq maasuqa oo ahaa midka ugu daran wuxuuna gaadhay ama sameeyay hay'ad kasta oo xukuumadiisa kamid ahayd, sidoo kale dawladda uu hoggaaminaayay Madaxweyne Daahir Rayaale oo dalka xukumaysay 8 sanno oo ah wakhti dheer kamay qaban wax muuqda oo xagga arrimaha bulshada ah, sida wadoonyinka, caafimaadka, iskuulada, shaqo abuurka dhalinyaradda, dhammaan arrimhaas way ka aradnayd. Sidoo kale waxaa lagu xasuusta waxay ahayd dawldii ay ugu tahriibka badnayeen dhalinyaraddu mudadii ay xilka haysay. Xagga heshiiska sherkadaha caalamiga ah iyo deeqaha dalka soo gala ayaa isna ahaa mid korabshan badani daboolay, waxay muddo sideed sanno ah ku gulaysan wayday inay lacagta Somaliland gadhsiyaan gobolada bariga, yadoo wasiirkii Maaliyada ee dawladdii Rayaale Mud: Cawil Cali Ducaale ku daray odoraska Maaliyada in kabadaan saddex jeer, sidoo kale waxay awoodi wayeen sideeda sanno inay dhisaan wadada 4km ah ee Dila iyo Boorame u dhaxaysa oo dawladdii Madaxmed Siyaad Barre ka tagtay. Dhammaan dhaliilahaas ayaa losoo jeedin jiray.

 

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo xilka hayay hadda boqol cisho. Muddo sideed sanno ah ayuu mucaarid aha, waxaa lagu ammaana inuu yahay ninka u samray inay taabo gasho dimuqiraadiyadda Somaliland, isagoo samir miciin sadey, mudadii uu mucaaridka aha wuxuu markasta la socday dhaliisha xukuumadii uu mucaaridka ku aha, waana ta keentay inuu doorashadii ku gulaysto, markuu xilka la wareegay ee uu dawladisii soo dhisay waxaa lagu ammaanay dawladda kooban, lakiin waxay dhaliil badani kaga timi siduu uga tagay xubno badan oo lasoo halgamay xagga  Xisbigiisa, sidoo kale wuxuu ku haftay saami qaybsigii beelaha oo dabcan ay kala bateen dawladdu dhisay iyo saamiga beelaha Somaliland, yadoo mar marka qaar lagu xamanaayay inuu saamiga dhinac ka raray, wuxuuse muujiyay samirkuu caanka ku ahaa, yadoo la odhan karo wuxuu kaga gudbay Saddexda bilood ee khatarta badan, wuxuu isku dayaayay muddadaas inuu tashiyada badiyo isagoo Saddexdii bilood ee la soo dhaafay caan ku noqday guddi saarista, tasoo uu kula baxay magaca (Axmed Guddi).

 

Lasoco dhaliilaha losoo jeediyo, iyo sadaasha wuxuu qaban karo, sidoo kale la soco cadadka danbe waxay deeqaha hadda soo dhacaya ee beesha caalamku ka badali karto sawirka ama muqaalka Somaliland ee hadda Haddii si saxa loo isticmaalo. Hamogaan.
 
 
Muniir Axmed Cigaal
Email muniir10@gmail.com

__._,

No comments: