04 November, 2010

Hargeysa: Tuug Faro Baas Ku Haya Gaadiidka Yar Yare Ee Xaragada...

Hargeysa: Tuug Faro Baas Ku Haya Gaadiidka Yar Yare Ee Xaragada, Kalana Baxa Indhaha Iyo Muraayad Ha

Hargeysa: Tuug Faro Baas Ku Haya Gaadiidka Yar Yare Ee Xaragada, Kalana Baxa Indhaha Iyo Muraayad Haadada

Hargeysa,-Kooxo Tuug ah ayaa in dhawaaleba faro baas ku hayey gaadiidka yaryar ee lagu xaragoodo ee caasimada Hargeysa, kuwaas oo kala baxa Indhaha (Light) iyo Muraayad Haadada kadibna dib uga iibiya suuqa, isla markaana la sheegay in laga siisto qiimo ku dhaw $30.

Tuugtan oo ka qadhaabta Parking-nada gaadiidka yaryar la dhigo ee Hargeysa ayay cabasho ka muujiyeen dadka gaadiidka yaryar ku tamashleeya, kuwaas oo sheegay in mudooyinkan dambeba ay Tuugtaasi kordhiyeen xirfada ay ku xadayaan qalabkaasi.

Ismaaciil Maxamuud oo ka mid ah raga ay tuugtaasi kala baxday baabuurkiisa Indhaha Laydha ee hore iyo Muraayad Haadada ayaa Haatuf u sheegay in tiroba laba jeer ay tuugtaasi kala baxday gaadhigiisa, xili uu dhigay meel Parking ah, isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi "Tiraba laba jeer ayaa la igala baxay muraayad haadada gaadhigayga, waxaana markii ugu horeysay la igala baxay anigoo dhigtay gaadhiga meel suuqa dhexdiisa ah, maalmo ka dib markii aan Spare Parte-ka uga soo iibiyey Indho cusubna, mar labaad ayaa waxa la igala baxay anigoo ku sugan meel baarkin ah oo aan sidaa uga fogayn Masjidul Jaamaca Hargeysa oo aan qof ka soo eegaayay dawlada hoose".

Indhahan iyo Muraayad Haadyada gaadiidka ayaa marka laga yimaado tuugtan ku mamtay inay kala baxaan, isla markaana dib uga iibiyaan suuqa, ay faa'ido u leedahay gaadiidka xiliyada habeenkii iyo marka ay dib uga baxayaan meel ay taagnaayeen oo muraayad haadku ay ka arkaan wixii ka dambeeya ama daba maraya baabuurka si aanay shil u galin.

Dhinaca kale Tuugta habeenkii dadka baadha ee Mobile-ada iyo lacagta ka qaada, isla markaana guryaha u dhaca ayaa waxa hoy u ah intooda badan dooxa Hargeysa gaar ahaan dhinaca Biriijka Weyn xigta ee dhirta garanwaagu ay aadka ugu shaqlan tahay, halkaas oo hurdo u ah, isla markaana ay ku leeyihiin Hudheelo yaryar oo cuntooyinka lagaga iibiyo marka aanay lacag haysana la sii amaahiyo waxay doonayaan si marka ay wax soo xadaan ay iskaga bixiyaan.

Sidoo kale waxa jira marka ay tuugtaasi wax soo xadaan, waxa ilaaliya inta ay hurdaan albeerkooyin yar yar oo ay ku leeyihiin dhirta garawaanga ee ku teedsan halkaas, niman iyaguna gaadh ka haya oo ku lacag qaata ilaalitooda.

Si kastaba ha ahaatee Wajigan cusub ee Baabuurta kala baxayaan qaybo ka mid ah qalabka ayaa horseedi doona haddii aan si degdeg ah wax looga qaban inay sii baahdo ama gabi ahaanba ay bartaan sida tuugta caalamiga ah inay baabuurta xadaan, isla markaana si fudud ay si fudud u badali karaan Engine Numberka iyo Nambarada kale, taas oo hadhow ay adkaato in wax laga qabto.

Waxa iyaguna intaa dheer dhalinyarada xaafadaha oo ay saamaysay shaqo la'aanta baahsan ee guud ahaan dalku uu ka siman yahay oo markii ay shaqo waayeen ku mamay cunsita Qaadka oo wakhtiyada wax ay ku iibsadaan ay waajaana ay ku dhaqaaqaan inay Hablaha iyo dadka kaleba ay jidadka ugalaan, isla markaana Mobelada iyo waxa ay sitaan ka qaadaan.

Source Haatuf

No comments: