08 November, 2010

Hambalyo iyo bogaadin , Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashaiga Caalamiga ee Somaliland ,Dr / Professor Maxamed Cabdillahi Cumar

Marka hore waxaan salaan qadarin,maamuus iyo sharfabba mudan ,aan u hawada u marinayaa dhammaan shacabka  xariirta ah   ee Somaliland , meel walbba oo ay adduunka ka joogaanbba.
Waxaana Allaha weyn idiinka baryayaa , inuu idinka yeelo kuwii adduun iyo aakhiraba liibaana.

Waxaan iyana aan salaan iyo  mahad celin aan la soo koobi karayn aan u gudbinayaa guud ahaan saxaafadda Somaliland ,oo laf dhabar u ah , horumarka,kobcinta iyo ilaalinta sumacadda
iyo karaamada Somaliland.

Aan u soo gondo noqdo dulucda qormadaydan,oo ku wajahan guusha iyo libinta ay soo hooyeen Madaxweynaha Somaliland ,Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda,Dr Maxamed Cabdillahi,ee dib u soo nooleynta xidhiidhka walaaltinimo ee labada dal ee Jabuuti iyo Somaliland.Anigoo aad ugu faraxsan guushaasi,waxaan idinku  hambalyeynayaa,idinkuna bogaadinayaa,hawsha qiimaha,qadarinta iyo meeqaanka weyn leh ee  aad ka midho dhaliseen.

Waxaa xaqiiqa ah,biyo kama dhibcaana,in warkaasi aad loogu diirsaday,quluubta iyo laabtana  culay ,kuna farxeen dhammaan inta jecel Qaranimda,Karaamada,Jirtaanka iyo wanaagga Dalka Somaliland.Sidaan la wada soconno,Dawladda Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),waxaa xilka loo dhaariyey mudo ka yar 120 Cisho,xidhiidhka Diblomaasiyadeed ee ay ku tallaabsadeenna waxay ka markhaati kacaysaa ,ballanqaadkoodii xilligii Doorashada , ee ahaa inay wadamada jaarka ah la yeelan doonaan xidhiidh walaalnimo,wax wada qabsi,wada shaqayn ,  wada tashi  , ee ku wajahan arrimaha mandaqadda ku geedaaman.

Waxaa hubaal ah inaad cagta saarteen toobiyihii shacabka Somaliland idinku doorteen,waxaanan idinka rajaynaynaa inaad guullo laxaad leh ka soo hoyn doontaan dhan walbba,waqti aan fogeynna aan geediga ku furi doonno guri barwaaqo,oo aqoonsi caalami ah ku qotoma.

Aan ku soo afjaro qormadan kooban, hambalyo iyo bogaadin , Madaxweynaha Somaliland ,mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland,mudane,Dr / Professor Maxamed Cabdillahi Cumar.

Eng.Mohamed Ali Muse



No comments: