Jaamacadaha Somaliland halkay Caalamka iyo Gobolka kaga jiraan fuudhka saar…Maxamed Yuusuf Xassan (Iqra) Ph.D
Cilmi-baadhis daahfuraysa heerka ay tacliinta Somaliland kaga jirto caalamka iyo gobolka ayaa markii ugu horaysay uu soo bandhigay Prof Maxamed Yusuf (IQRA) oo bari sare ka ah Jaamacadda Al-Cayn ee dalka UAE, haystana shahaadada PHD-da, ka dib markii uu socdaalka xogogaal ururin ah ku yimi dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo kulamo uu ugu kuurgalayay heerka tacliinta la yeeshay wasaaradda waxbarashada iyo jaamacadaha dalka.
Barahan sare oo shaahadda PHD-da ku diyaariyay maadada Statistics, waxaanu ka qaatay Jaamacadda Riverside ee gobolka California ee cariga Maraykanka.
War-bixintii uu diyaariyey aqoonyahankan reer Somaliland, oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warqabadka ToggaHerer ayaa waxau dhignayd sidan:
"Somaliland maanta tacliinteeda sare iyo teeda hoose ee dawladu waxay taagantahay heerkii ugu hooseeyey labaatankii sanno ee u dambeeyey. Arrintani waxa laga yaabaa in ay ka yaabiso dad badan oo aaminsan in maanta ay dugsiyada iyo jaamacaduhu ugu badanyihiin. Waxa kale oo tusaale ahaan loo soo qaataa in tobanka arday ee u sareeya dugsiyada sare ee Somaliland ay ka wanaagsanaadaan in badan oo ka mid ah ardayda afrikaanka ah ee ay kula kulmaan jaamacadaha Afrika, waxaa xusuus mudan in sanadkan tobankii arday ee u sareeyey intaxaanaddii dugsiyada sare mid qudhi kaga jiray dugsiyada dawladda ee aadka u faraha badan. Kolka la qiyaasayo waxbarashada dal waxa loo eegaa celcelis ahaan heerkiisa waxbarasho, waayo mar kasta waa la helayaa in yar oo aad u dadaalay oo laga yaabo in ay si kale iyagu wax isu bareen, iyo in aad u hoosaysa intaba. Imntaxaanka dugsiyada sare ee sSomaliland waxaa lagaga gudbaa 35%, halka caalamka ay ka tahay 60%, taasoo qudhi way inoogu filan tahay tusaale ahaan, laakiin cidda raadraac ku sameysa manhajkii sideetanaadkii iyo kan maanta waxa u soo baxaya sawirka dhabta ah ee waxbarashadda hoose ee Somaliland.
Dhinaca Tacliinta sare iyo Jaamacadaha kolka la eego qof kasta waxa ku soo dhacaya Jaamacaddaha Camuud, Hargeysa, iyo Burco oo la kala aasaasay 1998, 2000, iyo 2004kii siday u kala hooreeyaan. Jaamacadahaasu iyagu halkee ayey ka joogaan caalamka iyo gobolka maanta?. Jaamacadaha calaamka waxa jira cid iyo meelo qiimaya. Waxa ka mid ah Webometrics, Times Higher Education (QS) ranking, Academic Ranking of World Universities (ARWU), iyo Shanghai Jiao Tong University ( SJTU) oo ku qiimeeya Jaamacadaha arrimo dhawra oo ay ugu mihiimsanyihiin: Tayada waxbarasho, Tayada Professorada, Cilmi baadhista ay soo saartay, iyo baaxadda Jaamacada. Waxa kale iyana jirta 4 Iinternational college College and Uuniversity ranking (4icu.org) oo iyadu aan tayo ku dhisnayn ee ku dhisan hadal hayntaa internet ee jaamacadaa oo ay ka soo ururisay: saddexda mawqic ee kala ah Google Page rank, Yahoo Inbound Links, iyo Alexa Traffic Rank. Kolkaa maadaama aanay 4icu.org ku dhisnayn tayo ee waxeedu yahay xadiga hadal haynta iyadda tirada ku darsan mayno ee bal kuwa kale mid ka mid ah oo tirada ku soo dartay Jaamacadaha Soomaalidu maamusho sannadka 2010 aynu soo qaadano waana Webometrics.
Webometrics ayaa waxa ay qiimaysay 12000 oo jaamacadood oo caalamka ku yaal sanadkan 2010. Waxay ku soo dartay shan jaamacadood oo Somali maamusho waxayna kala yihiin Muqdisho University, Hargeysa Univesity, Camuud University, Burco University iyo East Africa University ( Boosaso). Jaamacada Muqdisho waxa la aasaasay 1997, Camuud 1998, Boosaaso 1999, Hargeysa 2000, Burcona 2004. Shantaa Jaamacadood waxa ugu saraysay Jaamacada Muqdisho oo gashay kaalinta 6941. Afarta kale waxay u kala sareeyeen sidan: Boosaaso kaalinta 10086, Burco 10172, Camuud 11483, iyo Hargeysa 11500. 12000 ee jaamacadood boqolkiiba siddeed iyo kontan ayaa ka sarreeyey Jjaamacadda mMuqdisho, Jaamacada Caamuud oo sannad ka yar ta Muqdisho ahaydna Jaamacadii Somaliland ugu horreysay astaantana u ahayd waxa ka horreeyey boqolkiiba lix iyo sagaashan Jaamacadood. Iyada iyo jaamacada Muqdishna waxaa u dhexeeyey 4542 jaamacadood.
Jaamacadda Muqdisho oo saddex iyo toban jir ah ayaa amaan mudan, kana soo dhex baxday shantaa jaamacadood. Kolka la eego boqolka jaamacadood ee u sareeya afrika waxay ahayd ta kaliya ee ku jirtay. Waxay ahayd Jaamacadda 90 naad. Jaamacadaha ka hooseeyey waxa ka mid ahaa jaamacada Kenya ku taal ee Egerton University oo la aasaasay 1939, noqotayna Kulliyad buuxda sannadkii 1955 Jaamacadaha Kkenyana kaga jirta kaalinta afraad, jaamacadaha aAfrikana kaalinta 97. Guud ahaana Jaamacadaha Kenya oo shan iyo toban ka mid ahi qiimayanta ku jireen kow iyo toban ka mid ah Jaamacadda Muqdisho ayaa ka sarreysay, laba ka mid ahina wax naf leh kamay horeyn waa Kenyata University iyo Moi University.
Inkastoo jaamacadaha Somaliland u hooseeyaan jaamacadaha caalamka iyo kuwa gobolkaba, Kolka iyaga la is barbar dhigo, waxa u sarraysa jaamacada Bburco oo ahayd tii ugu yarayd oo lix jira. Jaamacada Bburco waxay gashay kaalinta 10172, iyadoo Hargeysa iyo Camuud in badan ay ka sarraysay una dheexeeyeen in ka badan 1300 oo jaamacadood, waa arrin kale oo yaab leh!. Qofka xaalka jaamacadahan la socdaa waxa laga yaabaa in uu isku qanciyo habka maamulkeedu u dhisanyahay oo ka duwan labada kale. Gudiga Horumarinta Gobolka Togdheer ayaa Jaamacada ka masuula oo looga dambeeya awood buuxdana u leh in ciday doonaan u dhiibaan, haday garanwaayaana erya madaxa jaamacadda, labada jaamacadood ee kale ma laha gudi soke oo ay ku abtirsadaan awoodaana leh oo jaamacada xukunta kana madax bannaan guddoomiyaha jaamacada. Taasuunbaa u muuqan karta sababta ugu weyn ee keentay in ay dhulka jiido Camuud iyo Hargeysa oo kala galay kaalmaha 11483 iyo 11500 siday u kala horeeyaan..
Jaamacadaha Somaliland In Ay Fashilmaan Maxaa Keenay?
Tacliinta Sare dhabarjabka ugu weyni waxa uu ka soo gaadhay saddex dhinac oo kala ah dhinaca Xumkuumadda iyo Golayaasha, dhinaca Dadweynaha, iyo dhinaca Qaabdhismoodkoodda.
Xukuumadihii kala dambeeyey oo ay ta maantu u dambaysay qorshe tacliimeedba tirada kumay darsan in uu xilka saaraanyahay. Mayd maxaa u dambeeyey iyo kaa la sii sido, kolkii xafiiska u la wareegay madaxweynahani waxa aanu u sheegnay in uu fursad wanaagsan u haysto hagaajinta tacliinta sare oo aasaas u noqon karta horumarka dhaqaale, caafimaad iyo bulsho guud ahaan laakiin nin meeli u caday meel ka madow. Inkasta oo ninka ah (chief of cabinet) Xirsi uu aad ugu heelanaa wax ka qabashadda waxbarashada oo uu aad nool la shaqeeyey, haddana waxanu la kulanay madaxweyne aanay qorshahaba arrintani ugu jirin, waxa uu ku gaabsaday in uu arrinta aad ula dhacay, dabadeed waxa uu ku wareejeyey madaxweyne ku xigeenka oo meesha fadhiyey, isna sanqadhiisaba waxa noogu dambaysay maalintaa kolkii namberada telephonadayada uu qaatay. Dhinaca golayaasha haddaynu jaleecno, baadiyi ninkii oog in ay ka maqantahay ayaa daydayee, ilama aha in xataa ay garanayaan waxyaabaha ummaddu u igmatahay in waxbarashaddu ka midtahay iyo in kaleba. Haddaad eegto dadweynaha, waxaa ka maqan ku baraarugsanaantii in ay xaq u leeyihiin la xisaabtanka xukuumadda iyo golayaasha.
Kaalintaa ay baneeyeen xukumadda, golayaashu iyo dadweynuhu, waxaa ka dhashay dhowr arrimood oo ay u horeyso dalku in aanu yeelan qorshe waxbarashaba (National Education Master Plan), taasoo keentay jiho loo socdaba in la garanwaayo, waxa kale oo ay keentay in wadanku yeelan waayo meeloo lagu kala shaandheeyo dhukuocumentiyadda dalka debada ka soo gelaya oo shahaadaduhu ka mid yihiin (Authentication center) taasoo iyana keentay shahaadado badan oo been abuur ahi in ay dalka soo galaan ardayda jaamacadahana wax loogaga dhigo, xataa waxaa dhacda in cid aan jaamacadba waligeed galini ka soo jeestaan fasalo oo ay ardayda is hor taagaan taasuna waxay keentay tayo xumadda ay tacliinta sare maanta la daalaadhacayso.
Arrintu waxay ahayd madaxweynaha iyo golayaashu in ay igmadaan waxgaradka iyo culimadu in ay qeexaan ujeedooyinka waxbarashada dalka, jiheeyaana oo soo dejiyaan (National Education Master Plan). Taasu waxay keeni lahayd in ay saldhig u noqoto waxbarashada dalka iyo rukumada ay ku taagantahayba.
Dayacaadaa ka timi dhinaca xukumada iyo golayaasha iyo baraarug la'aanta dadweynuhu waxa kaloo ka dhashay arrimo kale oo tacliinta sare ragaadiyey. Waa ta koowaade waxay sabab u noqotay in qaabdhismeedkii maamuladda jaamacadduhu qaloocdaan oo ay ka maqnaato guntintii la xisaabtanaka iyo daba- galka masuulinteeda kolka laga reebo Jaamacadda Burco oo kuwa kale xagaa ku dhaanta. Waxay ahayd inuu dhismuhu ka koobnaado qaab ah shaqeeye iyo la xisaabtame ka madax banaan, laakiin waxay u dhisantahay shaqeeye isla markiina isla xisaabtame ah, taasoo keentahay danaysiyo iskua dhafan iyo murug maamul ( conflict of interest), arrintaasu waxay keentay meesha in ay ka baxdo waxba maad qabane iska tag, jaamacaddihiina waxay isu bedeleen NGO yar yar oo xataa waxoogaaga ardayda laga qaadaa la baylihiyo oon waxba loogu qaban, iyo in lala daba ordo hay,ado yar yar oo laga hoggaamiyo Nairobi taasoo ka fogaysay habdhaqankii ay uu taagnaan lahayd jaamacad ummadeed. Intaynaan dhexgalin bal waxa xal u eg aynu isyara dultaagno tacliinta sare ee Kenya ood moodo in maanta teena ay hoggaanka u hayso.
Dalka Kenya waxay leedahay in ka badan 24 Jjaamacadood oo qaarkood da'doodu ka weyntahay konton sannadood. Koomishanka tacliinta sare ee Kkenyana waxa uu jiray 25 sannadood, kaasoo ay ahayd in uu ka shaqeeyo tayadda tacliinta sare. Qiimayntii Webometrics waxa Kenya kaga jiray 15 jaamacadood, oo sida aynu soo sheegnay 11 ka mid ah ay ka sarraysay Jaamacadda Muqdisho, labana ay sigtay dhaafina doonto mustaqbalka dhow sida muuqata. Jaamacada Kenya u horaysaa waa Nairobi University, laakiin waxa ka horeeya jaamacadaha dalalka ku xeeran oo dhan. University of Khartoum (Suudaan), Makerere University (Uganda), Dara Salaam University ( Tanzania), iyo Addis abab University (Ethiopia) intuba way ka horeeyaan. Intaa iska daayo, xataa waxaa ka horeysa dalka yar eere e Senegal jaamacadiisa Sheik Anata Diop Dakar University.
Waxa laga yaabaa in aad tidhaa kolka tiradda jaamacadaha ku jiraa qiimayntu ay yihiin 12000, ee Camuud taal kalinta 11483, Hargeysana 11500, shantan boqol ee jaamacadood ee ka hooseeya ma jinbaa leh mise Insi. Xasuuustaada waxa aad ku darsataa in badani in ay ku taal dalka Kenya. Iska dhaaf kuwa aan qiimaynta ku jirine 15kii lagu daray laba ka mid ah oo kuwa caalamka u hooseya ah ayaa ka mid ah waana University of Eastren African Baraton oo 32 jira gashayna kaalinta 11888, iyo Daystar University oo 46 jira gashayna kaalinta 11906. Wixii dunida u liitay ayaa iga laga liitaa ma lagu faani karaa, mase mudantahay tacliinta Kenya ku dayasho iyo dabagal? Waa su,aallo furan.
Xalku Waa Maxay, Ma Wwasaaradda Wwaxbashadda Ayaa Faraha Looga Qaadaa?
Wasiiradda cusub ee wWasaaradda wWaxbarashadda SamSam Cabdi Aadan inkastoo ay uu muuqato in ay doonayso in ay wax hagaajiso aadna u dadaalayso haddana daawe kulal ayaa cagaha loo saaray. Wax badan ayaa ugu laaban sida ay tacliinta sare u shaqayso waayo kaabayaashii Wwasaaradda ee dhinaca waxgaradka iyo dhaqaalaha midna lama siin shacabkii iyo dawladiina kaalintoodii way bannaantahay. Intaa waxa dheer, Qolyihii hore ee baa,biiyey jaamacadaha oo cidina aanay arrintaa kala xisaabtamin ayaa daaqadaha uga soo daatay oo faraqyadda haysta kuna maaweelinaaya in ay dhaqaalihii iyo furdaamintii mashaakilka tacliinta sareba hayaan. Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada, Cali Xaamud Jibriil oon laba goor wasaaaradda kula kulmay ayaa iila muuqday ninka ugu aragtida dheeraa dhinaca dhismaha tacliinta sare ee aan Hargeysa kula kulmo. Inkastoo kolka la eego xaladaha ku wareegsan laga yaabo in uu karaar jabo, haddana waxa ka muuqatay aragti cad oo dhinacyada dhismaha jaamacadeed, ta koomishanka tacliinta sare, iyo dhisida maamulo hanan kara habsami u socodka tacliinta sare.
Biyo meel godanbay isugu tagaane, haddii aan si rasmi ah arrintan wax looga qaban maanta dalkani hadaanta uu ku laalado ayuu ku dhacayaa, waxana uu noqon doonaa meel habeen dhax loo deganaado reer kastana caruurtiisu kolka ay dugsiga sare ka baxaan ay meel kale ula qaxaan. Arrintaa ta garab taal waxa weeye, in gurmad dhab ah la galo oo la dhiso jaamacado lagu taamo oo dadka caruurta debada wax ku bari kari waayey dib u soo celiyaan kolkay arkaan kuwii jaamacadaha dalka ka baxay oo diyaarintooda shahaadooyinka sare (Graduate Studies) si fudud ugala tartamaaya ardayda caalamka debadda. Arrintani ma aha arrin dhaqaale hor taaganyahay ee waxa weeye arad waa dan usgagna waa doqoniimo, waa dhisme iyo maamul xumo. Waa in xukuumadda iyo golayaashu iyaga oo kaashanaaya waxgaradka iyo culimada ay qeexaan ujeedooyinka waxbarashada dalka, jiheeyaana oo soo dejiyaan (National Education Master Plan).
Dabadeed qaabdhismeedka ugu haboon loo dhiso maamuladda jaamacadaha, dabadeedna la sameeyo Komishanka tacliinta sare oo ka duulaaya qorshahaa iyo dhismayaashaa iyo raadka uu ku yeelan karo, taas haddii aanay dhicina xaalkeenu wuxu ahaan doonaa walaaq iyo reer ba'aw yaa ku leh jihawareerkaana waynu ku xaafaysan doonaa."
Maxamed Yuusuf Xassan (Iqra) Ph.D
Professor of Statistics
Al Ain,
UAE University
Email: foore@hotmail.com

No comments:
Post a Comment