16 October, 2010

Hoggaanka KULMIYE Oo Baaq U Diray Xubnaha Golaha Dhexe Ee Xisbigaas

Hoggaanka KULMIYE Oo Baaq U Diray Xubnaha Golaha Dhexe Ee Xisbigaas.
 
Hargeysa,(ogaal)- Xisbiga talada haya ee KULMIYE ayaa ka warbixiyay shir ay dorraad yeesheen hoggaanka Xisbigaas iyo mid kale oo ay maanta u ballansan yihiin inay isugu yimaadaan xubnaha Golahooda dhexe, isla markaana wuxuu sheegay in ay Xisbi ahaan Dhaqaalihii ay qaadan jireen ay ka la'yihiin Wasaaradda Maaliyadda, waxaanu xusay in ay qoraal u direen Wasiirka Maaliyadda.

Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Keyse Xasan Cige oo shalay u waramay Wargeyska Ogaal, ayaa ka warbixiyay nuxurka shir ay Isniintii yeesheen hoggaanka sare ee Xisbigoodu, kaas oo la sheegay in nuxurkiisu ahaa sidii ay did-u-eegis ugu samayn lahaayeen wada-shaqaynta Xisbigooda iyo Xukuumadda, mar aanu waydiinay in nuxurka kulankaasi uu ahaa arrimahaas iyo in ay jiraan wax wada-shaqayn la'aan ahi, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, "Way jiraan wax, balse ilaa heerkaa ma joogto wax imika la taaban karo. Laakiin, dareen wuu jiraa." 

Mar aanu Xoghayaha guud waydiinay ujeeddada iyo nuxurka shirka maanta oo Arbaca ah ay isugu imanayaan xubnaha Golaha dhexe ee Xisbigaas iyo in ay ka soo wada-qayb galayaan dhammaantood, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, "Horta la wada heli maayo, balse qaabka loo sheegay imika waa sidii shirweyne oo kale. Laakiin, sidaa maaha ee waa wixii markaa waqti haysta ama magaalada jooga, gobollada iyo degmooyinka. Marka shirweyne la qabanayo, ayaa la isugu yeedhaa, balse wixii magaalada jooga ama Gole dhexe ha noqdo ama golaha fullinta ayaa isku imanaya."

Su'aal nuxurkeedu ahaa in ay jiraan khilaaf ama caqabad soo dhex galay wada-shaqaynta Xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda cusub iyo in shirkani saldhig u yahay arrintaas, ayaa mar uu ka jawaabayay Mr. Keyse, waxa uu yidhi, "Ma jiro wax la odhan karo siyaasiyan waa la iskaga soo horjeedaa, xisbiga iyo xukuumaddu waa isku mid, meel ayuun baa wax loo wada wadayaa, ma dhici karto in wax la kala wado. Laakiin in la is-ogaado oo waxyaabaha la iskaga war hayo, tusaale ahaan haddii imika arrin timaado oo aan anigu si gooni ah u hadlo, wasiirkuna si gooniya u hadlo waa fool-xumo, markaa ujeedadu waa ha is ogaado." Waxaanu sheegay in Shirkani ay xubnaha Xisbiga oo kaliya yihiin ee aanay kala qayb galayn xubnaha Xukuumaddu.

Sidoo kale, mar aanu waydiinay waxa ka jira in Xisbigoodu aanu muddo afar bilood ah wax dhaqaale ah ka helin xukuumadda, ayaa wuxuu sheegay in ay jirto. "Way jirtaa runtii, laba arrimood weeyaan dhaqaaluhu; midi waa kii hore axsaabta uu kala midka ahaa ee la siin jiray, kaas laftigiisu meesha wuu ka maqan yahay ilaa July, kaasi afar biloodkiiba mar ayuu ahaa oo wali muu iman, wax anaga noo gaar ahna maahee waa xisbiyada oo dhan. Xisbiguna miisaaniyad u gaar ah ayuu leeyahay oo loogu talo galay inuu hawl maalmeedkiisa ku qabsado, hadday noqon lahayd safar, hadday noqon lahayd shirar, hadday noqon lahayd xaflad, hawlaas oo dhan, waayo waa xisbi taladii haya oo xidhiidhkiisu wuu badanayaa, kaasina wuu jiraa oo ilaa hadda wasaarada maaliyada wax jawaab ah lagama hayo. Laakiin, waa wax wali la dhawrayo." Ayuu yidhi Xoghayaha guud.

Mar aanu waydiinay in ay wax Qoraal ah u gudbiyeen Wasiirka Maaliyadda iyo in kale, ayaa wuxuu yidhi, "Runtii waanu u qornay, waana loo gudbinay qorshihii dhaqaale ee xisbiga ilaa hadda wax jawaab ah oo wasaarada maaliyada ka soo baxay haa iyo maya midna ma jiro."

Markii Xisbiga KULMIYE ku jiray ololaha Doorashada, waxa uu Bulshada u ballan-qaaday barnaamij siyaasadeed, kaas oo ay sheegeen in ay ku dhaqi doonaan xukuumadda xisbigooda ka soo baxda haddii ay talada ku guulaystaan, sidaasi darteed, mar aanu Xoghayaha guud shalay waydiinay in ay Xisbi ahaan u muuqato in Barnaamijkaa siyaasadeed ay xukuumaddu ka baydhay iyo in kale, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, "Horta xukuumaddu maanta waqti la dhaliilo ma joogto, waayo waa laba bilood, intaana isku bedel ayay ku jirtay, ilaa maantana meelaha qaarkood lama badelin, ha noqoto Wakiillada dibedda. Waxay ku jireen intaas oo dhan kala shaandhayn iyo xil-wareejin. Markaa waqti lagu dhaliili karo oo la odhan karo Barnaamijkiii way qabatay iyo may qaban ma joogno. Waa in fursad la siiyaa oo la yidhaahdaa intee in le'eg ayey hawsha gacanta ku hayeen, markaa anigu uma arko in maanta lagu dhaliilo hawshii way ka gaabiyeen oo barnaamijkii xisbigu doorashada ku galay may fullin."

Xoghayaha guud ee KULMIYE wuxuu ka hadlay oo kale eedayn ka soo yeedhay dhiggiisa Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax. "Markuu leeyahay xukuumadda xisbiga ee kala saarayo wuu ku khaldan yahay oo waxan imika ay xukuumadu waddaa waa barnaamijkii xisbiga, taasna wali waqti lagu dhaliilo ma joogno in kala guur lagu jirana isagaaba caddaynaya, markan uu leeyahay way la dawakheen anigu ma garanayo wax uu uga jeedo, dhibaatooyinkan maanta uu KULMIYE xalinayo hadduu xisbi yahay iyo hadday xukuumad tahayba waxa weeye; xanankii iyo duruufihii uu ka tagay xisbigii UDUB, haddii la dawakhayna waxa lala dawakhay dhibaatooyinkaa uu ka tagay UDUB wasaarado banaan, bangi banaan waa waxyaabo xajiib ah, inta loo gudbaa horumar dheer oo dhible."

Mar aanu wax ka waydiinay cabasho habeen hore ka soo yeedhay qaar ka mid ah Ardayda Jaamacadda Hargeysa oo la xidhiidha lacagta laga qaado oo ay sheegeen in la kordhinayo, maadaama ay ballan-qaadeen in waxbarashada sare ay bilaa lacag noqon doonto, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, "Arrintaasi waa arrin curad ah, waxaana u xilsaaran wasaaradda u qaabilsan xukuumadda. Waxaanan aaminsanahay sidii barnaamijka loogu talo galay ay wasaaraduhuna ugu hawl gali doonaan, markaa waa arrin wasaarada u taala."

Gebo-gebadii, waxa uu Xoghayaha guud baaq u diray xubnaha Golaha dhexe ee Xisbigooda, "Way jirtaa oo waan isugu yeedhay inay beri (maanta) wixii joogaa yimaadaan oo go'aan hogaan ayay ahayd, in la is-ogaado oo la yidhaahdo halkay wax marayaan. Waxaanu doonaynaa in xildhibaanadii KULMIYE ee Baarlamaanka iyo golaha in la isu yimaado muddo ayaa la kala maqnaa in al iswarsado."


Ogaal

No comments: