Hargeysa: Dhawr Guri Oo Xalay Dab Xooggani Qabsaday Iyo Gurmad Aan Hore Loo Arag Oo Laga Galay Bakhtiinta
Hargeysa, October 8, 2010 (Haatuf) - Dhawr guri oo isugu jira sandaqado iyo Buulal ayaa xalay abaara 10:30-kii habeenimo ku shuf beelay degmada Ibraahin Koodbuut ee caasimada Hargysa kadib markii uu dab xoogani ka kacay guryo u dhow Iskuulka 15 May.
Sidda uu ku waramay mid ka mid ah ciidanka ilaalada Hotel Maansoor oo u gurmaday bakhtiinta dabka guryaha qabsay ayaa sheegay in markii ay gaadheen halkaa iyaga oo sita mid ka mid ah qalabka lagu bakhtiiyo dabka ay arkeen dab xoog leh oo holcaya in yar ka dibna waxa yimid gurmad ka soo gaadhay ciidanka bilayska, isla markaana ay la socdaan saraakiisha boolisku, Gaadiidka dab-damiska iyo dadweynaha agagaarka xaafadaasi degan ayaa aakhirkii si weyn ugu guulaystay bakhtiinta dabkii guryahaasi qabsaday.
Lama oga sababta dabka guryahaasi qabsaday ka dhashay, balse sida la sheegay waxa loo malaynayaa in dabkani ka dhashay dhimbiil yar oo dab ah oo girgire ka dibna qabsatay dhar.
"Dabka gurayaha qabsaday anaga (Ilaalada Maansoor) ayaa ugu horayn u gurmaday anaga oo sidana mid ka mid ah qalabka dabka lagu bakhtiiyo, xaafadaha gubtay waa iskuulka 15-ka May ee degmada Ibraahin Koodbuur agtiisa markii aanu gaadhanay waxaanu ka yaabnay dabka oo dhawr guri sandaqado iyo buulal isugu jira oo holcaya, hadaba waxa isla inyar ka dib soo gaadhay gaadiidka dab damiska, ciidanka bilsyka iyo saraakiishoodii kuwaas oo si weyn u bakhtiiyey dabkii oo ay caawinayeen dadweynaha halkaas ku dhawdhaw," Sidaa waxa yidhi mid ka mid shaqaalaha Maansoor, waxanu intaas ku daray "Gurmad weyn oo xukuumada iyo dadweynaha ka socda ayaa u soo gurmaday guryahaasi dabku qabsaday, cid wax ku noqtay ma jirto, balse waxa shuf beelay guryihii"
Si kastaba ha ahaatee waxa xalay hawlgalkaa bakhtiinta dabkaasi guryahaa qabsaday si weyn gurmad uga sameeyay gaadiidka dab damiska, ciidanka bilsyka, Hoteel Maansoor iyo dadweynaha agagaarka dugsiga 15 May ee u dhawaa goobta. Xilligii xukuumaddii hore ee doorashada lagaga helay ayaan dadweynaha ku dhaqan caasimadu arki jirin gurmad sidan oo kale ah marka dab meel qabsado, balse xukuumadaasi marka goobta dabku qabsadaa shuf beesho ay meesha iman jirtay, taas oo ay durba dadweynhu sheegayaan isbedelka arrintan xalay laga dareemayay sida weyn ee gurmadka ay xukuumadu uga gashay bakhtiinta dabkaasi.

HAATUF
No comments:
Post a Comment