Somaliland iyo Puntland oo is weydaarsaday Rag iyo Gaadiid
Ganbadha (TogaHerer):Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maamul Gobaleedka Puntland Somaliya ayaa is weydaarsaday Baabuur iyo rag ay kala hayeen labada Dhinac.
Somaliland ayaa sii daysay laba Baabuur iyo 11 Maxbuus oo budhcad badeed ah oo ay hore Maxkamada Gobolka Saaxil u xukuntay , Halka Puntland ay sii daysay 7 Gaadiid ah iyo shan darwal baabuurta ah oo ay hore u qafaasheen Puntland ka dib markii ay raashin ay leedahay WFP geeyeen halkaas iyaga oo gaadiidkaa u afduubtay Ragaa ay Somaliland qabtay ee budhcad badeeda ahaa maxkamaduna ay xukuntay.
Gaadiidkan ayay Puntland haystay una afduubnaayeen Darwaladaasi in ka badan Muddo Sanad ah iyaga oo ku haystay Deeganada Hobyo .
Ragan iyo Gaadiidkan ayaa la isku waydaarsaday tuulada Ganbadha oo u dhaxaysa Laascaanood iyo Garoowe saaka subaxdii waxaana la kala wareegay Odayaal Dhaqameed Puntland ka socoday iyo Badhasaabka Somaliland ee Gobolka Sool Maxamed Jaamac Diiriye.
Sii deynta Budhcad Badeedkan lagu badashay Raga iyo Gaadiidka Somaliland ee la qafaashay laguna qafaashay gudaha Puntland ayaa ka danabaysay ka dib markii Ay xukuumada Somaliland u fidisay Kooxdaa Budhcad badeedka ah hore maxkamadi ugu heshay fal budhcad badeednimo maxkamadina xukuntay Saamaxaad uu u fidiyey M-weyne Siilaanyo.
Warqabadka ToggaHerer
Hargeysa
No comments:
Post a Comment