| Wasiirka Maaliyada Eng: Maxamed Xaashi Oo Noqday Wasiirka Ugu hadalhaynta Badan Qurbaha. |
Magaalada Manchester oo aan booqday ayaan kula kulmay Cabaase Xuseen Aadan oo degenaa muddo 28 sanno ah waddanak Ingiriiska isla markaana ka soo jedaa Gobolka Sool, isagoo ka hadlaaya Wasiirka uu ilaa hadda la dhacsanyahay ayaa wuxuu yidhi. "Labatankii sanno ee ugu danbeeyay waxaan la socday siyaasadda Somaliland, runtii ragg badan oo wax qabad leh ayaa ku jira dawladda cusub, lakiin Eng: Maxamed Xaashi ayaan odhan karaa waa wasiirka wasiirada, waxaan sidaa u leeyahay muddo laba bilood ka yar ayuu hadda xafiiska joogay, wuxuu muddadaas soo bandhigay wax qabad la taban karo, waxaan waliba ka rajaynayaa in hadduu xafiiska joogo laba sanno Somaliland laga dareemi doono wax qabad ballaadhan, xagga gobolka Sool oo aan ka soo jeedo maanta isna rajo badan ayaan u filayaa, waayo cashuurta Maxamed Xaashi qaado waxaan rajaynaya inuu gobolada u simidoono wax qabadkeeda".
Magaloyinka aanu qiimaynta ka samaynay waxaa kamid ah Birmingham, London, Sheffield, ku waas oo kamid aha gobolada ay ugu badanyihiin jaaliyadaha Somaliland, waxayna intooda badan dadku carabka ku hayaan Wasiirka Maaliyada yagoo mar marka qaar is barbar dhigaaya Wasiirkii hore ee wasaarada Xuseen Cali Ducaale (Cawil) Iyo Eng; Maxamed Xaashi. Hooyo Ardo Xasan waxay ka midtahay dadka degen Sheffield waxayna tidhi yadoo la dhacsan musharada uu bixiyay wasiirku, " Hooyo dalka lacagi waytaalay ayaa laygu yidhi ee Maxamed Xaashi ayaa ka dhinaa"
Si kasta oo ay tahay markaad u kuur gasho Wasiirka ugu hadalhaynta badan golaha wasiirada Madaxweyne Axmed Silaanyo ayaa la odhankara waa Eng: Maxamed Xaashi Cilmi, waxaana arrintaas u samaxday ayaa la odhankaraa muddo yar oo uu soo bandhigay dhaqaale lagu qancikaro. Lasoco todobaadyada danbe qormadan oo taxane noqon doonta, isla markaana aanu marba ku soo qadan doono Wasiirka ugu hadalhaynta badan waddamada Qurbaha.
Muniir Axmed Cigaal
Hadhwanaagmedia England/Uk.
Email muniir10@gmail.com
No comments:
Post a Comment