20 September, 2010

Faallo: Berbera – Maamul Hagaagsan Ayay Dekedda U Baahantahay

Waxa jiray cabashooyin muddo dheer soo jiitamayay oo ka imanayay qaabka loo maamulo dekedda Berbera. Cabashooyinkaas oo ay ugu muhiimsanaayeen maamulka guud ee dekedda iyo tartanka ay kula jirto dekedaha mandaqadda iyo ta kale oo ahayd cashuuraha ka soo xerooda dekedda oo aan soo gali jirin khasnadda dhexe ee xukuumadda.

Iyada oo haddaba xukuumaddan cusub laga sugayo inay nidaam haggaagsan u dejiso dekedda, ayaa waxa soo baxaya hadalo laga soo weriyay maareeyaha dekedda oo walaac ku abuuray dad badan. Gaar ahaan maareeyaha oo u warramay saxaafadda uguna jawaabay Wasiirka Maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi iyada oo ay ka haboonayd inuu arrintan la sugo wasiirka Wasaarada Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badaha ee Kenya ugu maqan socdaalka.

Arrinta kale ee werwerkeeda leh ayaa ah sida maareeyuhu u macneeyay awooddiisa. Hadal laga soo wariyay maareeyaha oo lagu daabacay shebekadda Hadhwanaagnews ayaa u qornaa sidan:

"Shaqada dekedu waa wax mar kasta taagan oo  24-ka saacadood-ba soconaysa. Qalabka dekedu ku shaqaysaa waa mid qaaliya, waxa ka xumaada lacag qaaliya ayaa lagu soo iibiyaa, markaa waxaanu u arkaynaa in aanay wakhtigan munaasib ku ahayn, maadaama dekeda qaar ka mid ah qalabkeedu xun-yahay, qalab cusub iyo hagaajina u baahan-tahay, markaa wasaarada Maaliyadu in aanay dabooli Karin ayaanu filaynaa".

Haddii hadalkaasi yahay sida lagu soo weriyay maareeyuhu wuxuu meelmarinayaa jahwareer ku yimaadda hanti ururinta xukuumadda gaar ahaan shaqada Wasaaradda Maaliyadda iyada oo hadalkiisu dhiirigalin karo in laysku khaldo oo aan la kala saarin:

  1. Cashuuraha Xukuumadda
  2. Miisaaniyadda Gaarka ah ee Dekedda

Labadaasi waa laba kala duwan oo aan laysku khaldi karin, waana khatar weyn in laysku dhex walaaqo cashuurta laga qabto dekedda iyo miisaaniyadda u gaarka ah dekedda.

Cashuurta Xukuumadda

Dhibaatada dalka ka taagan ee lunsiga hanti xukuumaddu waxa horseed ka ah isku milanka cashuuraha lagu qabto magaca xukuumadda iyo kharashaadka lagu daboolo baahiyaha laamaha xukuumadda sida dekedda. Cashuurta xukuumaddu meeshii ay doontaba ha ka timaado e waa cashuur xukuumaddeed iyada ayaana go'aamin karta sida loo isticmaalayo. Cashuurtu marka la qabto ee ay ka soo baxdo gacanta muwaadinka ama shirkadda laga qaaday ayay noqotaa hanti xukuumadeed mana jirto wakhti ay tahay hanti waaxeed ama hanti dekedu leedahay oo ay ka yeeli karto sidii ay doonto. Maareeyuhu waa inuu taas fahmaa, haddii maareeyihii hore iyo xukuumadii hore sidaa u shaqayn jireenna ay ahayd khalad iyo dembi laga galay qaranka in wakhti wakhtiyada ka mida la leexiyo cashuurta xukuumadda.

Dekedda Berbera iyo Miisaaniyaddeeda

In maareeyuhu ku hadlo hadallo laga dhadhansan karo inuu awood u leeyahay uu ku dejiyo miisaaniyadda dekedda iyada oo aan cidina ansixin, kadibna uu kala hadho cashuurta dekedda lagu qabto waa arrin khatarteeda leh. Khatarta ugu weyn ee ka imanaysaana waa hanti lunsi aan la qiyaasi karin ama aan xal loo heli karin maadaama haddii taas la oggolaado ay ka dhigantahay in maareeyuhu isagu isu go'aaminayo baahiyaha dekedda mid jirta iyo mid aan jirinba, isuna ansixinayo wixii uu kala hadhi lahaa cashuurta qaranka ee dekedda lagu qabto.

Haddii maareeyuhu awood u leeyahay inuu cashuuraha dekedda kala hadho wixii uu doono, markaa Bangiga dhexena wuxuu awood u yeelanayaa inuu lacagaha la dhigto uu kala baxo wixii uu doono kadibna uu ku macneeyo inuu wax kaga qabanayay baahiyaha Bankiga ka jira. Haddii taa la oggolaado waxa dhici doonta jahwareer ah in laankasta oo xukuumada ahi ay iyadu go'aamiso inta baahideedu leegtahay (dejisato miisaaniyaddeeda) kadibna markasta oo ay haleesho dakhli dawladdu leedahay ay kala hadho lacagta ay sheeganayso. Baahiyaha ka taagan laamaha dawladda waxa lagu daboolaa kharashka loogu daray miisaaniyadda sida la wada ogyahayna miisaaniyadda waxa dejiya Wasiirka Maaliyadda waxana ansixiya Golaha Wakiilada. Baahida keentay in nidaamkaas la raaco waa la fahmi karaa inay tahay ka hortagga musuqmaasuqa.

Xukuumaddu haddii ay oggolaato in madaxda laamaha dawladdu ay qiil u samaystaan xorna u noqdaan dejinta baahidoodu inta ay leegtahay hubaal waxa furmaya albaabkii lagu lunsanlahaa handita xukumadeed iyada oo hantidaas lagu dhex qariyo lana samaysto baahiyo aan kala go' lahayn ama soo noqnoqda oo maamulka sare aanuu caddayn karin jiritaankooda maadaama aanuu goobjoog ka ahaan karin dhamaan goobaha lagu qaado cashuuraha. Haddaba waxa laga maarmaan ah in maareeyuhu fahmo in ay kala duwantahay miisaaniyadda gaarka ah ee dekedda loo qoondeeyay iyo dakhliga qaranka ee dekeda ka soo xerooda oo aanuu isku darin labada. Haddiii ay jiraan baahiyo degdeg ah oo la soo gudboonaaday dekedda, ma noqon karaan kuwo keena in laga tallaabsado nidaamka sharcigu dhigayo sidaa darteed waa in baahidaas laga soo wargeliyo Wasiirka Maaliyadda si uu xal ugu helo.

Maxaa Xukuumadda la Gudbood

  1. Haddii ay dhab tahay ismaandhaafka ka dhashay cashuurta dekeddu, xukuumadda waxa la gudboon in cashuuraha dalka soo gala ay meel qudha wada mariso, haddii ay jirto sabab aan taa saamaxay (walow aanay muuqan sabab caynkaas ahi) waa inay xukuumaddu caddaysaa baahida keenaysa in cashuur gaar ah la mariyo meel ka duwan khasnadda dhexe.
  2. Xukuumaddu waa inay si cad oo aan mugdi ku jirin u kala saartaa miisaaniyadaha laamaha dawladda iyo cashuuraha dalka oo aan labadaas laysku khaldin si meesha looga saaro musuqmaasuqa dalka ku baahay.
  3. Si meesha looga saaro tuhunka soo jireenka ah ee cashuurta laga qabto dekedda Berbrea, xukuumaddu waa inay dadweynaha ka qancisaa qaabka dekeddu u shaqayso iyada oo samaynaysa nidaam muuqda oo lagu maamulo dekedda dadweynuhuna ku qanci karaan.


View article...

No comments: