14 September, 2010

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Baabuur Ciidanka Qaranku Leeyahay iyo Jaadle Isku Dhacay

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Baabuur Ciidanka Qaranku Leeyahay iyo Jaadle Isku Dhacay

Galoolley(Togaherer.com):- Hal Askari ayaa ku dhintay, afar kalena way ku dhaawacmeen, ka dib markii Gaadhi Tigniko ah oo leeyihiin Ciidanka Qaranka Somaliland, kaasoo ay isku dhaceen Baabuur Qaad siday oo noociisu yahay ka loo yaqaanno Shamboo.

Isku dhaca labadaas Baabuur, waxa ka dhashay khasaare isugu jira dhimashada hal Askari iyo dhaawaca afar Askari oo kale, kuwaasoo ka wada tirsanaa Ciidammada Qaranka. Gaadhiga Tignikada ah oo Qori saarnaa, ayaa dhacay ka dib markii Baabuurka Jaadka siday ay is galeen Deegaanka Galoollay oo u dhexeeya magaalooyinka Gabilay iyo Arabsiyo ee Gobolka Gabilay goorgaaban oo shalay ahayd.

Baabuurka Tignikada ah, ayaa ka mid ahaa Ciidammo Millatari iyo Boolis isugu jira oo shalay u ambabaxay goobaha la sheegay inay Ciidammada Somaliland ku horfadhiyaan Malleeshiyaad 10-kii bishan ka soo degay Dekad Dabeeci ah oo ku taalla deegaanka lagu magacaabo Buullo-caddo, si ay u xoojiyaan Ciidammo kala duwan oo Buurta Libaaxley ee Gobolka Selel.

Dhaawaca Afarta Askari iyo Askariga dhintay Maydkiisa, ayaa xalay la keenay Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa.


Togaherer.com

Hargeysa/Somaliland.

No comments: