06 August, 2010

"Waxan Qeexayaa Inaan Leeyahay Han Iyo Damac Siyaasadeed Oo Halkan Aan Taaganahay Iyo Meel Ka Sii..

“Waxan Qeexayaa Inaan Leeyahay Han Iyo Damac Siyaasadeed Oo Halkan Aan Taaganahay Iyo Meel Ka Sii..

 “Waxan Qeexayaa Inaan Leeyahay Han Iyo Damac Siyaasadeed Oo Halkan Aan Taaganahay Iyo Meel Ka Sii Sarraysaba Illaa Madaxweynaha Dalka Inaan Isku Soo Taago Ah”

Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Casiis Maxamed Samaale, ayaa markii u horaysay shaaca ka qaaday in uu ku talo jiro in uu mustaqbalka dhaw musharax ka noqdo xisbiga talada haya ee KULMIYE.

Waxa kale oo uu ka hadlay arrimo badan oo la xidhiidha dhismaha dawlada cusub iyo khilaafyadii hore u dhexmaray isaga Iyo Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Md C/casiis Maxamed Samaale waxa uu sidaas ku sheegay mar uu xalay u waramayay Telefishanka caalamiga ah ee Horn Cable TV, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “Xisbiga KULMIYE aasaaseyaashiisii ayaan ahaa illaa imikana dareenkaygu waa xisbigaas. KULMIYE siyaasadihiisa ayaan runtii dhisayaa, laakiin wakhtiga soo socda iyo qaybka ka sii warami maayo, Waanse qeexayaa inaan han iyo damac siyaasadeed leeyahay oo ah halkan aan taagan nahay iyo meel ka sii sarraysaba illaa Madaxweynaha dalka inaan isku soo taago ah, laakiin wakhtigeedii ma aha maanta oo lama joogo,” ayuu yidhi Md. Samaalle oo ka jawaabayay su’aal ahayd inuu ummadda u soo bandhigo hankiisa siyaasiga ah.

Guddoomiye Xigeenka koowaad ee Wakiilada oo ka hadlay kulan qado sharaf ah oo ay doraad Madaxweynaha cusubi u sameeyay Xildhibaanada Golaha Wakiilada, waxaanu kulankaasi ku sifeeyay mid isbarasho ahaa isla markaana lagu darsayey sidii Xukuumada iyo Goleyaasha sharci dejintu ay u yeelan lahaayeen xidhiidh wada shaqayneed oo hufan.

Md. Samaale oo ka hadlayay dareenkiisa ku wajahan dhismaha xukuumadan wuxuu yidhi “Madaxweynaha waxaan ku ammaanayaa, Tallaabooyinka uu qaaday dhismaha xukuumada cusub ee la xidhiidhay Guddiyadii uu magacaabay ee ka soo tallo bixinaysay qaabka xukuumada loo dhisayo. Guddiyadaasi oo tallo bixintooda ku sheegay in la yareeyo oo la koobo tirada xukuumada cusub isla markaana la dhiso xukuumad tayo leh. xukuumadani waa labaatan Wasiir iyo 6 Wasiir Ku Xigeen, halkii Xukuumadii hore ka ahayd lixdan Wasiir oo isugu jiray 26 Wasiir, 10 Wasiirul dawle iyo Wasiir Ku Xigeeno. xukuumadan way ku jiraan dad aad u aqoon leh oo waayo aragnimo iyo xirfad u leh hawsha loo dhiibay.waa hubaal in shaqo kasta oo la qabtaa aanay 100% Dadka wada raali gelin. Waxaan isleeyahay intii ugu badnayd wixii shacbigu doonayay oo tayo iyo tiro kooban ahayd way ka muuqataa xukuumadan.”

Guddoomiye Ku Xigeenka oo la weydiiyay khilaafyadii soo hore u dhex maray Madaxweynihii hore ee xilka wareejiyay Md. Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu ku jawaabay “Madaxweynihii isku dhacyo badan oo na dhex maray ayaa jiray, Anigu horena waan u sheegay oo colaad shakhsi ah oo sifo shakhsi ah nooga dhaxaysay runtii may jirin, danta dalka sidan ayaa wanaagsan iyo sidan ayaa wanaagsan ayuun bay ahayd way jirtay runtii khaladaad badan oo si shakhsi ah xukuumadii tallada haysay xataa Saxaafadii qaranka ee ummaddu wada lahayd haddii ay idaacada Radio Hargeysa tahay iyo haddii ay TV-ga qaranka tahayba sifo khaldan oo magac dil iyo sumcad dilka magaca C/Casiis oo si khaldan ula dagaalamayeen way jirtay. Laakiin waxaan isleeyahay waxaad ka sii qaaday sharaf oo sharafta qofka iyo karaamadiisa qofna waxba ma yeeli karee, waxaan isleeyahay Saxaafadii qaranka muddo yar ka hor bishii ololihii doorashada, waxaad ogaydeen in Radio Hargeysa ay arrimo khaldan iga sheegeen oo ay islahaayeen halagu dhaawaco sharaftayda iyo ta xisbiga KULMIYE sidii ay ugu tallo-galeen si ka duwan ayay u dhacday.”

“Waxaanse Anigu jecelahay inaan halkan ka caddeeyo inaan saamaxay madaxweynaha Anigu dhinacayga oo waliba maalintii uu xilka wareejinayayna aanu kaftanay. waxaan jecelahay inaan ummadda u sheego inaanay jirin wax xumaan ah oo si shakhsi ah Aniga iyo madaxweynihii hore nooga dhaxeeyay”ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyey C/casiis Samaale.

Xigasho: Haatuf

 

No comments: