Boobkii Hantida Qaran oo Loo Malaynayo Inay Imika soo Ifbaxday
Wararka ka imanaya Hargeysa ayaa sheegaya inay caasimadda ku sugan yihiin qaar ka mid ah ganacsatada reer Boorama oo sita jeegag lagu qoray boqolaalkun oo Doolar, kuwaasoo loola tegey wasaaradda maaliyada si jeegaggaasi loogu beddelo lacag caddaan ah.
Wararkan oo ilaa saddexdii casho ee ugu dambaysayba soo noqnoqonayey ayaa sidoo kale la sheegeyaa inay jeegaggaasi oo kasoo baxay ama ku saxeexan yihiin qaar ka mid ah masuuliyiintii hore ee dalku, ku qoran yihiin lacag tiradeedu ka badan tahay ku dhawaad 400,000 oo doolar haatan loola tegey wasaaradda maaliyadda si lacagahaasi loo siiyo ganacsatada la sheegay inay ku qoran yihiin magaca jeegaggaasi, kuwaasoo u badan ganacsato reer Boorama.
Lacagtan ku qoran jeeggaggan ayaan sidoo kale ilaa imika aan caddayn loo hayn waxa lagu qaatay ama dawladda lagaga iibsaday, balse la tuhunsan yahay inay la xidhiidho kharashyadii ku baxay ololihii doorashooyinka ee xisbiga UDUB, hase yeeshee guuldaradii xisbigaasi kasoo gaadhay doorashooyinkii 26ka Juun ay gancsatadii laga deynsaday kharashyadaasi ama iyagu ugu deeqay xisbigaasi jeegggaasi loogu qoray xukuumdda cusub, balse ilaa imika aanay waxba uga suurtagelin dhinaca xukuumadda cusub sidii ay dib ugu heli lahaayeen lacagahaasi.
Warar kale ayaa iyaguna sheegeya in jeegaggaasi yihiin kuwa xukuumaddii dhacday masuulyiin ka tirsani lacag kaga doonayaan dawladda cusub isla markaana ganacsatada wadata jeegaggaasi yihiin uun dilaaliin ka dhex macaashaya cidda jeegagga magacoodu ku qoran yahay iyo cidda loo igmaday inay xukuumadd cusub kasoo faramaroojiso lacagahaasi.
Inkastoo oo aan la ogeyn lacago intaa le'eg oo reer Boorama ganacsato ka mid ahi sheegayeen wakhtigii ololaha , sidaa darteedna loo qaadan kara uun inay jeegaggaasi yihiin shax kale oo la doonayo in cidhiidhi dhaqaale lagu geliyo xukuumadda cusub, isla markaana shaqadeedu noqoto sidii ay u bixin lahayd uun deymo aan la ogeyn waxa loo galay inay ahayeen dan umadeed iyo inay ahayd uun boobkii lagu hayey xoolaha umadda .
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Xigasho: Lughayanews-Borama

No comments:
Post a Comment