Hargeysa (HWN)- Agaasimihii xarunta dhexe ee xisbiga kulmiye Maxamud c/laahi Xarbi ayaa si rasmi ah xilkii uu xarunta dhexe ka hayay ugu wareejiyay xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye Keyse Xasan Cige.
Mr. Xarbi oo muddo ka badan sideed sanadood xilkan soo hayay ayaa markii aanu ogaanay in xilkaas uu iska wareejiyay ay shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews la xidhiidhay, waxaanu tilmaamay in uu daalay isla markaana uu doonayo in haatan wixii dambeeya uu iska nasto.
Waxa kale oo uu intaas ku daray isla markaana uu ka dhawaajiyay in xukuumada madaxweyne siilaanyo haddii uu liiskiisa ku soo daro iyo haddii kale labadaba uu la shaqayn doono.
Ugu horeyn waxa aanu waydiinay bal in uu noo sheego wakhtigii uu qabtay xilkan uu maanta wareejiyay waxaanu yidhi isaga oo su'aashaas ka jawaabaya "Walaal xilkan waxa aan qabtay maalintii diiwaangelintii ugu horeysay ee urarada siyaasiga ahi ay dhamaatay ee labadii bilood lagu daray bishii March 2002, waxaanan xilka si rasmi ah u qabtay 28-kii bishii may 2002, waxaanan furay xaruntii ugu horeysay oo aan agaasime ka noqday, xaruntuna waxa ay ahayd waqooyiga xawaalada dahabshiil"
Mar xarbi ayaa mar uu ka jawaabay su'aal ahayd bal hawlaha uu qaban jiray kuwa ugu muhiimsanaa waxa uu yidhi "Maamulka xarunta dhexe wuu balaadhan yahay,hadana xisbigu waa dawladii oo dhan, marka aad xarun ahaan gudaheeda eegtana waxa ku dhan shaqaalihii xafiisyada sida daabacada oo kale, qoraaladeedii lahaaye, nadaafadeedii, qalabaynteeda lahaayee, biyaheeda lahaayee, calankeeda iyo qurxinteeda lahaayee, diyaarinta xafladaha iyo shirarka, waxaanan ahaa xoghayihii gaarka ahaa Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Mud. Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo oo hada ku guulaystay doorashadii madaxtooyada."
Mar aanu waydiinay bal intii uu xilka hayay wakhtigii ay ugu darnayd ee soo marta ayaa waxa uu yidhi "Initii aan xilka hayay waxa ay iigu darnayd doorashadii dhawaan dalka ka dhacday ee uu xisbigayaga Kulmiye ku guulaystay tii ka horeysay, Markii ay saacadu 11kii ahayd ee la yidhi waad hesheen, 12-kiina la yidhi waa la idinka helay ayay horta aniga iigu darnayd, waxaanan ilaa iyo iminka xasuustaa doorashadii oo aan dhamayn oo lagu dhawaaqay, waxaana ilaa hada igu qufulan sanduuqii bali calanle"
Isaga oo ka jawaabaya bal waxa uu xisbigiisa kulmiye uu ku xasuusto ayaa waxa uu yidhi "Kulmiye waxa aan ku xasuustaa, xisbi mucaarad ah oo adkaysi badan oo nabadgalyada ilaalin og, tusaale hadii aan kuu soo qaado xisbi mucaarad ah oo xaruntiisii la weeraray, xisbi mucaarad ah oo isaga oo banaan baxaya dadkii la rasaaseeyay, xisbi mucaarad ah oo madaxdiisii xabsiga loo wada taxaabay, xisbi mucaarad ah oo guddoomiyihiisii rasaas lagu riday, oo aan intaas oo dhan wax hadal ah ka keenin isla markaana nabadgalyada ilaalinaya, taas ayaa ugu wayn waana ta aan maanta uga fadhiyo xisbiga mucaaradka ahi uu nabadgalyada ilaaliyo"
"Madaxweyne siilaanyo waxa aan ku xasuustaa in uu yahay oday wayn oo siyaasi ah, ta noogu darani waxa ay ahayd xisbi mucaarad ah oo 8-sano soo socday, oo intaas oo dhan dawlad uu maamulkoodu u dhan yahay la soo tacaalaysay isla markaana halgan kula jirtay, hadii uu muran iyo buuq na soo kala dhex galo waxa uu ahaa shakhsiga keliya ee isagu lagu noqdo talada oo dhan dib loogu celiyo, intayada murantay oo dhamina waxa uu ahaa ka keliya ay isu soo taagayaan isla markaana xalinaya"
Waxa kale oo aan ku xasuustaa xisbi mucaarad ah oo jeebkiisa muddo 8-sano ka badan la soo isticmaalayay, marka kirada, laydhka iyo biyaha laga bixiyo ee ay dhamaato waxa uu ahaa ka keliya ee aanu u noqono, isaga (Madaxweyne Siilaanyo," ayaa laga heli jiray wax dadka iyo hawsha lagu kala furfuro" ayuu yidhi Xarbi mar uu ka jawaabayay su'aal ahayd maxaad ku xasuusataa Madaxweyne siilaanyo wakhtigii uu ahaa guddoomiyaha xisbiga kulmiye.
Waxa kale oo aanu waydiinay haddii ay intaas oo dhan mucaarad soo ahaayeen, bal daynta lagu leeyahay xisbiga ee isaga lagala wareegay waxaanu yidhi "Xisbiga taladada dalka ahaa ee muxaafidka ahaa waxa igu maqaalo in xoghayahedii guud maxakamada looga yeedhay oo lacagayoow faro badan lagu eedeeyay, laakiin xisbiga kulmiye ee aan anigu xaruntiisa dhexe joogay waxa aan wareejin shan dollar oo ay nagu leedahay shirkada xashiishka gurta ee UDHIS, wax dayn ah oo lagu leeyahayna ma jirto, shantaaa dollar ee daynta ah iminka ayaa loo samaynayay Voucherkeedii."
"Maya walaalo cadho ma jirto, xisbigii kulmiye ka mid baan ahay, hogaanka cusub ee hada xisbiga lagu wareejiyay ee uu Muuse Biixi guddoomiyaha ka yahayna waan la shaqaynayaa, waan daalayoo, marka uu qofku in badan soo shaqeeyana way ku qurux badan tahay in ay dhalinyaro firfircooni hawsha ka nasiyaan, waxaanan noqon doonaa haddii alle yidhaahdo guddoomiyihii xisbiga kulmiye aasaasay wuxuu ahaa Axmed Siilaanyo, guddomiyihii ugu horeeyay xarunta dhexe aasaasayna Xarbi ayuu ahaa, guddoomiye ku xigeenkii 1-aad ee la doortayna muuse biixi ayuu ahaa" sidaas waxa uu kaga jawaabay su'aal ahayd bal dareenka uu xilka ku wareejiyay.
Waxa kale oo aanu waydiinay bal haddii uu xilkan wareejiyay dhinaca uu socdo waxaanu yidhi "Meel aan iminka farta ku fiiqayaa ma jirto, siyaasadiisana waxaabad moodaa in uu madaxweynuhu, xisbigiiba in aan cidba xukuumada kaga darin ee uu gaar ka dhigay, markaa haddii aniga xil la ii dhiibo xukuumadii aan soo halgamayna waa alxmadu lilaah, haddii kalena sidaas ayaa xisbigayga iyo xukuumadaba ku taageersanahay oo aan guul ugu rajaynayaa" ayuu hadalkiisa ku soo afmeeray.
No comments:
Post a Comment