MAAMULKAASI WAXA WADA KOOX YAR OO LABA ISIM AH, AXMED SIILLAANYO ILMAABTI BAANU NAHAY WAX CADAAWAD AHINA NAGAMA DHAXAYSO
Hargeisa-Siyaasiga ruug cadaaga ah ee Axmed Cabdi Maxamed Xaabsade ayaa sheegay in si wayn looga fiirsado cida madaxwayne Rayaale culayska ku saartay sii daynta maxaabiista falfalka argagixiso ku xukuman, isagoo intaa ku daray in hindisaha maamulka Sool, Sanaag iyo Cayn ay ku hawlan yihiin Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mid ah Garaaradada Sool, kuna tilmaamay arin aanaan aan ka suura galayn deegaanadaasi.
Siyaasiga Axmed Xaabsade waxa uu Komishanka doorashooyinka uga digay in cidna aanay u xaglin natiijada doorashada madaxtooyada ee dalka ka dhici doonta 26-ka Juune 2010.
Mr Xaabsade waxa uu sidaa ku sheegay waraysi khaasa oo uu wargeyska Haatuf shalay kula yeeshay Hargeysa, taas oo sidoo kale kaga hadlay arimo la xidhiidha shaqaaqadii ka dhacday Buuhoodle iyo furista asxaabta siyaasada, waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:-
S: Madaxwayne Rayaale waxa uu dhawaan sheegay in safarkii ugu danbeeyey ee uu kaga soo laabtay Faransiiska dawlada shisheeye ay culays ku saareen in uu sii daayo maxaabiista falalka argagixiso ku xukuman ee ku xidhan xabsiyada dalka, arinkaasi sideed u aragtaa?
J: Arintaasi ummadu dhagahay u wada taagaysaa maxaa yeelay argagixisadu waa tii wax kharibtay, ha la sii daayo cida tidhi maanaan garan, cida odayga ku tidhi argagixada ha la sii daayo arinkaasi aad ha looga fiirsado oo ha looga taxadiro.
S: Sideed u aragtaa kooxaha Somaliland diidka ah ee ku hawlan samaynta maamul ka madaxbanaan Somaliland SSC, iyagoo wakhtigan xaadirka ahna ururiya maleeshiyo beeleedyo weerar ku soo qaada Somaliland?
J: Maamulkaasi waxa weeyi waxaan raad weyn lahayn oo dadkuna aanay isku raacsanayn oo kooxyar oo laba Isam ah ayaa wada, isimadii kale oo dhami way ku gacmo saydheen, labadaasi waxaan u arkaa in xumaan iyo abaabul aan meel gaadhayn ay wadaan.
S:Labadaa Isim ee aad sheegtay inay abuulayaan hindisaha maamulkaasi ma noo sheegi kartaa xubnaha ay yihiin?
J: Haa, waa Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo kaliya, Garaadka Baharsame iyo Garaadka Jaamac Siyaad.
S:Adigu marna ma kala hadashey Garaadada arimahaasi ay kaga soo horjeedaan Somaliland?
J: Ismaanaan arag Garaad Jaamac Garaad Cali, laakiinse Garaadka kale waanu is aragnay waxaanu noo sheegey inaanu Somaliland diidanayn, balse uu diidan yahay ashkhaas ka mid ah oo uu rabo inay si toosa u wada hadlaan Rayaale laakiin aanay suuro galin.
S: Wakhtigan xaadirka ah oo la gudo galayo ololihii doorashada madaxtooyada Somaliland, hadii garaadada Sool ay ku adkeysteen ku dhawaaqida maamulkaa iyo maleeshiyaadka ciidan ee ay abaabulayaan miyaanay arintaasi keeni Karin isku dhac iyo xaalad amaan daro?
J: Markastaba isku dhac wuu imanayaa, nimanku dalkoodii bay joogaan ha yaraado taageerada ay haystaane qalaanqal way samayn karaan, laakiin niman wax badali kara maaha.
S: Shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Buuhoodle ee khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca keentey ee ka dhalatay iska hor imaadkii dhexmaray dadka deegaanka iyo ciidamada Itoobiya maxaad ka odhan lahayd dhacdadaasi?
J: Arintaasi waxay ahayd shil dhacay oo aan loo baahnayn, wuxuu ka bilaabmay niman yar yar oo qaadlayaal ah oo doonayey inay Itoobiya u gudbaan oo loo diiday dabadeed halkaasi ayey habadi ka bilaabantay, arintiina magaaladiibay ku fiday, dagaalkiina wuu balaadhay labada dhinacba dhimasho way soo gaadhay, laakiinse hada rag waawayn baa meeshii yimid oo arintii gacanta ku qabtay dabadeed waxa la gaadhay heshiis in wixii la kala hayeyna dib la iskugu celiyo nabad galyo buuxdana shaqaaqadii dhacday lagu soo afjaro.
S: Hawshii badalaada kaadhadhka ee codbixinta doorashada madaxtooyada ee dalka ka dhicidoonta 26-ka June sanadkan waa gabo gabo diwaangalintii dalka ka dhacday 2008-dii, dalkana waxaad ku tilmaamtaan siyaasiyiintiina ka soo jeeda Sool, Sanaag bari iyo Buuhoodle ha lagu celiyo diwaangalintii, arinkaasi maxaad ka odhan lahayd?
J: Horta markii horeba diwaangalin buuxda lagama qaban Sool iyo bariga Sanaag 20% lama diwaangalin dadka ku dhaqan deegaanadaasi, hase yeeshee arintan kaadhadhka cusub ee codbixinta doorashada waa la qaatay Insha Allaahuna dadku foodkooda way dhiiban doonaan.
S: Maadaama siyaasi miisaanleh aad tahay ololihii doorashada madaxtooyadana la gudo galayo, kuna tartamayo sadexda xisbi UDUB, KULMIYE iyo UCID maxaa ilaa hada kaa hortaagan inaad xisbi ku biirto ee goonida kaa dhigay?
J:Anigu wakhtigan xaadirka ah doorasho ma galayo, diyaarna uma yihi, hadana xisbiga aan galaa wax macno ah ii samayn mayso, waxaanse anigu go'aansaday inaanan wakhtigan xisbi galin, laakiin kolay siyaasada dalka taladeeda wax waan ku leeyahay oo waajib bay igu tahay.
S: Musharaxa jagada madaxwaynaha xisbiga KULMIYE u sharaxan doorashada madaxtooyada Axmed Siilaanyo oo lagu tilmaamo inaydin Ilmaabti tihiin ma cadaawad siyaasadeed ayaa idinka dhaxaysa xaga afkaarta, xidhiidhse ma idinka dhexeeyaa labadiina?
J: Horta xidhiidh wuu na dhexmaraa, muxuu noo shexmari waayey, Axmed Siilaanyo-na Ilmaabtina waanu nahay saaxiibna waanu ahaan jirnay wax cadaawad siyaasiyeed ahina nagama dhaxayso, laba nin oo ehel wada dhalasho ka dhaxaysana waanu nahay.
S: Marka la eego siyaasiyiintiina Sool, Sanaag bari iyo Buuhoodle musharixiinta ku tartamaya doorashada madaxtooyada iyo hogaanada sare ee sadexda xisbi qaran kama muuqataan ma la odhan karaa siyaasiyiintiina beelaha Harti ayaa ka gaabiyey inaydin ka qayb gashaan tartanka doorashada asxaabta?
J:Markii hore ee asxaabta siyaasada la dhisayey Dhulbahante wuu ka maqnaa rag da'yar oo iska joogay mooyaane waa laga maqnaa, markii distuurka qaranka aftida loo qaadanayeyna kamay qayb galin, wakhtigan xaadirka ah wixii ka danbeeya waa laga mid noqon doonaa oo waa laga qayb gali doonaa tartanka doorashooyinka.
S: Xisbiga KULMIYE waxa uu barnaamijkiisa ku cadeeyey hadii uu doorashadan madaxwaynaha ku guulaysto inuu furi doono ururadii siyaasada oo doorashada ugu soo horaysa ee golayaasha deegaankana ururo iyo asxaaba loogu tartami doono wax damac ahi ma kaaga jiraa inaad urur siyaasiya ku dhawaaqdo?
J: Hadii asxaabta siyaasada la furo talaa imanaysa, taladaana kolay waanu ka qayb galaynaa ama xisbi furan aan galno ama urur aan u madaxbanaanahay aan furtee Insha Allaahu talada siyaasada waanu ka qayb galaynaa.
S: Maadaama wakhtigan xaadirka ah ay dalka ka qayb galayso doorashadii madaxwaynuhu Komishanka maxaad talo iyo tusaale u soo jeedin lahayd?
J: Komishanka waxaan leeyahay waxa la idin saaray xil culus oo masiirkii ummada ah, yaan la idiin arkin in aydin cid u xaglinaysaan ama cid garabka saaraysaan ama cid aad istidhaahdaan ha soo baxdo waxaan leeyahay taasi waxay u adeegi kartaa in dalka dagaal ka dhaco oo xumaani ka timaado, waxaan idin leeyahay xilkiina xagsoor iyo dhexdhexaadnimo ku guta, musharaxiinta tartamaysana dhex u noqda, dalka iyo dadkana daacad u noqda.
Haaruf
No comments:
Post a Comment