05 June, 2010

Wacdarihii Maanta Loogu Quusgooyay UDUB oo Ka Dhacay Boorama: waa ku quuso udubeey, ka quuso codka dadka kana qanac waxaad filayso


BORAME – Wararka naga soo gaadhaya magaalada Boorama ayaa waxa ay sheegayaan in kumanaan taaageerayaal ah oo aad u habaysani ay isukugu soo baxeen wadooyinka iyo fagaarayaasha kuwaas oo qayb ka ah dadka ay cabudinta Xukuumada udub daashatay oo doonayay inay u muujiyaan taageero xisbiga isbadalka caafimaadka qaba wata ee kulmiye.

Munaasabadii maanta ayaa ahayd fariin wayn oo loo diray xisbiga kulmiye looguna sheegayo inuu ku farxo sida ay dadka ku nool magaalada Boorama iyo magaalooyinka kale ee dalku uga daaleen inay taageeraan xisbiga udub oo noqday mid uu dibudhac wayni ka muuqda dalkii ay maamulayeen mudada 8 sano ahayd. Waxa kale oo ay fariintani quusgoyn u ahayd maamulka kaligii taliska ah ee xisbiga udub ee isagu ku takri falay hantidii umada mudadii xilka uu hayay.Waxa ay ahaayeen dhoola tus iyo ismuujin lagu balamayo maalinta codka oo ay taageerayaashu muujiyeen maanta, waxa ay ahayd taageero badni iyo isbedel doon mideeyay dad aad u kala duwan oo iyagu si isku mid ah u dareemay cadaalad darada xukuumada iyo xisbiga udub.


 

Munaasabadii maanta ayaa waxa ay ahayd hordhaca maalmaha doorashooyinka ee xisbi waynaha kulmiye doonayo inuu abaabul xoogan uga galao dalka oo dhan si kaarka codaynta loogu rido meesha ku haboon oo ah KULMIYE HAA, waxa ay taalaabooyinkani ka socdaan meelo badan oo dalka oo dhan ah waxana ay tani ka tarjumaysaa in uu guul gaadhayo xisbiga kulmiye iyo madaxdiisa sharafta leh ee kala ah musharax siilaanyo iyo musharx ku xigeen saylici.


 

Meel walba way buuxsantay maanta waxana dalka oo dhan uu ahaa mid uu ka dhex muuqdo calanka Jaalaha iyo Doogada ah ee xisbiga kulmiye,waxana ay guri walba dadka dagani noqdeen kuwo doonaya inay iska dulqaadaan heeryada udub. Waa ku quuso udubeey, ka quuso codka dadka kana qanac waxaad filayso. Dadku way kaa qanceen waxaanay ku qanacsan yihiin inay qaabilaan isbedelka ay wadaan Siilaanyo iyo saylici.


 

Sidaas ayaa loo micnaysan karaa waxii maanta ka dhacay fagaarayaasha boorama oo dhan waana goobtii ugu dhawayd ee madaxwayne rayaale laga siiyay codkii 80-ka ahaa ee loogu haneeyay 8sano kahor doorashadii ka dhacday Somaliland.

Saylicipress BORAME, Awdal

No comments: