07 June, 2010

Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye oo Wacdro ka Muujiyay Magaalada Laascaanood

Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye oo Wacdro ka Muujiyay Magaalada Laascaanood Maalintoodii Labaad ee Ololaha Doorashooyinka:
taageerayaasha xisbiga kulmiye ayaa halkaas ka sameeyey dabaal dagyo kala duwan oo iskugu jira heeso hido iyo dhaqan ah buraanburo, gabayo(Sawiro) 


Waxa weli ka soconaya gudaha 




taageerayaasha xisbiga kulmiye ayaa halkaas ka sameeyey dabaal dagyo kala duwan oo iskugu jira heeso hido iyo dhaqan ah buraanburo, gabayo,yadoo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xisbiga kulmiye ay halkaasi ka hadleen waxaana kamid ahaa masuuliyiintii halkaasi ka hadlay Fu'aad aadan cade, baashe maxamed cade,cabdiwaaxid cabdiqaadir iyo siyaasiyiin kale oo dhamaantood ka tirsan xisibga kulmiye. 

siyaasiyiintan qudbadeeyey ayaa dhamaantood ugu baaqay shacabiga somaliland inay codkooda siiyaan Musharaxa madaxwayanaha ee Axmed maxamuud Siilaanyo yagoo taariikh nololeedka siilaanyo ka war bixinyey sheegayna in siilaanyo uu dowlad yaqaan yahay horena ula sii shaqeeyey dowladii hore ee somaliya uu madaxda ka ahaa Alle ha u naxariistee marxuum Maxamed siyaad barre. 

ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Cabdiwaaxid cabdiqaadir cabdiraxmaan isaga oo sheegay in xisbiga kulmiye yahay xisbi isbadal doon ah oo wax weyn ku soo kordhin doona somaliland gaar ahaana gobolka sool,isagoo waliba sheegay in ay buugaagta ay bixiyeen ay ku qorantahay waxqabadka ay qabandoonto hadii ay doorashada ku guulaystaan xisbiga kulmiye. 

Madaxa ololaha gobolka sool faarax jaamac colaad ayaa isna halkaasi ka hadlay wuxuuna taageerayaasha kula balamay in ay codkooda u hibeeyaan xisbiga nabada iyo horumarka ee kulmiye wuxuuna hoga tusaaleeyay waxqabad la,aanta xisbiga UDUB isaga oo ku tilmaamay mid fadhiid ah. 

fu'aad aadan cade ayaa isagu ka warbixiyey daahir riyaale iyo wuxuu yahay isagoo sheegay in daahir riyaale uu ahaan jiray jaad wale isagoo shacabka soolna u sheegay in dhaartii ay dhaarteen xiligii komishinka ay tahay mid aan xaq ahayn ayna dib ugu noqonayso madaxwaynaha haatan talada haya ee Ina riyaale 

waxaa kalee fu'aad sheegay in gobolada bari ee somaliland dulmanyihiin gaar ahaan gobolka sool isagoo sheegay in dhakhtarka laascaanood uu yahay kii ingiriiskii ka tagey halka iskuuladana fasalkiiba ay galaan 100 arday,wuxuu fu'aad yidhi xisbiga kulmiye haduu guulasyto waxyaabo badan ayuu ka qaban doonaa hawlahaas oo dhan. 


waxaa isna ka hadlay isku soo baxan ay dhigeen taageerayaasha xisbiga mucaaradka ee kulmiye,Xildhibaan Maxamed Jaamac oo ka hadlay Hal qodob,kaas uu ku tilmaamay in qodobkaasi yahay in ilaahay kitaab inoo soo dejiyey kitaabkaas oo wax walba ay ku jiraaan, 

dhanka kale wuxuu xildhibaanku sheegay in Siilaanyo uu yahay in siyaasi wayn ah oo la soo shaqeeyey dowladii hore ee somaliya garqanayana waxa maamul yahay,isagoo sheegay in siilaanyo balan qaadyadii uu ku soo qoray buugii ka hadlayey siyaasadi kulmiye uu ka dhabayn doono isagoo xildhibaanku sheegay in siilaanyo uusan aqoon shayga beenta la yidhaahdo. 

Ugu danbayntii ayaa waxaa xaflada soo xidhay qudbad dheerna ka jeediyey gudoomiye ku xigeenka 2aad ee baarlamaanka somaliland baashe maxamed cade,waxaana hadaladiisii kamid ahaa:- Gobolka sool waxaa la siiyaa wasiiro aan u qalmi shaqada ay qabanayaan isagoo tusaale u soo qaaday wasiirka boosaha,wasiirka reermiyiga,isagoo sheegay in aanay wasiiradaasi ahayn wax aan jirin meelna aan laga aqoon,isagoo sheegay in hadii xisbiga kulmiye uu guulaysto aan reer sool la siin doonin wasiirka boosta,kan ciyaaraha,kan kaluumaysiga oo dhamaantood ah wax aan jirin,wuxuu baashe sheegay in wasiirada somaliland ay gaadhayaan 55 wasiir halka sool la siiyo wasiiro aan jirin sida kan dhuxusha,kan boosta, 

yeeli mayno anagu siina mayno waxaas oo kale waxay heli doonaan wasiirka Maaliyada,kanmaxjarka,kan macdanta, iyo wasiiro sar sare, 

Sidoo kale waxaa uu sheegay hadii xisbiga kulmiye qabto talada in isimada Ssc ay soo galayaan magalaada laascaanood oo loogu tagayo meesha ay joogaan,Dagaalada iyo cooladan ka jirta Gobolada wada hadal lagu dhamaynayo. 

CIMG1335
CIMG1315
CIMG1308
CIMG1294
Gabiley News Desk 
Lasanod Office 

No comments: