12 June, 2010

Madaxweyne Rayaale iyo Xisbiga UDUB Waa In Ay Qirtaan In La Diiday Lagana Adkaaday

Madaxweyne Rayaale iyo Xisbiga UDUB Waa In Ay Qirtaan In La Diiday Lagana Adkaaday

Waxaan marka hore u mahad celinaya dhammaanba shacabka reer Somaliland gudo iyo dibadba meel kasta ha joogeene, nasiib akhristow uma  helin maalmahii ina dhaafay inaan si toos ah ugu xidhmo qaabka ololaha doorashada madaxtooyadu uu dalka uga socdo marka laga reebo  inaan telefoonka gacanta shabakadaha wararka ka akhristo, balse maanta oo aan ku soo laabtay magaalada  aan ka degenahay dalka boqortooyada Britain ee Coventry ayaan nasiib u hellay bal inaan dhego dhegeeyo waa  halkii Cawke eh qaabka wax u socdaan.
 
Guud ahaanba sidaan khibradda u leeyahay caado uma aha shacabka Somaliland inay wax ku doortaan barnaamijyo siyaasadeed iyo mabaa'diida aas-aasiga  ah dabcana akhriste  taasi iyagu eed kuma laha waayo dadka reer Somaliland 40 sannadoodna waxay la lag-damayeen gumaysi iyo keligii taliyayaal kala  danbeeyey oo ay dhulkooda ka xoreeyeen markii danbe ee ay ahayd inay ku nastaan hadhkii xornimada lahaa ee  ay dhaliyeena waxay la kulmeen "Kud ka guuro qanjo u guur"  Madaxweyne Rayaale 8  sannadood oo uu Madaxweyne ahaa waxaa keliya oo laga dhaxlay Ballan-qaad Beenalaysan oo aanu xita ka xishoon dadkii soo doortay ee u doortay inuu dalka gaadhsiiyo himilo fursad badan wadata.
 
2002-dii Markii  Maxkamadda sare ee Somaliland ku dhawaaqday in natiijadii  koomiishankii hore soo saareen ay tahay mid dhaxal gal ah oo aan laga noqonayn waxaan ahaa qofkii ugu horeeyey ee mabda'a ahaan ka soo horjeeday ee u hambalyeeya Madaxweyne Rayaale waxaanan qoraal u diray hogaamiyayaasha  mucaaridka ah oo aan ka codsaday inay Madaxweynaha ku daba saftaan ixtiraamana waxaynu muddadda dheer u halgamaynay.
 
Haddaba  maanta Waxaan usoo jeedinaya Madaxweyne Rayaale anigoo ixtiraam badan u haya, anigoo Og in isaga iyo Anigu aanu dalka iyo dadka reer Somaliland u simanahay anigoo u haya  ixtiraam badan oo ah inuu ahaa Madaxweynahii  labaad ee Somaliland isla markaana  aanay taariikhdu iloobi doonin, inuu aqbalo in shacabka Somaliland  diideen, inuu aqbalo in lagaga adkaaday siyaasaddii,  waxaan usoo jeedinaya Madaxweynaha Somaliland Daahir  Rayaale Kaahin
 
1. Habeenka codbixintu dhamaato inaad noqdo Hogaamiyahii ugu horeeyey ee  afrikaan ah ee tanaasula isla markaana qirta in lagaga adkaaday doorashada waxaan huba haddii aad talladayda qaadato inaad taariikhda baal dahab  ah ka geli doonto insha allah
 
2. Madaxweyne waxaad ogaata in siyaasaddu tahay meerto sida xilka golahaaga wasiiraddu ay u yahiin meerto, ogowna in Haddii laga adkaado aanay mac-naheedu ahayn waa laga takhalusay, dadkii aad ka dhalatay ee shallay ku doortay ayaa maantana diiday qaabkaad wax u maamulayso waa inaad garato oo garwaaqsata taasi waa inaanad ku dhaqaaqin wax khilaaf ah ama isku day inaad khal khal geliso qaabka codbixinta iyo doorashada madaxtooyada Somaliland.
 
3. Madaxweyne waa iga kaftan eh markaad tanaasusho ha isku dayin inaad dalka dibadda uga baxdo noqo oday reer Somaliland ah oo tallada dalka wax ku yeesha, yaanay Marwadu kaa awood badan isla markaana aan lagaa dhigin hogaamiye ummadiisu sharaftay oo dal kale dibad joog ku ah, waa ayaan darro Madaxweyne haddii aan arko Madaxweynahii seddexaad ee Somaliland oo  dal shisheeye ah dibad joog uga ah Somaliland, dastuurku Madaxweyne wuxuu ku siiyey inaad noqoto xubin guurtida ka tirsan waxaanad dalka ku leedahay mushahar joogta ah.
 
 
Gunta qoraalkaygani  kooban ayaan farriin u diraya hogaamiyaha xisbiga KULMIYE ahna ninka aan qabo inuu dalka hogaamin doono 5 sanno ee soo socota waxaan qaba in dadka sida weyn ku taageersan ee shakhsiyadaada la dhacsan aad u abaal gudi doonto, waxaan aaminsanahay Mudane Axmed inaad tahay waayo arag siyaasadeed oo dheef iyo dhaxal badan shacabkan uga tagay, waxaan qaba inaad waayo aragnimo badan u leedahay haykalka siyaasadda markay noqoto tanaasulka oo aad noqotay hogaamiyahii ugu horeeyey ee SNM si badheedh ah u wareejiya xilka,  waxaad noqotay ninkii liqay in xaq darro lagaga adkaaday 2002-dii adigoo  ta aad u tanaasushay ahayd in aad bad baadiso qarrankii xoog iyo xoolo wixii aynu lahayn ku dhisnay oo aad ka xishootay in muran xagaaga ka yimadda uu ku burburo.
 
Waxaan Mudane Axmed kaa codsanayaa
 
1. Inaad soo dhisto  dawlad miyir qabta oo ay ka muuqato dad  u bisil  wax  qabadka dalka.
 
2. Waan huba inuu dhici doono is jiid jiidad iyo olole balaadhan oo loo geli doono golahaaga wasiiradda ha noqon mid ku qiimeeya xubnaha golahaaga qabaa'il iyo reero hana ku dooran shakhsigaad keenayso adiga  ayuu  kuu hilin ee ku dooro ninka danta dalka aad sida ugu adag ee ugu daacadsan aad uga wada doodi kartaan, Axmed  talladaydu waa diid oo diid kuwa ay ku soo xulaan koofiyad baclayaasha iyo odayaal beenalayaasha aan matalin ummadda reer somaliland ee loo samaystay dannaha gaarka ah.
 
3. Ogow Axmedow sidaan adiga afkaaga  ka hayo siyaasaddu saaxiib ma laha ha ku kicin aargudasho siyaasadeed, waan ogahay adiga iyo  qoyskaagaba in laga gallay aanooyin aad u waaweyn, waxaan huba in ay kugu dhaceen eedo aan qiimo ku fadhiyin isla markaana aan ahayn qaar lagu quudho, balse ogow hogaamiyaha caadilka ahi inuu ka doorbido soo dhawaynta kuwii ugu necba markaad ahayd mucaaridka.
 
4. Dabcan Axmedow anigu waxaan ka mid ahay dadka aaminsan in dalkan iyo dadkan aad ugu yaraan ka saari kartid bohosha rajadoodii lagu tuuray, haba ku qaadato wakhti kale jiilka ka danbeeya inay gaadhsiiyaan himilo aad u weyn eh waxaan aaminsahay inaad noqon doonta hogaamiye fura albaab cusub dhisana jiil cusub,  waxaan sidoo kale aaminsanahay in hogaamiyaha aad bedelayso wixii uu idinka idiinla badheedhay oo ahayd xaq soor, garsoor la'aan iyo faquuq aanad ula badheedhi doonin axsaabta mucaaridka noqon doonta ee uu ka mid yahay xisbiga UDUB. waxaan tallo ku siinaya inaad noqoto qani syaasadeed oo isbedel weyn ku keena dhammaan wajiga siyaasadeed iyo bulsho ee Somaliland.
 
Waxaan usoo jeedinaya xisbiga tallada dalka lagaga adkaaday ee UDUB in ay qirtaan in siyaasadoodii faashil noqotay taasi mac-naheedu maaha UDUB way burburtay waa inaad la timaadaan jiho siyaasadeed cusub, jiil siyaasadeed cusub iyo rajo kale oo aad dadka gashataan, waxaan qaba in jiilka hadda uu wakhtigoodii  dhamaaday, waxaan qaba in beerlaxawsigii iyo ballan qaadkii beenta badna uu wakhtigoodii dhamaaday, ummadduna waxay u baahantahay isbedel waxaan idinka codsanayaa inaad ixtiraantaan isbedelka.
 
Xisbi hebel ayaan gallay ku kalana waan ka baxay: Waxaan usoo jeedinaya kooxaha mawqifkoodu uu noqday sida biyaha buur ka dhacaya in aanay ummadda wareerin, xisbi hebel ayaan gallay oo ku kala ayaan ka baxay marka hore ayaanad mab'da lahayn cid ku taageersan oo aad hogaaminaysay ayaan jirin, maxaa lagu taageri naftaadiibaad u garan laadahay meel ay taageerto eh, shakhsiyadaha noocaas ahi waa inay siyaasadda cusub ay bedesha, waxay caan ku noqdeen shantii sannadood ee ugu danbeeyey ee dalku ku tallaabsaday geediga dimuqraadiyadda, waxaanan qaba inay noqotay balwad xun oo kooxo  danaystayaal ahi ay dadka barayaan, waana balwad u baahan in hogaamiyaha cusub ee dalka qaban doona uu keeno.
 
Waxaan kaga baxaya dalku wuxuu u baahanyahay isbedel weyn oo dhinac walba leh, waxaana  isbedelkaasi hormood u noqon kara dad ay ka go'antahay oo dadku iskugu mid u yahay, waxaa isbedelka hormood u noqon kara dad aan xilka u doonan magac iyo maal ee u doontay wax qabad iyo inay dalkooda u abaal gudaan.
 
  
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Coventry City, UK

No comments: