13 June, 2010

Maakhir oo tidhi "Riyaale meydkiisa ha sito;e isbeddel maamul ayaa loo baahan yahay!


Waxa isla shaley gelinklii dambe ka degey Madaarka Egal ee Hargeisa Musharraxii UDUB, ahna Madaxweynaha Dal;ka iyo wafdigii la socdey kaddib markii ay ku soo hungoobeen hawadana ay u calaashadeen "Gannaje" Dadkiisii, iyaga oo muujiyey rbitaankooda isbeddel siyasadeed oo Dal;ka ka qabsooma. Madaxweynaha iyo Wafdiigiisa oo la filayey inay dhulka soo maraan oo ay Gobollada soo eegaan , quus ay ka quusteen bulshada Gobollada bariga ayey ka door bideen in ay diyarad ku noqdaan Hargeisa.

UDUB inkasta oo ay lahayd kaltanka ololaha shaley, soomay bixin, UCIDna Maalin ka hor ayey lahayd oo soomay bixin, halka ay taageerayaasha kulmiye iyaga oo Meel qaadda loo la'yahay ay halkoodii ka wadaan isu soo baxa ay ku muujinayaan taagerada Xisbiga. Waxa ay xaqiiqadu tahay in toddobaadkan wasiiro Kulmiye ku biirey la arki doono. Xisbigii talada Dalka hayey oo Xaalkiisu sidan yahay, tartanka Riyaale sheegayo in uu ka qayb gelayo, waxa uu u muuqdaa riyo aan cago ku joogin,sababta oo ah xisbigiisiiba waa kala haarriyey.

Waxa yaab ah in xisbiga UCID uu siyaasadda iyo Diinta gorodda isu geliyo. Faysalow Diintu way ka sarreysaa siyaasadda, Waa nidaan Alle oo aan qallooc lahayn, Siyaasadduse waa wax bani aadmi sameysto oo sidii la doono loo qaado, Waqti aynu u baahannahay in aad soo bandhigto, aqoontaada siyaasadeed ee Dalka aad ku hoggaamineyso , haddaad kitaabk akhrido, Wax-gradku waxay qadanayaan inaan xisbigu u bisleyn Siyaasadda. Waxa ka habboon in kitaabka Alle ee Wax la qiimo ahi aanu jirin, aynaan hoos u dhigin, Ciyaarta siyaasadeedna aad si Riyaadinimo leh uga qayb-gasho.


Dr, Ali A. Muhumed.



No comments: