08 June, 2010

Fwd: Sidee Loogu Soo Dhaweeyay Guddoomiyaha Ismaciil Yare Oo Kulmiye Kaga Biiray Allaybay, Iyo Guddoomiyihii Kulmiye Degmada Allaybaday. Degmadaas. Daawo

Sidee Loogu Soo Dhaweeyay Guddoomiyaha Ismaciil Yare Oo Kulmiye Kaga Biiray Allaybay, Iyo Guddoomiyihii Kulmiye Degmada Allaybaday. Degmadaas. Daawo



http://hadhwanaagmedia.info/attached/u_14351d_2010-6-7-15-2-21f_138.JPG
(Kulmiye.Org)  Monday, June 07, 2010
Gudoomiyaha Degmada Allaybaday Mr. Xasan Cabdi Cali ( Xasan Shahar) ayaa saaka Shiraa'id oo ku qabtay Allaybaday ku shaaciyay in uu xilkii Gudoomiyenimo iska casilay islamarkaana sheegay in uu ku biiray XisbigaKulmiye, Waxaanu isla maanta Magaalada Allaybaday kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maanta Allaybaday kaga qayb galay ololaha doorashada Madaxtooyada.



Hadaba Gudoomiyaha Degmada Allaybaday Mr. Xasan Cabdi Cali waxa  uu yidhi " Aniga oo ah Gudoomiyihii Degmada Allaybaday  waxa aan goostay "Markii aan arkay Xisbiga Udub in aanu danayn,Markii aan arkay Shacbiga reer Allaybaday sidda aanay waxba ugu qabanayn,waxa aan goostay aniga oo ah Gudoomiyihii Degmada Allaybaday in aanan kusii jiri karin taas iskana casilay Xilkii Gudoomiyenimo ee aan hayay, Laga bilaabo maantana aan ku biiray Xisbiga Kulmiye oo aan u arkay in ay ku jirto danta shacabka Degmada Allaybaday waxaanan dhamaan bulshawaynta reer Allaybaday ugu baaqayaa in ay taageeradooda uleexiyaan xaga Xisbiga Kulmiye, Talada Qaranku maalinba ninbay saaran tahay shalay iyo maantaba aniga ayaa xilka haya  baritana cid kale ayaa qaban doonta.




Balse  been fara badan oo hore oo  la idiin sheegay waajibay nagu tahay in aanu runteeda idin taabsiino taasi oo ah in aanay Udub waxba ugu talagalin in ay waxa ka qabato adeegyada aasaasiga ah. Waxa  kale oo isna halkaasi ka  hadlay C/laahi Iiman Darwal waxaanu yidhi waayo waayo waxa aynu joognay Allaybaday ay I xasuusinaysaa maanta, maalmo adag oo aynu ku jirnay siddii aa wakhtigaa u fir fircoonaydeen ayuunbaan maantana u arkaa in aad u firfircoon tihiin.waxa aan u arkaa dad maanta  waxa wadanka ka taagan lasocda ayaan u arkaa dad aanay waxba ka qarsoonayn baan u arkaa waxa aan anuu idiin sheegayaa wadanka cayayaan baa ku dhashay waxa cayayaankaa maanta  kaga kaxaynaynaa waa Vote.


Waxa sidoo kale halkaa ka hadlay Gudoomiyaha ku xigeenka Baarlamaanka  JSL C/Casiis Maxamed Maxamed Samaale " Waxaanu yidhi waxa maanta farxad gaara nooba sii ah Maamulkiinii iyo dhamaan Degmadii oo wada socota oo uu idin hogaaminayo  Xasan  Cabdi Cali aad dhamaan tiin wada Kulmiye noqoteen taasina farxad wayn bay noo tahay, Walaalayaal halkan waxa maraya  wafti ka kooban dhamaan Madaxdii Kulmiye oo aan cidi ka hadhin haddii ay tahay Murashaxii Madaxwayne,haday tahay Murashaxii Madaxwayne Kuxigeen,haday tahay Gudoomiye ku xigeenkii koobaad ee Xisbiga, haday tahay dhamaanba Gudidii Fulinta ee Xisbiga,haday tahay Garabkii Xaweenka,haday tahay Garabkii Dhalinyarada,haday tahay Xisbiga halkii ugu saraysay ilaa kii Gobolka cid hadhsani marjirto,Sobobtaasi walaalayaal aan Xisbigu maanta u kala hadhin ee Waftigu Allaybaday, Gabiley. Wajale. Arabsiyo, Kala-baydh, Geed-balaadh iyo Laftii Farawayne oo aanu hadda kusocono waxa loo marayo waa garanaysaan oo nin aqli leh wuu garanayaa  doqona loo sheegi maayo, Mecnaheedu waxa weeyaan Gobolka Gabiley iyo Gobolka Hargaysa dhamaantood in ay Kulmiye yihiin boqolkiiba boqol,



Hadaba madaxwaynaha waxa aan leeyahay maalintii aad codka doonaysay waadigii halkan yimid ee wadda Allaybaday iyo Hargaysa isu xidha balan qaadaye in aad timaad baa lagaa rabaa oo aad waddii halka ay ku danbaysa aad sheegto, waxa aan idiin sheegayaa maalintaa Cagafbaa lasoo dhigan halkan waxa aan idinku idhi waddadaasi Hargaysa iyo Allaybaday loomasamaynayee waxa lasamaynayaa waddo marta Samada oo Hargaysa tagta sideed sanno ka hor sowmay ahayn hadalkii aan  idinlahaa sow dhab muu ahayn meeday Cagaftii halkaa lasoo dhigay iyo Waddiii ay samaynaysay, Walaalayaal Maanta Udub lagu daalimaayee waxa  aynu leenahay Xisbiga Udub waxa looga fadhiyaa Talada in uu si nabadgalya ah ku wareejiyo oo uu u wareejiyo Xisbiga Talada hanan doona  oo la hubo in uu Kulmiye yahay in uu si nabadgalyo ah ugu wareejiyo,waxa aan maanta sigaar ah halkan  ugu mahadnaqayaa Gudoomiyihii Degmada Allaybaday oo munaasabada in uu Kulmiye ku biiray  la sugay Murashaxa Madaxwaynaha ee xilka qaban doono mudo yar oo gaaban dabadeed Insha alaahu tacaalaa oo yidhi Xisbagaan talada u hayay  iyo cidii isoo magacowdayba meel  maddhanbaan kajoogaaye umadyahay Kulmiye taga.

Waxa ugu danbaytii halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mr. Axmed Maxamed  Maxamuud ( Siilaanyo)  Walaalayaal Allaybaday Aniga taariikh fara badan bay ii leedahay aniga oo halgankii SNM Gudoomiye ka ah ayaan halkan imi, waxa aynu usoo halgamaynay su'aashu waxa weeyi maanta mahaynaa mid waynu haynaa haa waynu haynaa Madaxbanaanidii  somaliland waynu ahaynaa n dawladbaynu nahay calanbaa inoo taagan  qaranbaynu nahay  marka aynu eegno waxa mandaqada aynu kunoolahay waxa ka dhacaya meel inaga xasilooni majirto se maxaa inaga dhiman waxa inaga dhiman Maamulkii dawladeed ee qaban lahaa  Khaanibaadka  Aasaasiga ah ee umada iyo shacbiga loo qaban lahaa  wixii shacbigu sugayay ayaynu maanta laanahay  waa Tacliintii,waa Waddooyinkii, waa wax qabashooyinkii kale, waa taakulooyinkii ganacsatada, iyo Umada inteeda kale waxaynaan ahayni waxa weeyi xilalkii laga sugayay  Qaranka Somaliland dawlada maanta jirta waxaynaan hayn Ictiraafkii aynu u halgamaynay ee inagu dhexdari lahaa quruumaha kale ee madaxa banaan ee caalamaka  waxa weeye dawladan Mudada dheer joogtay ee wax leh wax ay qabatay jirin ee dhalinyaradeenii maanta tahriibayso  wadooyinkeenii aynu aragno  ee xaalada dalkeenu ku sugan yahay aynu aragno waa mid ayaan daro ah weeye.waxa aynu maanta gaga baxaynaa waxa weeyi inaga oo si Dimuquraadiya oo codkeena bixina oo  u marina  halgan kale iyo dagaal kale oo codkeena ku badala ,Codkaana maanta waxa aanu doonaynaa  in aad nasiisaan haddii aanu nahay Xisbiga Kulmiye.

Wariye: Ismaaciil  Cabdi Muxumed Hilqad

No comments: