08 June, 2010

FASHILAADDI UDUB ISUSOO BAXOODDI LABAAD.


Isu-soo Baxa Wejigii Labaad ee UDUB iyo Dhacdooyinkii Lama Filaanka Ahaa ee Anfariirka Geliyey Masuuliyiinta Xukuumadda ..Soomaaliya, waxaan idiinka sidaa .. Hargeysa (Jam)- Kumanaan ka mid ah taageerayaasha xisbiga talada haya ee UDUB, ayaa bilowga wejiga labaad ee ololaha doorashada isu-soo-baxyo ballaadhan ka sameeyey gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee Somaliland, kuwaas oo muujiyey taageerada ay u hayaan xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB, isla markaana u tabaabulshaysanaya sidii ay mar labaad ugu guuleysan lahaayeen hoggaaminta talada dalka.

Isu-soo-baxyadan oo ay taageerayaasha kala qaybgaleen masuuliyiinta sarsare ee xukuumadda iyo xisbiga UDUB, ayaa mid kuwo dhaqdhaqaaqa iyo xamaasadooda si weyn looga dareemay guud ahaan gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee Somaliland, iyaga oo taageerayaashu ruxayeen astaamaha iyo sawirrada murrashaxiinta UDUB ee u tartamaya doorashada madaxtooyada ee Somaliland 26 June 2010 ka dhici doonta dalka.

Dhoolatuska taageerayaasha UDUB oo ahaa maalintoodii labaad ee ololaha doorashada, ayaa ka sakow damaashaadka iyo farxadda ay muujiyeen, waxa fagaarayaal kala duwan oo taageerayaashaasi isugu soo baxeen ka dhacay dhacdooyin lama filaan ah oo inta badan ka nixiyey masuuliyiintii ka qaybgalay iyo dadweynihii isugu soo baxay maalinta ololaha UDUB, kuwaas oo ka kala dhacay magaalooyinka Hargeysa, Burco, Ceerigaabo, Oodweyne iyo Gabiley.

Isu-soo-bixii UDUB ee magaalada Hargeysa iyo dhacdooyinkii ku hareeraysnaa:


Magaalada Hargeysa oo isu-soo-baxa taageerayaasha UDUB ku qabsadeen fagaaraha Beerta Xorriyadda, ayaa waxa ka qaybgalay dadweyne tiro badan oo ku labisan calanka UDUB iyo masuuliyiinta xisbiga UDUB oo uu horkacayey Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ahna Guddoomiyaha ololaha Xisbiga UDUB, Wasiirro, Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB, halkaas oo ay ka soo ifbaxeen dhacdooyin la yaab leh oo ka kala yimi dhinaca taageerayaasha goobta la isugu keenay iyo weliba masuuliyiinta xisbiga UDUB.

Taageerayaasha isugu soo baxay Beerta Xorriyadda ee magaalada Hargeysa, ayaa intii ay khudbaduhu socdeen waxa ka dhexsocday buuq, sawaxan iyo is-hirdin kolba dhinaca la isku eryanayey oo goobta ka dhigtay mid siigadu is-qabsatay, kadibna uu ciidanka bileysku ul la dhexgalay, taas oo keliftay inuu lumo nidaamkii habsami-u-socod ee goobtu u socotay, iyada oo la is maqli waayo, arrintaasina ku keentay masuuliyiintii sare ee goobta joogay kalsoonidii taageerayaasha ay soo urursadeen, markii ay dareemeen inay ka dareerayaan fagaaraha.

Arrintani waxay taageerayaasha iyo masuuliyiinta UDUB ku keentay mid dhabar-jab ku noqotay, kadib markii uu dagi waayey buuqa iyo sawaxanka keenay inay madasha iskaga dareeraan dad aad u badan, taas oo marqudha uu marakafoonka looga dhex maqlay hadaaqa Guddoomiyaha Ololaha Doorashooyinka Madaxtooyada ee UDUB Mr. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi) uu ku tiraabay, "Dadku way dareerayaane Siciid Cadaani (Afhayeenka Madaxtooyada oo xidhiidhinayey khudabaha laga jeedinayey Beerta Xorriyadda) ee soo gaabi hadalka."

Sidoo kale, haweenka ka hadlashay fagaaraha Beerta Xorriyadda ee xisbita UDUB ugu ololeynayo inuu doorashada madaxtooyada hanto mar labaad, ayaa hadalkeeda ku bilowday hadallo naxdin iyo lama filaan ku riday masuuliyiinta iyo taageerayaasha UDUB, kadib markii ay ka soo yeedheen, "Walaalayaal waxaan salaamayaa dadweynaha reer Somaliland, xisbiga KULMIYE ha noolaado." Markii uu hadalkaas ka soo baxay gabadhaas afkeeda, ayaa mar qudha laga gundhiyey codbaahiyaha, taas oo ku sigatay inay masuuliyiinta xukuumadda iyo xisbiga UDUB ee goobta ku sugnaa gacan saaraan.

Isu-soo-bixii UDUB ee Magaalada Burco

Magaalada Burco oo ka mid ahayd meelaha sida wayn ay isugu soo baxeen taageerayaasha xisbiga talada haya ee UDUB oo ay ku muujinayeen cududooda, ayaa waxa halkaasi kala qaybgalay koox wasiiro ah, maamulka gobolka Togdheer iyo madaxda xisbiga ee gobolkaasi, kuwaas oo halkaasi dadweynaha khudbado uga jeediyey ay kaga dalbanayaan in mar kale codkooda siiyaan, si mar kale dib loogu doorto Madaxweyne Rayaale iyo ku-xigeenkiisa.

Haseyeeshee, dadweynihii faraha badnaa ee ku sugnaa Khayriyadda magaalada Burco iyo masuuliyiintii UDUB ee xod-xodashada la hortaagnaaba, ayaa mar keliya waxa ku dhacay anfariir iyo u qaandan-waa, kadib markii Badhasaabka Gobolka Togdheer Jaamac Cabdillaahi Biin si lama filaan ah ugu dhawaaqay in taageerayaasha xisbiga uu hambalyo iyo salaan uga sido Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya.

Waxaana Badhasaabka oo dadka la hadlayey yidhi; "Halkan waxa yaala mahadnaq ballaadhan oo aan u jeedinayo bahwaynta UDUB ee gobolka Togdheer, siiba degmada Burco ee halkan meel la istaago la waayey isugu timi, waxaan salaam uga sidaa oo hambalyo soo gaadhsiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya, ha noolaato, Madaxweynuhu ha noolaado, xisbigu ha guulaysto."

Hadalkaas ayaa noqday mid fajac iyo amakaag ku riday taageerayaashii madasha isugu yimi ee uu khudbadda u jeediyey iyo masuuliyiintii halkaasi joogtay, kaas oo haba yaraatee aannu wax cudurdaar ah ka bixin, una muuqday inuu ahaa mid uu u badheedhay, sidoo kalena may jirin cid ka mid ah madaxdii UDUB ee halkaasi isugu timi oo dhawaaqa Badhasaabka ka soo yeedhay raaligelin ka bixisay.

Isu-soo-bixii UDUB ee magaalada Ceerigaabo ee UDUB

Dhinaca kale, isu-soo-bixii uu ku sameynayey xisbiga UDUB iyo xukuumaddu magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag, ayaa iyana waxa ka soo ifbaxay dhacdo la yaab leh oo albaabada u xidhay madashii la isugu soo baxay, kadib markii uu Caaqil Maxamed Cabdi Soofe oo ka mid ah cuqaasha degaankaas uu hadal aanay ka fileyn kaga hadlay xaaladda uu dalku marayo, kaas oo tilmaamay inuu dalku u baahan yahay isbeddel, Madaxweyne Rayaale ku fashilmay ballanqaad uu u sameeyey.

Markii ay hadalladaas ka soo baxeen Caaqil Maxamed Cabdi Soofe ayaa laga dhuftay codbaahiyaha, kadibna sida la sheegay Wasiir-ku-xigeenka Caddaaladdu Md. Yuusuf Ciise Tallaabo uu amar ku bixiyey in la xidho, balse waxa is-hortaagay dadkii ku sugnaa goobtaas isu-soo-baxa laga sameynayey.

Isu-soo-bixii Magaalada Oodweyne ee UDUB

Masuuliyiinta xisbiga UDUB iyo taageerayaashiisa oo galay wejiga maalinta labaad ee ololaha doorashada madaxtooyada, ayaa magaalada Oodweyne isu-soo-baxeen isku beddelkay mudaharaad lagaga soo horjeedo xisbiga UDUB, taas oo ka dhalatay sida la sheegay markii ay isla shalay ku war heleen in beddel lagu sameeyeen Guddoomiyihii UDUB ee Oodweyne, oo sida la sheegay taageerada ugu badan haystay.

Mudahaaradka lagaga hor tagayey, ayaa dadweynuhu ku dhaqaaqayey ereyo ku liddi ah xisbiga UDUB iyo xukuumadda oo ay kaga soo horjeedaan, balse saacadihii dambe ee shalay waxa la abaabulay isu-soo-bax lagu taageersan yahay xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB.

Isu-soo-bixii Magaalada Gabiley iyo Arabsiyo ee UDUB

Taageerayaasha xisbiga UDUB ee Gobolka Gabiley, ayaa khilaaf ka dhashay wejigii labaad ee ololaha doorashada madaxtooyada, kaas oo sababay inay laba u kala jabaan, kuwaas oo ku kala qabsaday Khayriyadda iyo xafiis uu xisbiga UDUB ku leeyahay Degmada Gabiley.

Arrintan ayaa ka dhalatay markii Wasiirka Ganacsiga iyo maamulka Gabiley u qaybiyeen taageerayaashooda lacag, taasinay waxay sababtay in taageerayaashii xisbiga UDUB kala qaybsamay.

Sidoo kale, magaalada Arabsiyo aanay xukuumadda iyo xisbiga UDUB aanay wax taageero ah ka helin wax taageero ah, balse sida la sheegay dad tiro yar oo taageersan xisbiga UDUB ay ka qaybgaleen xafladaha kala duwan ee loogu kala sameeyey magaalada Gabiley.

Isu-soo-bixii UDUB ee Magaalada Burco

Magaalada Burco oo ka mid ahayd meelaha sida wayn ay isugu soo baxeen taageerayaasha xisbiga talada haya ee UDUB oo ay ku muujinayeen cududooda, ayaa waxa halkaasi kala qaybgalay koox wasiiro ah, maamulka gobolka Togdheer iyo madaxda xisbiga ee gobolkaasi, kuwaas oo halkaasi dadweynaha khudbado uga jeediyey ay kaga dalbanayaan in mar kale codkooda siiyaan, si mar kale dib loogu doorto Madaxweyne Rayaale iyo ku-xigeenkiisa.

Haseyeeshee, dadweynihii faraha badnaa ee ku sugnaa Khayriyadda magaalada Burco iyo masuuliyiintii UDUB ee xod-xodashada la hortaagnaaba, ayaa mar keliya waxa ku dhacay anfariir iyo u qaandan-waa, kadib markii Badhasaabka Gobolka Togdheer Jaamac Cabdillaahi Biin si lama filaan ah ugu dhawaaqay in taageerayaasha xisbiga uu hambalyo iyo salaan uga sido Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya.

Waxaana Badhasaabka oo dadka la hadlayey yidhi; "Halkan waxa yaala mahadnaq ballaadhan oo aan u jeedinayo bahwaynta UDUB ee gobolka Togdheer, siiba degmada Burco ee halkan meel la istaago la waayey isugu timi, waxaan salaam uga sidaa oo hambalyo soo gaadhsiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya, ha noolaato, Madaxweynuhu ha noolaado, xisbigu ha guulaysto."

Hadalkaas ayaa noqday mid fajac iyo amakaag ku riday taageerayaashii madasha isugu yimi ee uu khudbadda u jeediyey iyo masuuliyiintii halkaasi joogtay, kaas oo haba yaraatee aannu wax cudurdaar ah ka bixin, una muuqday inuu ahaa mid uu u badheedhay, sidoo kalena may jirin cid ka mid ah madaxdii UDUB ee halkaasi isugu timi oo dhawaaqa Badhasaabka ka soo yeedhay raaligelin ka bixisay.

Xig: JAMHUURIYA

No comments: