06 June, 2010

Farriintii wey gaadhey Mudane Dahir Riyaale iyo UDUBBA!!.


Dhoolla-tus lama yidhaahdee, dhulgariir siyaasadeed oo aan hore loo arag ayey Taageerayaasha xisbiga Kulmiye ku sunteen bannaan-baxoodii ugu horreeyey. Waxa aad u yaab lahaa bisaylka ilbaxnimo iyo siyaasadeed ee u dheereyd, oo dadkii baaxaddaa lahaa haddana si xakameysan oo nabadgelyo ah ay guteen waajibkooda xisbi iyaga oo dhawraya Anshaxa doorashada, si nabad gelyo leh oo nidaamsanna ugu kala noqdey degmooyinkoodii, markii ay xafladuhu dhammaadeen.

Waxa xusid mudan , in Gobollada Dalka oo dhan ay sidan wada ahaayeen oo mid aan laga soo sheegin, bannaan bax aan hore kaas oo kale ka dhicin ayaa laga soo sheegey. Waxa Guul iyo mahadba mudan Taageerayaasha Xisbiga iyo Hawl-wadeennadii sida cid walba ka yaabisay u maamulay mobilizationka dad tiro-dhaafey. Taageerayaasha kulmiye, wey rumeeyeen ballankii ahaa inay far waaweyn xisbiga talada haya ugu qori doonaan rabitaankooda siyaasadeed oo ah isbeddelka  Maamuka Dalka. Waxay ahayd aragti aan marnaba xusuusteyda ka baxayn, waxay ahayd, muujinta awoodda Bulshada iyo go'aankeeda.

Waxa mahad leh qof kasta oo u soo baxay iyo qof kast oo u suurto-gesheyba.

Dr.Cali Cabdi Muxumed.


No comments: