Burco(Ramaas) June04, 2010 - Dadka ku dhaqan magaalada Burco ayaa saaka marqudha ku waabariistay jawi aad u kacsan, iyada oo ay mar keliya isla oogsadeen sawaxanka dadka iyo gaadiidka iyo gawaadhi ay saaran yihiin cod baahiyaal ay ka baxayeen heesaha xisbiga kulmiye. Waxaana ay dada iyo gaadiid aad ka u tiro badani hakad geliyeen dhamaan isu socodka wadooyinka waawayn ee magaalada.
Dadkani ayaa waxay ku labisnaayeen calanka isugu jira huruudda iyo cagaarka ee xisbiga kulmiye, waxaanna ay dad badani soo xasuusteen markii lagu jiray ololihii madaxwaynaha dalka Maraykanka ee BARACK OBAMA markuu booqanayay gobolada Minneapolis iyo Varginia.
Goobta ayaa waxa ka hadlay masuuliyiin ka tirsan xisbiga kulmiye oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Cabdi Gaboosi, Maxamed Kaahin Axmed, Cabdi Aw-daahir, Salaadiin, Abwaano uu ka mid ahaa Hurre walanwal iyo Marti sharaf kale.
Ka qayb galaasha isu soo baxu markii ay ka soo dareereen khayriyadda waxay mar qudha sida daadka u qul quuleen iyagoo baaxadda dadkaasi aan la qisaasi karin wadooyinka magaalada, waxaana barbar socday baabuur lagu rakibay sameecado aad u cod dhaadheeraa oo ay ka baxayeen heesaha astaanta u ah xisbiga kulmiye.
Shabac Cabdi maxamed
Ramaasnews Desk
Burao
No comments:
Post a Comment