26 May, 2010

XISBIGA KULMIYE OO MUNAASIBAD SOO DHAWAYN AH U SAMEEYEY BOQOLAAL QOF OO KA MID AH BEESHA MAXAMED ISAXAAQ OO KA TIRSAN BEELAHA SOMALILAN

XISBIGA KULMIYE OO MUNAASIBAD SOO DHAWAYN AH U SAMEEYEY BOQOLAAL QOF OO KA MID AH BEESHA MAXAMED ISAXAAQ OO KA TIRSAN BEELAHA SOMALILAND

Xisbiga KULMIYE Oo Munaasibad Soo dhawayn ah u Sameeyay Boqolaal qof oo ka mid ah beesha Maxamed Isaxaaq Oo ka tirsan Beelaha Somaliland.

Hargeysa{Togaherer}Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa manta munaasibad balaadhan u sameeyey dadwayne tiro badan oo sheegay inay Xisbiga hore uga tirsanaayeen, balse ay muujinayaan taageerada ay u hayaan Xisbiga.

Xafladaas  oo ka dhacday hoolka shirarka Marxuuum Cali Maarshaal ayaa waxa ka soo qayb galay guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Musharaxa Madaxwynaha Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiye ku xigeenka 1aad Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Olaha doorashada Madaxtooyada ee gobolka Maroodi jeex Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), Haween iyo marti sharaf kale

Guddoomiye ku xigeenka 1aad Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay in Xukuumada Madaxwayne Daahir Rayaale ay faro gelin ku samaysay dhalinyartii ka qayb gashay hawsha kaadhka codbixinta, waxaanu ku eedeeyey inay isku dayday inay la wareegto goobaha lagu qaybinaayey kaadhadhka codbixinta Doorashada Madaxtooyada, waxaanu yidhi " Waxad ogaydeen in Xukuumada manta joogtaa ay faro gelin ku haysay dhalinyartii jaamacadaha dalka ee ka qayb qaatay qaybinta kaadhadhkii codbixinta doorashada oo ay isku dayday inay kala wareegto, balse waxa geesinimo muujiyey dhalinyartii hawshaa doorka wayn ka qaataay, waanan u mahad naqayaa."

Guddoomiye ku xigeenka 1aad waxa kale oo uu si gaara u amaanay ciidamada qaranka ee jiida hore, kuwaas oo uu sheegay inay u adkaysanayaan xabada, roobka iyo duraafaha kale ee ku gadaaman deegaankaas, waxaanu yidhi " Ciidamada qaranka ee fadhiya jiidaha fog  ee laga yaabo inay qaarkood dhaawac yihiin ee saacadaa dagaalka kula jira cadowga somaliland ayaan marka hore u mahad naqayaa, waliba qaar horena way ku shihiideen difaaca dalka.

Waxaan u sheegaayaa beelaha laga abaabulayo jiidaha Buuhoodle iyo Widhwidh in dadka reer Somaliland ay dagaal u yihiin waayo arag, waxaanu soo taabanay in aanu dagaal xal noqon Karin, markaa dadka isku magacaabay Darwiish land ee yidhi waxaanu isku abaabulaynaa dagaal, waxaan leeyahay dagaal faa'iido ma noqdee xal kale keena, odayaasha dagaalka wadaa qaarkood waxa ay saxeexeen heshiiskii Burco ee 1991, waxaanay wacad Ilaahay ku mareen inay ka shaqaynayaan deganaanshaha ummada, hadii ay ka baxaan waxaanu leenahay wacad Ilaahay idin qabay." Ayuu Muuse Biixi.

Dhinaca kale, waxa munaasibadaa soo gunaanaday Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo si laab furan u soo dhaweeyey taagarayaashii Xisbigiisa, isagoo Xisbigiisa u saadaaliyey inay is badal ka samayn doonaan dalka.

"Waxaynu ognahay in saacadaa la joogo dadwyanaha reer Somaliland ay doorasho loo dareerayo, markaa waxaan rajaynayaa in isbadelka umadu u baahan tahay si khayr qabta inoogu dhacdo."

Xukuumada manta waxaynu ognahay inay markasta doorashada dib u dhigto iyadoo waajib ka saaraa qabashadeeda, dhibaatada dalku u soo maray, nabadgalyada wax loo dhimay, cadaalada darada dhacday iyo xadhiga lagu sameeyey masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE, intaas oo dhan Xisbiga KULMIYE wax uu u sheegay samir."

Xamse Cali Wacays Togaherer Hargeysa

No comments: