XILDHIBAANADA GOLAHA GUURTIDA OO SHAQADII GOLAHA U JOOJIYA MUSHAHAR LA'AAN SOO FOOD SAARATY OO MUDDO LIX BILOOD AH
Fadhigii Golaha Guurtida Somaliland ee maanta ayaa waxa ka dhacay buuq iyo qaylo ay kaga soo horjeedaan Gunooyinkoodii oo ka maqan muddo Afar bilood ah, waxaanay Shir-guddoonka ka dalbadeen in loo cadeeyo lacagayoowgoodii halka ay ku maqan yihiin
Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye oo ku hadlayay Afka mudanayaasha ayaa Shirguddoonka u sheegay inaanay wax shaqo ah qabanayn ilaa loo cadeeyo halka ay Gunooyinkoodii ku danbeeyeen waxaanu yidhi " shirguddoon waxaanu kaa codsanaynaa inaad noo cadaysaan Gunooyinkayagii halka ay ku maqan yihiin,ma Dawladdaa kacday oo lacag noo weyday, mise idinkay idinku maqan tahay"
intaas ka dib waxa la isla oogsaday buuq iyo qaylo, waxaanay xildhibaanadii kale ku raaceen soo jeedintaasi iyagoo gabi ahaanba joojiyay fadhigii maanta
fadhiga maanta ayaa la filayay inay xildhibaanada Golaha Guurtiddu ku ansixiyaan Xeerka Doorashada Dawladdaha Hoose iyo Madaxtooyada oo ay dhawaan Golaha Wakiiladdu soo Ansixiyeen kadib markii Komishanka Doorashooyinka Qaranku ay wax-ka-bedel iyo kaabis ku soo sameeyeen taasi oo ay Xukuumaduna u soo gudbisay Baarlamaanka
hase ahaatee Xog-hayaha Guud ee Golaha Guurtida C/lahi Ibraahim Habane ayaa mudanayaasha u sheegay in sadexdii bilood ee hore lacagtoodii la diyaariyay oo la siinayo, sadexda bilood ee soo socdana la diyaarinayo oo hawshoodii lagu jiro, waxaanu mudanayaasha u soo jeediyay inay buuqa iska daayaan oo ay sugaan, balse way ku gacan-saydheen oo waxay ku adkaysteen ilaa ay helayaan inaanay shaqaynayn
fadhiga Golaha ayay saaka fadhiyeen 52 xildhibaan oo ka mid ah 82 ka mudane ee Golahaasi
Xig:waheen
No comments:
Post a Comment