12 May, 2010

Wixii rag u kaco,Rabbina aqbalo, wuu rumoobaa. xalkii oo xul lagu beddelay & 5ta sano oo gunti-giijis ah!!


Wax la qabsado, waxa ugu liita orr-dahraareed! warqadda codeynta oo ah rasmiyeynta go'aanka dibnaha bulshada laga wada akhsriyao imikaba, waa in looga gudbo rumeynta himilada qaranka ee geedid-xumeysatey .Riyaale iyo koocdiisa maamulku , inkasta oo ay weli madaxtooyadii dalka iyagu sii joogaan, haddana waa history maanta oo xilkii ummada ee ay la kufeen, doorroone ayaa loo heley!!
 
Waxa ay dawladnimada maamul kasta oo yimaadda ka bilaabantaa , marka horebna in uu sunto dhulka uu leeyahay "National Territorial integrity", waxa ku xiga Awooda fulinta Awaamirta dawladda oo ah "Ciidammada qaranka" kuwaas oo aan darajooyin iyo hoggaanno ciidamo aan lahayn , halka aynu ka lunna ahayd. Ciidammadu haddii ay yeelan waayaan Darajo, kala dambeyni jirimeyso, sharciga oo lagu xisaabtamo jiri meyso, waa xeelad ku adeegsi ciidan "marshal law". waana diktaytornimo abuur sidiisa u yaalla .
 
Waa in ciidanmmada loo msameeyo darajooyin iyo hoggano ciidan, mas'uul walibana tuurta u rito mas'uuliyadda Takhasuskiisa iyo xilkiisa ciidan uu u guto sda ugu haboon ee waafaqsan axdi qarameedka iyo Shuruucda ciidanka uu ka tirsan yahay, mid walibana gudataa xilkeda. Waxa aynu goorwalba , ka maqalla warbaahinta maxalliga ah, saddex Doox  oo marka ay soo rogmadaan ku qaada dad, Gaadiid iyo duunyoba jidka dheer ee berbera/Hargeysa iyada oo dalku leeyahay injineeradii iyo Aqoontiiba. Waa litmus paper u taal maamulka imanaya in uu maareeyo. Waxa kale oo jirta in caasimadda dalka laga la'yahay Biyo iyo Dab demis labadaba oo halkis u taagan ay tahay dab iyo harrad , iyada oo magaaladu 2 kayd biyood iyo laba dam biyopod laghayd, weligeedna aan laga caban biyo. Marka waddanka laga shjaqeysanayo iyo marka loo shaqeynayo. wax lagu kala garto weeye iyo dawladdii hore way ka muquuratey ee tan soo socotana aynu ku  eegno.
  
Birishkii 2aad ee hargeisa dhawr sano ayuu agoon iyo qabyo wada yahay, marka ay waxqabad arrintu tahay ee aanu compputorka riyaale ku oollin, waa in ka siilaanyo laga helo waxqabad.Ummadda degeen haud-galbeed ee Hargeisa waa inay helaan daryeel lagaga samatosaarayo halista Daadka ee dad iyo duunyaba. Waxa kale oo sirta Noloshu ina bartey in wax kasta oo nooli uu ka uuman yahay biyo, sidaa darteedna, ay biyuhu yihiin furaha horumar. Dalkeenu wuxuu ku yaallaa bad biyo ah, biyo ayaa la waayeyna waa sheeko!! iyo nin muraad inaanu wax ummadda u qaban leh. Maamulka soo socda waxaan ku dhiirrinayaa in uu qalabka beeraha iyo biyoha uu culeys saaro, waayo dhul-beereedkeenna boqolkiiba 10 ma beerna!!
 
 Waxaan aamin sanahay in haddii la xoojiyo Hay'adaha fulineed ee Awoodaha dawladda ay soo noqoneyso haybadda qaraku, dadkii uu maamulka Riyaale habacsanaantiisu bahalka ka dhigeyna ay Dabiga ka soo go'i doonaan marka ay ogaadaan in shrcigu yahay waxa qudha ee la dhegeysan karo!! Dawlad kooban ootayo iyo wax qabad leh iyo hogaan waayo aragnimo iyob wadabninimoba leh , aqoon iyo go,aan-qaadasho leh oo hogaamiya dalka una dejiya siyaasadda lagu rumeynayo himilooyinka dawladda .
 
Dr,Cali Cabdi Muxumed.
 


No comments: