Wasiirka Arrimaha Gudahu ma Maxkamad baa? Aniga oo ah muwaadin u dhashay Somaliland waxaan ka mid ahaa laba dacwoode oo Maxkamadda Gobolka Hargeysa dacwad ka furtay, kuna saabsanayd mushahar iyo xuquuuq shaqaale oo aanu ku lahayn hay'adda Somaliland Cadstral Surveys and Mapping, dacwaddaasi oo markii ugu horreysay aannu u gudbinay xafiiska shaqada ee wasaaradda caafimaadka iyo shaqada 31/03/2008, kadibna u sii gudubtay Maxkamadda Gobolka Hargeysa 06/05/2008, waxayna martay Maxkamadda Rafcaanka 10/2008 – 23/12/2008. Dacwaddu waxay mar labaad dib ugu noqotay Maxkamadda Gobolka Hargeysa 06/01/2009. Dacwaddu markay in muddo socotay maxkamaddu waxay ka soo saartay xukun summaddiisu tahay MGH/DMl/03/09 ee ku taariikhaysan 24/10/2009; isla markaana maxkamaddu waxay bilawday inay fuliso xukunkaas, waxayna u dirtay saddex digniinood oo ku kala taariikhaysan: 21/12/2009, 18/01/2010 iyo 25/04/2010, summaddooduna tahay DFL/233/2009. Digniinahaas maxkamadda oo dhan hay'addu way iska dhegamarisay, kadibna Maxkamadda Gobolku waxay soo saartay xayiraad ku taariikhaysan 09/05/2010 oo ay ku xayirayso xafiiiska hay'adda. Haddaba, waxa dhacday in xayiraaddii uu horjoogsaday Wasiirka Arrimaha Guduhu, amarna ku bixiyey in la joojiyo xayiraaddaas. Amarkaas oo ah mid xadgudub ah, sharcigana baalmarsan, kana horimanaya amarkii maxkamadda, taas oo keeni karta in lays dilo, hadaba wixii halkaa ka dhaca anagu masuul kama nihin, waxana masuuliyadeeda iska leh ciddii bixisay amarka lidka ku ah mushaharka iyo xuquuqdayda oo maxkamad kasta soo maray. Sidaa awgeed, waxaannu mar labaad ka codsanayaa wasiirka arrimaha gudaha iyo madaxwaynaha Somaliland ba iyo cidkasta oo ay khusaysaba in arrintaas si degdeg ah wax looga qabto, isla markaana helno wixii aannu xaq u leenahay, haddii kale waxaannu u aragnaa awood-sheegasho, taasoo dhibaato wayn sababi karta, mana jeclin in dhibaato dhacdo, sababtoo ah laba sanno iyo badh ayaanu ku dacwiyeynay mushaharkayagii oo lanaga haysto. Sidaa daraadeed, waxaan mar saddexaad ka codsanayaa wasiirka arrimaha Somaliland inuu sida ugu dhakhsaha badan dib ugu hagaajiyo arrinkan cakiran. C/qaadir Ciise Axmed, Hargeysa, TEL: 4414226. |
Jamhuuriya Online |
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
16 May, 2010
Wasiirka Arrimaha Gudahu ma Maxkamad baa?
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment