19 May, 2010

Waqtigii NGOyadu wuu dhammaadey. Gudiyadii inoo qaad wey dammadeen, maanta iyo ninkii ciidda lahaa, bal waxa uu sameeyo aan eegno!!


Waddankani wuu dhammeystirtey dibudejintii, sabab aanu weli u aragno local NGO's waqtigan, waa qalad.Hay'adaha samofalka ee jecel inay ay qorshaha qaranka kaga qaybgalaan barnaamijka dalka u dejisanaan doona, mid waliba ikhtisaaskeeda, waa in aynu soo dhaweyno. Waxa aanse marnaba la aqbalin doonin, saxan dambe oo ay somalia iyo Somaliland ku wada yaallaan. Xoghayaha guud ee Qaramada midoobey dib dambe uga aqbali mayno, in aan u rahmanaanno, ummad waxay dooneyso iyo waxay diideyso aan la kala garaneyn!!

 

Imika oo ay dawl;addi afraad ee mogadishio, ay afka u dhacdey, wax aanu maqli karno maaha inaanu maqallo xamar. haddaba sidii aynu labaatan sano oo kaalmo la'aan ahba aynu uga dabbalanney ayeynu u dabaalaneynaa weliba dhisanayeynaa dhulkeena, kol haddii ay haantii dhaqaaluhu hoosta ka tolantey, waa innaga iyo ragannimadeen wax la soo baxeennu. Guddiyadii kiishadda waa in la waayo, nin aan u shaqeyn dawladda oo afkeeda ku hadla la waayo, nin ummaddu wax u dhiibatey oo xilkas noqonwaayeyna la waayo. zero tolerance oo shaqaalaha dawladda iyo Maamulka lagu dhaqo, lacagta dalka oo lamideeyo, iyo dakhliga oo ka soo wada xerooda dalka oo dhan oo la hirgeliyo.

 

Haddii la helo dad Alle yaqaan oo dhawrsanaan leh, ummadu inay dhegi doonto waa shaki la'. Shicibkan qaaliga ah ee u samray dalkiisana in aan Alle dayacayn waa marag ma doon. Waxa aynu u baahannahay in aynu kicinno bunyadii hoose e haykalka dhisme ee Dawaladnimo, kaas oo ka bilaabmaya  Guddidiyada xaafadaha , Degmooyinka iyo Gobollada. Waxay ka dawan yihiin kuwii hore u jirey oo aynu ognahay, sida loo soo xuley iyo habka lagu soo xulay ba, kaas oo aan la jaan qaadi Karin waxa aynu hibaneyno. Waxa aynu u baahannahay bulshada Rayidka ah oo u abaabulan Macallimiin, ardey, Farsamo yaqaan, aqoonyahan , ganacsato iyo  Xirfadleyaal oo mid waliba uu guddigiisa leeyahay.

 

Marka aynu samaysanno Guddiyada Bulshada rayidka ah, waxa aynu ka sugnaa hoggaamiyaha Dalka in uu khudadda uu rabo iyo ida uu u rabo in ay u fusho ummada u sheego. Waxa se aan codsanayaa inta aan wax kale loo dhaqaaqinba, in priority la siiyo, Dab debis qaran, Jidkan Dgheer ee Berbera/Hargeisa oo saddex doox oo ku yaal dhammeeyeen dad iyo xoolo, marka ay soo rogmadaanna ay kala go'aan magaalooyinka dalku in laga hawlgalo sidii saddex biriish loogu sameyn lahaa, kan hargeysa ee Dhamman waayey illeyn waan loo jeedine isagana la dhammeystiro. Marka aynu mideyno lacagta dalka ka socota, shuruuc adag iyo dhaqaale muujin uu hagayo hanti-dhawr Xilgudasho iyo wadaninimo lehi, waxa hubaal ah in muddo yar oo kooban uu Dalku lacag kayd ah yeelan doono.

 

Waxa loo fadhiyaa maanta,  waa aqoontii dalka oo is abaabusha , lana timaadda aragtida ay baahiyaha dalka  kga hawlgelayaan. Adkeysta dhexda oo innaga kiciya aan la jaan qaadno waaga cusub ee dalka  ka beyaye.

 

Dr. Cali Cabdi Muxumed,

Hargeisa.



No comments: